Safarkii dheeraa ee wiilka reer miyiga

Buug Cusub ee Waayaha Siyaasadda  Somalia)

Hadafka Buugga

Baallal yarahaan (buuggaan) in aan qoro waxaa igu dhaliyey saaxiibbo farabadan oo ku qanacsan in aan ka warhayo dhacdooyiinkii siyaasadeed ama halgan ee ugu dambeeyey oo gudaha iyo Dalka Soomaaliyeed dibeddiisa si isdaba joogga uga dhacayey.

Dacdooyinkaa siyaasadeed ee muhimka ah waxan qabaa in ujeedooyinka laga leeyahay ay gundhig u tahay in Somalia ay mar cagaheeda isku taagto. Madaxda horseedka ah hardamka siyaasadeed midna meesha uguma jirto in Somalia laga waayo khariiddada aduunka oo ay meesha ka baxdo. Aad bay dareensanyihiin burburka waxwalba ee Somalia lahayd oo dadkeedu, shacabkeedu, ka mid yahay. Waa ogyihiin xanuunka iyo haata wilifka loolanka siyaasaseed ee Somalia keenay.

Hadday arrintu saastahay oo aan la dareen la’ayn, xaggee dhibku ka jiraa, maxaase xal loogu waayey mussiiba Somalia ku habsatay?

Su’aasha kale oo isweediinta mudan waxay tahay, iyadoo la wada ogyahay culeyska taariikheed ee ka dhexeeya Somalia iy Ethiopia, maxaa in badan oo ka tirsan madaxdaa Soomaaliyeed ee siyaasadda ku hardamaya ay u tageen dalka Ethiopia ama ay la yeesheen iskaashi siyaasadeed iyo ciidanba? Maxay ka wada simanyihiin oo isku wada mid ka yihiin dhamaan madaxda iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya taa oo saamayn weyn ku leh arrimaha ka soo dhacay Somalia tan iyo intii Dalku hellay madaxbanaanin magac uyaalla? Hoggaamiye tiissa keli eh ka fakarayaa tu madax kale ma dhisi karaa? Siyaasi ku talagalay innu xilka ku waaro ma abuurri karaa jawi iyo hanaan keenna isbedel  iyo madax kale oo hal abuur, aragti dheer, ambaqaad waxqabad iyo tixraacba leh?

Dhanka dhaqanka Soomaaliyeed, dad ugaarsi ku dilaya nin doorkooda uguna soo toosaya subaxwalba reer hebel keebaa laga dilla, ma yeelan karaan aragti hurumar bulsho iyo hanaan dawladnimo? Ma xagsan karaan qaran ballaaran oo ku teedsan xeebta ugu dheer Africa? Dagaallo ku dhisan ganacsi, dhaqaale urursi, boob hanti booli ah iyo bililiqo ma la joojin karaa?

Ganacsade aamanta (tax) ama cashuur dawladdeed la fagakanaya iyo wadaad qori la rooraya ayaa iyana qayb libaax ka qaadanaya burburka Somalia oo gun iyo sal celiya lahayn. Ganacsato aan layn wax ka reeban oo la iibgeeyo kuna dhaarsan in ayen soo laaban qaab dawladnimo ayaa issugu dhiibaya dadka Soomaaliyeed hubka aad wax u gumaada iyagoo isla markaa ku quudinaya dadkooda calalis iyo daawo waa hore  dhacday ama warshadaha aduunku soo qashin qubeen. Xamar maanta iyo inta ku xiran waa meelaha keli ah ee Somalia oo dadku iyagoo wada dhalinyaro ah dhadku ka muuqdo wajikooda say u quudanayeen cunno iyo daawo waa hore dhacday oo walaallahood ganacsato si aan tiro-koob layn Dekedda Muqdisho uga soo dejisay.   Waxaaba iyana aan dabyar shideen wadaado siyaasad dhadhamiyey oo ismadax maray marka dunida dacaladeeda kadiifado cas loo dhigay iyo kuwo kale oo la mid ah oo iyana raba in ay kuwaa bedalaan; ku haysta xilalka kooban ee ku meel gaarka ah oo an samayn kula hayn sadex Kms wax ka durugsan ee Xamar, haddana guryaha kaga gabanaya xabadda iyadoo dhawaaqa iyo xawliga hoobiyaasha Ciidamada Midowga Afrika oo hawada dushooda maraya dhagaha ku dilaaccinayo . Sida muuqata, aragtida siyaasadeed ee wadaadu, marka laga eego dhanka hurumar bulsho, waxay ku saleysantahay war Aakhiru Saman baa lagu jiraaye, Dunida ha lugu celiyo siday ahayd waagii Nabi Adam (CSWS)-wadaado xirfadooda shaqo ayaan dhaafsanayn dugsi Qur’aan, taariikhda golayaashooda hab-maamuuska iyo soo dhaweyntana ayen ka ballaareen sijaayadka ay ku tukanjireen. Waxa la yaab leh dadka iyo dunida wax-qabad heer qaran ka sugeysa wadaado ku soo dhex koray guryo la bililiqaystay iyo booli qaran oo kuli la wada ogyahay.

Waxa iyana jira kuwo shisheeyee ah oo dibedda si ma dhaafta ah kasoo abaabula shirqoollo halis ah si dadka Somalia isku gumaadaan deedna baneeyaan dalkaa baaxadda iyo badda weyn leh. Ugu dambeen, su’aashu waxay tahay, xaggee bay ka imaaneysaa halista ugu weyn ee jiritaanka qaran Soomaaliyeed?

Marka dal burbur, wuxu dunida kale u abuurraa ama sameeyaa fursado hanti-ururris, dhaqaale-tacab iyo shaqooyin farabadan oo mushaar sare leh. Taa waxay si toos ah uga hor imaaneysa in dal burburray dib loo taago. Su’aasha taagan waxay tahay illaa heerkee ayey ku leeyihiin burburka iyo xal u waaga Somalia dawladdaha deriska ah, beesha Caalamka iyo shaqaalaha ururrada Caalamiga ah ee Somalia ku hawllan?

Waxa jira hab-raab ay leeyihiin shaqaalaha shisheeye ee hay’adaha caalamiga ah oo ku wajahan madaxda iyo qofkasta ee Soomaali ah oo faraysa: Markaad la kulantit qof Soomaali ah oo dulman ama arrin ku khusaysa ka careysan, dhageyso oo u dulqaado shan daqiiqo oo keli ah intu carro baxayo, deedna issagaaba iska tagaya, arrintana dabagal dambe aan ku sameeynayn, adiguna arrinta halkaa iskaga illow. Waxaa la yiri aasaagu maalin walba meed la aasu ayuu u baahanyahay, illeen haddii mussiiba Somalia haysata meesha ka baxdo waxaa dhumaya oo la waayayaa barwaaqada buburkii Somalia u keenay shaqaalaha beesha caalamka oo ay haatan ku naaloonayaan iyo bililiqada baahsan ee uu leeyahay qaran hanti badan bad iyo barriba oo burbur guud ku dhacay.

SAFARKII DHEERAA EE WIILKA REER MIYIGA wuxu falanqayn doonaa arrimo badan ee la xiriirra jawaabaha su’aallaha kor xusan iyo kuwo kaloo muhim ah, aadna xasaasi u ah, oo geesinimo dheeraad ah u baahan si buug u noqdo mid dhacal gal ah oo caadifad qabiil iyo mid shakhsiba ka fogaada. Sidaa awed, waxay noqoneysaa in loo dhabar adaygu canaan iyo maagba buugga muggisu soo jiidandoono. Gaar ahaan, buuggani wuxu baallal badan ama qoraal dheer siindoonaa taariikhdii iyo dhacdooyinkii siyaasadeed ee Somalia waayihii dambe sida:

  1. Baraarrugu ugu horeeyey ee siyaasadeed ee Qoraaga mudadii lixdamaadkii iyi taariikh nololeedkiisii.

  1. Taariikhdii Jabhadda Dimoqoraadiga ah ee Badbaada Somalia (SSDF), mucaaradkii siyaasadeed iyo ciidan ee abaabulaa ee ugu horeyey oo ka soo horjestay Dawladdii Saraakiishii Sareeyey Guud Mohamed Siyad Barre hogaamiye ka ahaa. SSDF waxay asaasantay ka dib Dagaalkii Ogaden 1978, Dhaqdaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) iyo Golaha Midowga Soomaaliyeed (USC) oo ahayd      koox ka go’day SSDF markii burbur siyaasadeed ku dhacay.

  1. Dadaaladii ku aadanaa middaynta uruurrada ka hor intaan la fulin afgambi xoog ah oo lagu sameeyo Dawladdii Siyaad Barre. Ujeedooyinka Mengistu Haile Mariam ka lahaa dhismaha ururro mucaaraad Soomaaliyeed. Weli may isbedeshay, laga soo bilaabo Menelik, danaha Ethiopiaka leedahay Somaalia? Intee bay gaarsiisantahay heer aragtiga iyo cabirka madaxda Soomaliyeed markay arrimuhu taaganyihiin danno qaran oo maguuraan ama joogta ah?

  1. Taariikhdii qurba joogga Qoraaga ka dib burburkii SSDF, 1989-1995

  1. Wada Hadalladii ama Shirarkii Soomaaliyeed ee Dib-u-Heshisiinta Qaran, 1993-2004

  1. Dadaalkii loo soo maray dhismaha Dawaladda Puntland ee Somalia-aasaskeeda oo ruunti salka ku haya: A) Ismari waagi siyaasadeed ee Shirarka Dib-U-Heshisiinta Soomaaliyeed markii ugu dambayn la baajiyey Shirkii Qaran ee Boosaaso 1997, isla sanadkaana kii Qaahira oo loogu tagalay in looga hortago ka Boosaaso lagu fashilay. B) Dadweynaha Puntland oo diidan in dib loogu laabto xukun dheexe oo awood badan oo wada marooqsan kara talada dalka. C) Ujeedooyinka laga lahaa sideedaba dhismaha Dawladda Puntland. D) Ujeedoonyinka Somaliland iyo Puntland oo ugu dambayntii isku mid ah balse leh soojin iyo hanaan kala duwan marka laga eego dib-u-dhis qaran Soomaaliyeed oo xoogan iyo dawlad dhexe oo si siman loo wadaago iyo ismaamul gobolleedyo awoodyo dawladnimo balaarran leh sida Djiboutioo dawlad gaar ah hase ahaatee marna ka maarmiweyday Somalia oo xataa burbursan.

  1. Dhismihii Dawladda Federaal Ku Meel Gaar ah ee Jamhuuriyedda Somaliaee Shirkii Dib-u-Heshisiinta Qaran ee Eldorate/Embakathi/Kenya, 2004.

  1. Xaaladda qurba joogta Soomaliyeed iyo doorkay kaga aadan dib-u-soo celinta iyo u dhiska Qaran Soomaaliyeed.

HORDHAC

Ma sahlana in si haboon loo helo meeshay ka bilaabato  taariikh nololeedka qof. Qof walba waxbuu soo ahaa, wax buu soo qabtay, wax bandanna waa u soo joogay. Markay suura gasho in wax laga qoro nolosha shaqsi iyo waxqabadka gaar ahaaneed, su’aal baa ka imaaneysa dhacdada ama marxaladda laga bilaabayo. Waxan dareemayaa in Soomaalida wax qortaa ay gaabsadaan qormada taariikh nololeedka. Sidaa darteed, waxu igu noqonayaa qoraalkaani qardajeex banka ood ah.

Haddaanse damco in ay tayda wax ka qoro, isla su’aashaa ayaa iga hor-imaaneysa. Malaha waxay ku fududahay in aan issa sheego kumaan ahay, qoyskaan ka soo jeedo, akhriyaashana isbaro, taa oo hordhac u noqondoonta soo jeedinta buugga soo socda.

Anoo ah ina Xaaji Warsame Axmed Gurey Jawjawl waxan ku dhashay miyiga Gobolka Sool, agagaarka Laascaano qiyaastii 1952 maadaama ayan jirin qoraal ama diwaan gelin ku saabsan dhalashadeyda. Dadka taarikh nolaleedkayga wax kala socda waxay yirahdaan Ismaaciil da’daadu intaa waa ka weyntahay. Cuqdo kama qabo haddaan da’da ii qoran illaahay mahadddii intaa ka weynahay. Waxa igu filan in aan dareemayo, una muuqdo oo aan weliba issu haystaa nin dhalinyara ah, da’dii wiilnimana dhaafay. Waxaan marwalba xusustaa nin wiil ku jiri: ‘’War deg deg u kor, saasaa kuu roon eh. Nolosha qofku waxay ugu macaantahay da’da u dhaxaysa 65 iyo 75 sano. Yeel keedde da’daa weli uma dhawi, reer magaalnimana iga ma aha.

Kuma garaadsan Gobolka Sool ee aan ku dhashay, sidaan warka ku hayana Magaaalada Laascaano waxay ahayd tulo ka wada biyo-dhaansada “Ceel Cali-Barre” Xaaji Cumar Siigacadde, oo alle haw-naxariistee ahaa abtigay dhanka hooyo, Racwi Xaaji Cumar, naxariistii eebe ha siiyee. Waxtarka iyo wax qabad guudba, wuxu ahaa abti Cali Barre hoggaamiye deegaan oo taarikh weyn oo lama illaawaan ah kaga tagay Laascaano, beelaha halkaa degan iyo kuwo dhaafsiinsanba. Sheekooyinka Abti Cali Barre waxa ka mid ah in koor barqa ah isoo Magaalada Laascaano dhex maraya u arkay saajinkii Saldhiga Booliska Soomaaliyeed oo makhaayad la fadhiya arday u soo gooyey xiisaddii dugsiga. Abti issagoo careysan ayuu kusoo leexday makhaayadda oo bakoorrad la dhacay saajinkii. Markii dadkii goobjoogga ahaa Abti ushiisii saajinkii ka joojiyeen, ayaa sargaalku inta gacmaha kor u taag taagay ayuu u luuday dhanka Saldhiggiisii issagoo sidii dulud geel ah takaradhabanaya. Arrintaa waxay keentay in ardadu ka waalato makhaayadaha beledka inta xiisadaha dugsigu socdaan.

Sida warku igu soo gaaray laabteydana ku beeran, waxan ahaa wiil aad qoysku iyo abtiyaashiishba jecelyihiin, hawba sii darraadeene Hooyo iyo Ayeeyo dhanka hooyo,  Dhoofa, oo ka soo jeeda deeganka Burco ee Gobolka Togdheer. Anoo si weyn u dareensan maah maahda Soomaliyeed ee oraneysa “Nin isfaanshay waa ri isnuuktay” hadana lama qarin karo sugaanta hooyo ku muujisay jacaylka ay u qabto wiilkeeda. Hooyo waxay amaanteeda ku tiri: “ Ismaaciil adiga mooye, adoogeen Xaaji mooyee, Ayeen Dhoofa mooye, uduufaa meesha joogta”. Sida qoyskayagu ka war hayo, waxaa habeen geeryooday odagii reer daris nala haa. Islaantii u dhaxday ninkaa odaga ah ayaa boyday oo la aamusin waayey, aabe isagoo islaantii u tacsiyeenaya, ayuu wuxu ku yiri Faadumoow kuli waa la wada dimanayaa ee maandhee iska aamus. Islaantii waxay ugu jawaabtay: “Xaajiyow, waxan kuu fiirsandoona sidaad noqoto marka islaantaada Racwi dhimato”. Deedna markii hooyo xijaabatay, aabe oo aad jeclaa hooyo ayaa runti diiday in la aaso meedkii hooyo illaa odayaashii daris ka ahaa iyo beelahu issugu tageen oo xaajigii ku khasbeen in meedka la aaso. Hase yeeshee aniga markaa labo jirsaday ayaa kafantii hooyo ku dhagay oo layga furfuriwaayey. Markaa dadka qaarkii baa soo jeediyey in meedka iyo wiilkeedaba la isla aaso.

Maadaama beesha Bahararsame/Reer Naaleeye ee Hooyaday ka soo jeedo ay aad u qadarin jireen una jaclaayeen Xaaji Warsame, waxaa durba xisgiisan loo siiyey Caasha Maxamuud Xaaji Cumar, oo haatan ku nool Magaalada Seattle Washington ilma abtina aanu nahay, hooyo labaadna ii noqotay. Waase xusuus mudan Sacdiya Xaaji Warsame, walaashay iga weyn oo wax badan ka soo qabadatay korritaankaygii, buugganna aan u hadaynayo. Illaahay naxariisti janno ha geeyo. Sacdiyo waxay ku allaysatay America dhawr sanno ka hor.

Ayeeyo Dhoofa oo iyadu ka soo jeeda Beesha Habar-Jeclo/Aadan Madoobe, oo sida la ii sheegay wakhti badan ku bixinjirtay in ay i hayso maalin walba, iyana waxay tirisay tixdaan: “ Ismaaciil oogadaadu udgoonnaa ogadaadu ma sinxinbaa lagu agloolay”.

Ayeeyo waxay xijaabatay anon weli garaadsan. Sida laga sheekeeyey, waxay ahayd qof hawl-kar ah, caqli badan, codkar ah oo geesi ah. Waxaa laga wariyey in Ayeeyo Dhoofa odayaal maqaawiir ah oo garku wada cas yahay xaajo markaa taagnayd issugu yeertay shahna ku casumtay. Ayeeyo markay shaahii odayaashii u keentay, iyada ayaa bilowday in shaaha shubato odayaasha hortooda. Markay labo fujaan oo kulul ah ka tuurtay, ayey ku tiri odayaashii oo yaab iyo argagax ku dhacay, “hoogay eh! iIlee rag baa ii fadhiyey”.

Aabe, Xaaji Warsame Axmed Gurey Jawjawle, eebe janada ha ka waraabiyee  wuxu leeyahay taarikh dheer oo ku saabsan dhinacyada diinta, siyaasada, halganka gobanimadoon, garsoorka, horumarka buslsho, deegaan iyo dawladnimo. Wuxu ahaa nin safray oo dabayaaqadii qarnii 18aad soo maray wadamo dunida carbeed ugu badantahay. Waxaa xusus badan maskaxdiisa ku reebtay noloshiisii dalka loo yaqaanney Xijaas (Sacuudi Carabia). Aabe sii qoto dheer ayuu halgaa diinta ugu bartay ka diib markuu isaga iyo walaalkii ka weynaa, Xuseen, ka qalin jabiyeen Mowlicii Culumadii ku xiraa Saldanadii Kenediid ee Magaaladda Hobyo ee Gobolka Mudug horay uga tirsanaa. Wuxu u dhoofay Xijaas issaga oo ku xirmay Shiikh Maxammed Saalax. Halgaa waxa ka dhalatay dariiqadda Saalixiyadda. Aabee deedna wuxu noqday Wakiilka Somalia ee Shiikha dariiqadda Saalixiyadda. Wuxu Xarun dariiqadda ka dhigtay Ceerigabo. Aabe wuxu horay uga tirsanaa Daraawiishta, waxayna aad issugu xiraayeen  Sayid Maxammed Cabdulle Xasan, Hogamiyihii Darawiishta Somalia, oo ahaa isna wadad Saalixi ah. Middaa awgeed, Xarunta Ceerigaabo dhexdeeda Aabe waxa loogu yeerijirey Sayiid Warsame Axmed Gurey ka dib dhimashadii ina Cabdulle Xasan.

Sayid Warsame ama Xaaji Warsame waxaa Xaruntiisa Cerigaabo diinta iyo af-Carabiga ka baranjirey boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed. Waxay kaloo Xaruntu ahayd barta ay Xajka uga dhoofaan xujeyda Soomaaliyeed. Xarunta Sayidku waxay bixin jirtay waraaqqaha aqoonsiga ee Soomaalida Xajka u socda iyo kuwa loogu qorayo Madaxda Xijaas ee Dariiqadda Saalixiyadda. Waraaquhu waxay ka dalbanjireen Shiikh Saalax in Soomaalida xajineysa la soo dhaweeyo intay dalkaa ay ku suganyihiin. Xujeyda Soomaliyeed waxay Shiikh Maxammed Saalax u geenjireen hadyado xoolo nool u badan iyo noocyo kala duwan ee hilbo guryaha si haboon loogu soo farsameeyey si ayen safarka ugu xumaan ama, sida la yiraahdo, u qurmin. Xiriirkaa diimeed iyo diblomaasiyayeed ee uu horseedka ka ahaa Sayid Warsame wuxu noqday mid xujeyda Soomaaliyeed wax weyn u tara billowgii qarnigii 19aad.

Si lama fillaan ah iyo maalin maalmaha ka mid ah, waxa soo gaartay Sayid Warsame casuumad ka timid Shiikh Maxammed Saalah in uu yimaado Magaalada Medina ee dalka Xijaas. Sayid Warsame oo hoggaaminaya wafti ka tegay Xaruunta Ceerigabo ayaa yimi Medina. Sida Aabe ii xaqiijiyey intuu noolaa, Shiikh Maxammed Salaax wuxu helay war Soomaali u geysay oo sheegaya in Sayid Warsame ka madax banaanyahay Shiikha iyo hadyadihii Shiikha Medina loogu keenijirey oo Sayidka Xuruntiisu afka u dhigatay. Labaddii Shiikh sidaa ayey isku afdhaafeen. Hadal kulul ka dib, Sayid Warsame ayaa Shiikhii u gacan qaaday o il iyo birteed dhirbaaxo ku dhuftay. Taa waxay keentay in Shiikha taageerayaashiisu gacanta ku dhiigaan Sayid Warsame. Shiikhu si deg deg ah ayuu isugu yeeray La Taliyaashiisii, waxana la go’aansaday in Sayid Warsame seef qoorta looga gooyo maadaama Shiikha Dariiqada uu fara saray. Rag ka tirsanaa waftiga Xarunta Ceerigabo iyo kuwo kaloo odayaal muxtarim ah oo Medina degannaa ayaa ka codsaday Shiikha in mudo yar iyaga lagu soo weerijiyo Sayid Warsame. Nasiib wanaag Shiikhu waa ogalaaday. Ragaa waxay ku guuleysteen in Sayid Warsame si qarsoodi ah doon ugu soo dhoofiyaan tan iyo Berbera. Sidaa ayuu Sayid Warsame dilkii uga badbaaday. Hase yeeshee, waxaa la qorsheeyey in Xaruntii Cerigabo wadaado kale la wareegaan oo uusan dib ugu laaban Warsame iyo in hantidii Sayidka oo lala wareeggo . Markaan kaftanno odayaasha Sanaag oo waagaa beeshoodu xoog u degannayd Ceerigabo, ayaan ka codsadaa in ay noo soo celiyaan hantidii Aabahay.

Aabe wuxu ahaa Darwiish aqoonyahan ah. Wuxu ka mid ahaa la taliyaashii diinta iyo afka Carabiga ee Xaruunta Daraawiishta. Gaar ahaan wuxu qaabilsanaa qoraallada xiriirka dibedda ee Sayid Maxammed Cabdulle Xasan. In badan oo qoraalladaa waxa loo dirijirey madaxda Turkiga. Sida Aabe ii sheegay isweydaarsiga qoraalladu waxay badanaaba ku saabsanayeen halganka Sayidka ee la dagaalanka joogitaanka iyo gumeysiga Ingiriisku ku haysto dalka Somalia. Hub iyo difaac ayaa ugu badnaa waxyaabihii lagala hadlijirey Turkiga. Maalin maalmaha ka mid ah oo ay tahay barqadii ayaa Sayidku isugu yeeray aqoonyahannadii Xaruunta si dib-u-eegis logu sameeyo qoraal dibedda u socda. Marka la galay falanqayntii iyo faaqidaadii qoraalkaa badanaaba waa la isku raacay habka, dhadhanka, asluubta iyo ereyada qoraalka, hase yeeshee si lama fillaan ayaa Aabe u soo jeediyey Golaha aqoonyahannada oo Sayidku hor fadhiyo in dib loogu laabto qoraalka, ereyo dhawr ahna laga soo saxo iyo in dhismaha qoraalka wax laga soo badelo. Aqoonyahannadii goobjoogga ahaa ayaa fajacay oo u baqay aayaha Aabe iyo tilaabada uu Sayidku ka qaadidoono Aabe mar haddu ka horyimi ansixinta qoraalka muhimmadaa leh. Sayidku inta in yar ku dhaygagay Aabe ayuu yiri: “ Talada Warsame ayeynu qaadaneynaa”. Fadhigii Sayidku iyo aqoonyahannaduna halkaa ayuu ku xirmay maalintaa.

Sheekada kale oo xiisahaleh ee Sayidka iyo Aabe dhex martay waxay dhacday markii Faadumo Islaan Aadan la siinayey Sayid Maxammed Cabdulle Xasan. Aabe oo markaa ahaa Shiikh aad u dhalinyar, goobjoogna ahaa fadhiga lagu bixinayo innanta, ayaa Sayidka ku yiri “ Sayid, xarragada inna Islaan laga bixinayo bar anaa leh” Odayaashii fadhiga iyo Sayidkuba inta yaabeen ayey isfiirsheen. Sayidka ayaa fiiriyey Aabe  oo su’aaley “ Oo sidee ayaad bar u leedahay?” Aabe wuxu ku jawaabay: “Sayid, Reer Mahad, walaalkay Xuseen iyo aniga mooyee inta kale weli waa gaalo”. Odayaashii Fadhiga iyo Sayidkuba isla mar ayey wada qosleen- qosol dheer oo isdaba jooga ah. Bartaa ayaa Aabe iy Sayid Maxammed Cabdulle Xasan isku barteen, deedna Aabe u noqday Darwiish aqoonyahan ah.

Waxaa la yiraahdaa war la ogyahay xiiso maleh. Yeelkeede, fadhigaa waxa Sayidku xarrago u bixiyey faraskiisii caanka ahaa ee Xiin Faniin kuna tiriyey gabaygii “ Waa Xiin Faniin neefgan aad xariga haysaa eh ….. mar haddii Suldaan igu xilleh iga xayn daabay, xarigiisa qabo aadmi kale kuma xushmeeyeen eh. Malaha dad badani ma ogga sababta odayaasha beeshu, iyagoo ka wakiil ah Islaan Aadan, ka codsadeen Sayidka in xarragada Faadumo Islaan laga bixinayo ka bilaabato Xiin Faniin. Xiin waa faras ay dhashay geenyadii horadka waalayd ee Faniin. Faniin horay ayaa Daraawiishtu uga dhacday beesha. Si looga wada buskoodo xusuustaa dagaal iyo xiniftii hore, ayaa Islaanku ka codsaday Sayidka Xiin. Haweennadii Faadumana waxaa guursaday nin kale ka dib markuu Sayidku xijaabtay 1921 wax yar ka dib marka Sayidku tixdii: Iga Gawrac Geenyada Ragbaan Go’inne Nooleenne eh. Faadumo waa haweenta laga wariyey: “ Lugteerey ninba mar ku qaad” iyadoo malah saluugeysa ninkeeda cusub malalah markay isbarbar dhigtay ninkii iyada horay u qabay.

Sheekooyinka kale ee Xaaji Warsame lagu xasuusto waxaa ka mid ah markii uu ku noola Xiyaas, waxa loo sheegay innan Soomaaliyeed ee reer Waqooyi ah oo Carabkii qabay xumeeyey.  Aabe ninkii innanta qabay ayuu qaaliga ku dacweeyey isagoo qareen u ah innanta. Doodii qareennimada Aabe ku yiri qaaliga: “Ninkaan  nasab ma aha, innanta ma gayo. Innantii Soomaaliyeed bartaa ayaa looga furay ninkii Carbeed . Sheekooyinka Aabe intii u Xijaas joogay waxa iyana ka mid ah Masjid la yiraahdo Jabarti ee Medina ku yaala oo Carabtu damacday in ay magaca ka badalaan. Aabe oo careysan ayaa Masjidkii tegay. Salaadii Duhurnimo markii la tugaday, ayuu yiri isagoo codka kor u qaadaya: “ Dadka tukadayow yaan masjidka laga bixin!” Aabe, inta seef u sitay galka kala baxay ayuu yiri “ Ninkii isku daya in uu badalo magaca masjidkaan Jabarti, seeftaa ayaan qurka uga jarayaa ka hor intaanan dhiman”. Sidaa ayuu magacii Masjidka Jabarti ee Magaalada Medina ku hirgalay. Isla waakaa, Aabe nin Carab ah oo ay isyaqaaniin ayuu ka codsaday in uu cidiyaha oo ku dheeraaday ka jarro. Carabkii oo xanaaqsan ayaa diiday in uu taa yeelo. Aabe wuxu su’aalay Carabkii “ Oo maxaa u diideysaa waa layga jarijirey eh? Ninkii carbeed inta qoslay ayuu yiri “ waa yahay eh keen maqaska”.

Xaaji Warsame Axmad Gurey Jawjawle wuxu Soomaaliya ku leeyahay sheekooyin badan oo kale sida kuwii ka dhex dhacay isaga iyo Xaaji Aaden Guuleed, Shiikh Maxammad Xuseen, Guddoomiyihii Xisbigii SDU ama Great Somalia iyo Shiikh Xirsi Islaan ee Magaalada Jeriiban.

Mudadii anigu aan la noolaa reer kayaga migi agaarka Jeriban, Aabena yahay Qaaliga Dawladda ee tuulada ayaa Salaadda Jamcaha in la tukado iyo in aan la tukan waxaa isku qabtay Aabe iyo Shiikh Hirsi Islaan oo isla beesha ka wada tirsan. Aabe in Salaadda Jamcaha la tukado, Hirsina waa diidanyahay. Mar haddii ayen jirin culimo ka sareyssa labada shiikh oo wax kala oran karta, odayaal beelaha ayaa isxilqaamay oo gartoodii galay. Xaaji Warsame wuxu odayaashii ku yiri: “ Odayaallo waad ogtihiin aniyo walaalkay Hirsi in aanaan diin isku hayn-ee waxaanu isku haynnaa mar haddaan labo wadaad nahay, xoolaha Reer Adan Mahad ladeenaba inaga badan”

Mid arrintaa oo kale ah ayaa Magaalada Galkacayo ka dhacday afartanmeeyadii markuu Xaaji Warsame, maadaama uu si hasto in uu ka mid yahay culumada diinta ugu badiya, wuxu damcay in uu khudbadda Salaadda Jamcaha soo jeediyo. Xaaji Aadan Guuleed oo ka tirsan Beesha Wabeeneeye Masjidkana Maamule ka ah ayaa damaca Xaaji Warsame ka dhaga-adayga. Markii Salaadda Jamcaha laga gaaray ayaa Xaaji Warsame inta so kacay oo dadka Masjidka fadhiya hor yimi ayuu yiri: “ Masjidkaan manta lagu tukan maayee inaga saara” Dadkii ayaa yaabay oo mooday Xaaji in uu ku duftay. Xaajigu wuxu yiri: “ Waxwalba waa iga xaaraan oo xilaahi furan inaan nin Maxamuud Saleemaan ah manta Masjidkaan ku tukaneyn”. Waxay noqotay in Masjidkii Xaaji Aadan Guuleed laga dareero, dibeddana Xaaji Warsame dadkii ku tujiyo. Arrintaa Xaaji Aadan xaal baa laga siiyey dhawr berri ka dib.

Wax yar haddaan ka iraahdo Awoowe Axmed Gurey, waxay isqabteen aabihii bartamihii qarnigii 18aad. Axmed Gurey oo labo iyo toban sano aan weli gaarin ayuu aabihiis oo taagan waran xiiraa ah ku soo kilkilay oo labada bowdo isu mariyey. Aahii intuu oranlaa war maaxaa igu dishay, wuxu yiri: “ Gacanta Alle kaama gooyo, soo cadowna saa uma gasheen”. Markuu odagu buskooday ayuu wiilkii wuxu yiri: “War reerka inagu kala wad kuma heshiineyne.” Axmed Gurey oo markaa labo iyo toban jirsaday ayaa reerkii ka tagay. Waxaa u xiran amley lagu magacaabo Xaales wuxuna sitaa warankii xiiraaga ahaa. Isagoo habeen dayax leh gudaya, ayaa wadada waxa fariistay libaax dadqaad ah. Axmed Gurey inta geed wadada dhinacceeda gabaad ka dhigtay ayuu tixdaan libaaxa hortiisa ka tiriyey: “ Aniga oo Xaales sitiyo waranka Xiiraa ah  Axmed Gurey xirgeer buu ku cunay xaal an jirin weeye”. Axmed iyo libaaxii say habeenkii oo dhan issu hor fadhiyeen ayey subaxdii dambe kala jaqaafeen.

Aniga waxa illa dhashay rag iyo dumar door ah- lix will iyo lix gabdhood oo wada hanaqaad ah. Ragga walaalahay mid walba halgan gaar ahaanneed ayuu soo maray; maantana illaahay mahaddii waxa isugu jiraan Prof, Sharciyahanno, Dhaqaalayahanno, Injineerro.

Haddii aan tayda bilaabo, inta iyo intaan 7 yirsaday waxan la noola reerkayaga miyiga oo u kala guurjirey inta u dhaxaysa dhoodida Mudug, Ciid iyo dhooxada Nugaal oo Laascaano ka mid tahay. Ka dib Hooyo dhimashadeedii, wax xusuus weyn leh oo dhacay majirto oo an ka ahayn Dayrta ku magacdheer “ Yaxoobdheere” Dayrtaa abaaraha ku aadanayd 1960-61, waxay igu heshay anoo Geel la jooga agagaarka Ceelka Godad ee qiyaastii ujira 70 Kms dhanka bari  ee Magaalada Galkacay. Dayrtu waxay keentay rob da’ayey in ka badan todobaad oo aan la hayn kala qaad. Geel jiruhu malaha wuxu roobka kaga gabado oo aan ka hayn labadiisa go’ iyi geed yaraha la iska xijiyo dhibcaha xoogan. Dhibka ugu weyn ee roobku keennaa waxay gaajo. Aniyo nin kale oo la yiraahodo Maxamuud Cumar, markaana nin weynah oo haatan weli miyi ku nool ayaa geella la wada joogay. Geel lama maalo haddu roob da’ayo. Waxanu qatanayn oo afkayaga qabnay mudo aan ka yareen todobaad. Sida reer miyigi ka war hayo hasha irmaanni waxa ku dhaca caano guur haddaan mudo dheer la lisin…. Aakhiru tahan roobkii markuu qaaday, geellii caano maleh. Aniyo iyo Maxamuud waxanu ku tashanay in aan isqaybino oo ninna geella la joogo, midna u safro Ceelka Godad qiyaastina noo jira 40 Kms dhanka koonfureed oo u shaxaad tago gadisleyda degan. Maxamuud waxu soo jeediyey in aan anigu safro maadaama aan ahaa wiil yar oo banii Adamku u naxariisanyo, gadisleyduna sooryeydoonto. Aroor hore ayaan soo kalahay, maalintii oo dhan ayaan soo luudayey. Anoon waxba naf ah ku noolayn, ayaan fiidkii soo gaarey Godad. Mid ka mida ah daasas dhawr ah oo halkaa ka dhisnaa ayaan deerkiisa inta ku dhacay ku suuxay. Waxan baraarugay anooo nafka  dhawr ah. Waan qayliyey ama aadaamay sida qof nafto ka sii dhacayso. Meeshu kudcur maararuugle ah. Waxan aalaa meel qoyan oo xataa aan lahayn kash kaash. Qayladaydii ayaa waxa ku soo baxay nin karbuuno ama toosh ifinaya oo mooday in waraabe ila tagayo. Markuu arkay in aan liito, ayuu isoo qaaday oo gudaha daaska darin goglan i dhigay. Isagoo an weli tooshkii damin, ayuu galas caano ah inta shubay igu tahbiibiyey. Dhawr goor ayaan caanihii aan cabay soo celiyey. Waagu markuu baryey, niinkii daaska lahaa wuxu isiyey timir iyo shah. Markaa ayuu i haybsay, waana  u gartay reerkaan ka soo jeedo. Dhuhurkii markii la garay aniga iyo rag kale oo iyana safar ku yimi waxanu cunay bariis caano lagu iidaamay. Naftii waa igu soo laabatay welisa waa diifaysanahay. Habaynkii dambe ilib baaban wax ka cunay.

Habaynkii intaan daaska la seexxan ayaan waxan ka codsaday Cali Ibrahim, daaslaha,  i amaahiyo or deeq ii siiyo rodol or labo timir ah oo saaxiibkay geella aan kaga soo tegay u geeyo. Cali wuxuu iigu jawaabay: “ War adaan waxba haysane, nin kale xagee jooga?” Hadalku waa cadyahay in aan meesha waxba ii oolayn. Waxan ku seexday in aan subaxdii kalaho oo geellii iyo saaxibkay ku laabto. Nasiib wanaag saaxiibkay Maxamud Cumar oo ladan ayaan gaaray goor gabal gab ah. Maxamuud illeen geellaa u caaneyey roobkii ka dib markuu dib u daaqay. Markaan isnabdaadinay, su’aashii ugu horeysay Maxamuud waxay ahayd: “War timir ma keentay?” Inta ku isku yaxyaxay, ayaan iri: “ Maxammud waabad ii jeedaa in aan fara marnahay eh, geellii ma caano geenay?” Maxamuud, si carro aad u muuqataha ku dheehantahay ayuu iigu jawaabay: “haa”.

Magaalo jog waxa iguu horaysay tuulada beyra oo aad ugu dhaw Gaalkayo dhanka waqooyi. Taasu waxay u dhacday markaan soo arooriney Beyra geel reerro dudo isku jira oo tiro gaaraya illaa afar boqol neef. Maadaama aan yarahay da’deyduna aysen weli gaarin 8 jir, hawshaydu waxay ugu kala baxdaa in aan geella horo ama ceelka dhuro. Ceelasha Beyra ma biyo-badna. Geella intaa tiro leegna wuxu u baahanyahay labo wadaamood oo darandooriya. Markaan soo gaaray ceelasha oo dhanka koonfur bari kaga aadan tuula Beyra, waxa durba la iisoo tuuray dowliga afkiisa san ceelka salkiisa iisugu daruurro. Ceellashu waxay gaarkood leeyihiin biir ama neef ka soo butaacaysa oo dadku inta ceelka dhexdiisa ku suuxaan ay deg deg ku dhintaan. Ninka ceelka soo dhurayaa marka hore waa tijaabo. Ninka dooliga ayaa dhexda ugu xiran marka ceelka loo tirayo, isna markuu ceelka salkiissa gaaro, waa inugu sugaa oo uusan iska furin dooliga inta uu ka hubsanayo xaaladda gundhiga ceelka sida biirta, isha biyo-dhureenka, nadaafadda salka iyo qaymaynta dhumucda biyaha.  Raggii ceelka ii diray, dawliga dacalkiissa oo keli ah ayey ii dhiibeen, ceelkana waa ugu darduureen. Ceelku sidaa uma dheera marka la isbarbardhigo kuwo aan waadambe ku arkay Wardheer iyo Walwaal ee Doollo. Intii cabaar ah, qiyaastii labo illaa sadex daqiiqo waxan ku jirey mugdi ama gudcur ceelka dhexdiisa illeen dhulka oogadiisa oo iftiin ah ayaan ka soo deegaye. Waa inaadan kor fiirin iyo duleelka sare ee ceelka si ayey indhahaagu u qaayibaan aragtida ceelka. Isma dhaqdhaqaajin luguhuna biyaha ceelka oo saa an u badnayn ayey iigu jiraan.  Wixii iigu horeysay ee ishaydu qaabato wuxu ahaa mas ama abeeso ceelka iska dhexdabaalaneysa oo markaa inta argagaxday darbiga ceelka ku tiirsan. Naxdin awgeed afkii baa ikala tegay. Durba wadaantii ugu horeysay ayey nimankii geella shubayey ii soo tureen. Intayan biyaha ku dhexdhicin oo maska igu carshaasheen ayan wadaantii hawada ka qabsaday, anoo gaatamaya. Raga kor joogaa waxay iga fillayaan ceel-dhur deg deg ah Ellen geel baa u horan eh. Durba wadaan kale ayaa soo dhacday, saan iyana dhexdaan ka qabsaday. Wadaantii hore ayaa kor loo hinjiyey iyadoo abar ah ama maran. Mise tii kalana waa la mid. Raggii kor joogay shaki baa galay. Ibraahim oo ka mid ahaa afarta nin oo geella shubaya ayaa inta ceelka gawgiisa ku soo foorarsaday, ayuu ku qayliyeey: “War maxaa kugu dhacay?, war maxaa kugu dhacay?” Si cadaan ah uma maqlayo dhaqaaqa, waase garanayaa in uu yahay codkii Ibraahim. Aniguna waa ka daba-qayliyey: “War mas baa ceelka ku jira!”, war mas baa ceelka ku jira! Wadaamihii haddii la gilgillay ayaan gartay in macnaheedu yahay ka soo bax ceelka, wadaamahana soo qabso. Labadii wadaamood inta mid walba lug ku ritay anoo aayar iska illaalinaya maska, ayaan qabsaday labada dooliba. Raggii sida wadaamaha ayey ii shubeen. Dibedda markay i keeneen, ayaan u sheegay maska ceelka ku jira iyo ceelku in uusan biyo badan lahayn. Durba shaqo kale ayaa la idiray; geella in aan horo, anoo soo bedelaya wiil kale oo iga weynaa. Wiilkii ceel kale ayaa durba lagu tuuray.

Ayadoon sheeko dheer la isku dhaalin, galabtii marka geella la caraabiyey, in cabaar ahna sii soconay oo anu nahay aniga iyo wiilkii kale, raggii kale ay weli ku dambeeyaan ceelasha, ayaan inta wiilkii kale ka dhuuntay ayaan geed hoosti dhabacday. Qorshahaygu waa inaan tuulada Beyra dib ugu laabto sidaan geella uga haro. Qiyaasti nusaac adaan geedka hoostiissa ku nabnaa ayaan malaha gam’ay waxan baraarugay iyadoo gudcur ah. Inta salalay ayaa shaki igalay meesha aan ku suganahay. Waan istaagay. Waxaa ii muuqday if iyo nalal badan oo dhica koonfur iga xiga. Waxan xusuustay in ifku ka muuqdo magaalada. Xagaa ayaan ku dhaqaajiyey anoo cabsi ka qaba waraabaha ama dhurwaaga oo sideedaba ku badan meesha iyo dooxada Mudugba. Ceellashii manta ayaan sii dhexmaray. Waxan gaaray magaalada qiyaastii labo saac iyo bar fiidkii. Makhaayad furan ayaan ku soo leexday. Anigoo yaxyaxsan aadna u xishoonaya, ayaan ninkii maqalka joogay u imi ayaan weydiyey: “Adeerrow, guriga Xasan Faarax Khalaf meeyey?” Ninkii, inta i fiiriyey oo arkay in aan ah wiil reer miyi, ayuu I weydiiyey: “ War yaa, xaggee ka timi”? “ Ciid iyo geellayagii, adeer”, ayaan iri. “Fariiso kursigaa, anaa gugu daraya wiil ku geeya guriga eh” ayuu yiri maqaljoogihi. War yaa, Axmeddow, kaxee wiilkaan oo gee guriga ninka Illaalka ah ee la yiraahdo Xasan Faarax”. Axmed waa i waday anagoo u lugaynay gurigaa oo an aadba u fogayn kana dhisan dhanka galbeed ee tuulada Beyra, anigase ii ah markaa magaalo weyn. “Guriga aad dooneysay waa kaa” ayuu yiri Axmed, inta farta ku fiqay. Inta albaabka deer ka guriga i keenay ayuu yiri “ Nabadey”. Albabka hortiissa istagay anoo aan garanayn wax aan sameeyo. Anoo meesha iska taagan agagaarguna mugdiba yahay qiyaastii sadexdii fiidnimo, ayaa dariiqa waxa soo maray ninka karbuuno sitaha. Inta igu ifiyey tooshka ayuu yiri, “war maxaad ka sameyneysaa meesha? Adeerow, guriga reer Xasan baan rabaa” ayaan ugu jawaabay. O waabad taagantahay albaabkiisee maad gargaraacdid? Ayuu I weydiiyey. Ninkii inta soo leexday oo ii yimi, ayuu isaga laftiisu gargaraacay albabka. Wiil aniga iga sii yar ayaa iga furiyey albaabka, oo yiri “ war yaa maxaad rabtaa adiga”. “Walaashay Sacdiya ayaan u socdaa” Inta qoslay ayuu yiri, “soo gal”. Markiiba Sacdiyaan indhahaygu  ku dhaceen. Sacdiya inta soo oraday ayey isku keyduubtay oo igu dul oyday. Dhurba firaash iyo meel aan seexdo ayey ii diyaarisey, qaydadkii aan qabay iga bedeshay, ii qubaysay oo cunno markaa karsan oo bariis iyo hilib ah aadna u macaan i siisay. Wiilkii albaabka iga furayna waa isbaranay in lagu la yiraahdo Maxamed xasan, seedigay Xasan Faraax, oo gurigiisa imina walaallo yihiin.

Waxan ku noolaa magaalada Beyra mudo bil ah intaan reerkii miyi soo guurin oo soo ag-degin agaarka Beyra, markaana khasab noqotay in aan reerkii iyo geellaba dib ugu laabto.

Hadaan dib u jaleeco waayo aragtinimadii aan ka dhaxlay Beyra, waxa ii soo baxaysa in ahayd Tuulo aad xiriir ula leh beelaha dhaqda lo’da, caano-teelkuna ka yimaado lo’leyda degan agagaarka. Waa magaalo biyo yar, waagaana fuusto uga dhaansata ceel riig saaranyahay. Magaaladu waxay lahayd saldhig illaalo amni oo uu ka taaganyah siin dheer oo ah,  afka manta,  siinka isgaarsiinta, dugsi hoose, dukaanno iyo makhaayado dhawr ah oo laga helo caano lo’ u badan, hilib, bariis, baasto iyo shah aan kala joogis lahayn. Aba yaraatee makhaayadahaas ma layan bunka ama khudrada. Ciyaal aniga i leeg leeg  ama yaraha iga waaweyn oo dhar iyaga u gaar ah qaba oo dugsiga u socda ayaan maalin walba arkaa. Aad baan u kuunyirey ardadaa, waxana ku fakerijirey in aan maalin maalma ka mid ah ka mid noqdo ardadaa. Beyra waxay ahayd magaaladii igu horaysay ee ugu dhalisay darenka waxbarasho iyo damaca magaalo-joog ama reer magaalnimo. Saamaynta ay ugu reebtay joogitaankaygii koobnaa ee Beyra waxay u gogol-xaaridoontaa safar-kaygii dheeraa oo anoo keli ah u soo lugeeyey Jeriiban-Galkacayo anoo markaa toban jirsaday.

Sheekada Beyra waxay dhacday deertii Yaxoob-dheer ka hor markaan gaajo iyo qabow in aan u dhinto ku sigtay. Reer kayagu wuxu uguu guuray Jeriiban Yaxoob-dheer ka dib.

JERIIBAN

Aabe, Xaaj Warsame Axmed Gurey, wuxu mudo dheer ka soo qaygalay halganii SYL ee ka soo horjeeday gumeysigii Talyaaniga, gaar ahaan olalihii wacyi gelinta dadweynaha ee Gobollada Mudug iyo Nugaal. Waxaa jirtay mar maamulka Talyaanigu mudo dhawr billood ah ku xireen magaalada Qardho ee Gobolka haatan loo yaqaan Karkaar ee Maamulkii Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland u bixisay heer Gobolna gaarsisey. Waa yadii SYL qayb ka tirsani go’day oo la baxday magaca SDU ama Great Somalia. Kala jabkaa wuxu culees weyn ku keenay Dawladda uu hoggaamineyso Xisbiga SYL. Dawladdihii Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Cabdirisaak Xaaji Xuseen waxay ka shaqeeyeen qorshayaal ay ku wiiqayaan SDU, si ay meesha uga baxdo halista ay u keenneyso midnimada iyo xoogga siyaasadeed ee SYL. Dawladdii Cabdirisaaq gaar ahaan waxay guuleyssatay in ay iska horkeento madaxdii SDU oo xataa gacan qaad ka dhex dhaco. Waxaa SDU intaa ugu darsamay iska hor imaad ku saabsan mabda’a siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo waxa looyaqaan idaloojiyada xisbiga oo madax ugu saraysa, Xaaji Maxammed Xuseen, Guddomiyaha xisbiga, iyo Yuusuf Samatar (Barde Cad), Xoghayaha Guud, ay dhanka bidixda xoog ugu janjeereen. Maadaama Xaaji Warsame ka mid ahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga si xoog ahna uga horjeedo mabda’a hanti-wadaagga iyo shuuciyeddaba ayaa issaga iyo koox uu hoggaaminayey si kulul uga horyimaadeen madaxdii sare ee xisbiga. Taa waxay keentay in SDU kala jabto oo sidaa u awood siyaasadeed yaraato.

Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo markaan wada mashaariic in Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diintu maxkamaddo ka dhisto degmooyinka ayaa Xaaji Warsame u soo jeedidisay in uu Qaali u noqdo Jeeriban oo markaa xataa aan ahayn Degmo. Shaqadaa Aabe la siyey waxay ahayd nooc Xamar looga maafurineyey oo siyaasad SYL iyo SDU lug kule. Aabe issagoo caruurtiisa u eexanaya ayuu qaatay shaqada.

Aabe shaqadii ayuu ka bilaabay Jeriiban, sanad ka dibna wuxu soo amray in reerkayaga miyi u soo guurro Jeriiban. Waxareerku ka hayaamay agagaarka Tuulada Bacaadweyn ee Gaalkacayo u jirta afartan Kms dhanka waqooyi.  Maxamuud Cumar oo ahaa ninkii anagoo geella la wada joogna roobkii Yayaxoob-dheer na helay, ayaa reerka haya oo hoggaaminaya hayaanka Jeeriiban. Labo todobaad ayuu qaatay hayaankani. Waxa reerku deggey meel magaalada u jirta hal Km dhanka qorax-u-dhac. Dhulku waa barwaaqo biyo badan Dayrtii Yaxoob-dheer ka dib. Maxammud Cumar dhawr berry ka dib waxu ku laabtay reerkiisii ku haray meeshii anu ka soo hayaanay. Aabe oo ah Qaaliga beledka habeen dhaaf ayuu noola soo seexanjirey sababta oo ah in Aabe innan kale ku guursaday beledka intaan reer soo deggin Jeriiban. Hoyaday labaad, Aasha Xaaji Maxamuud, ayaa yaraha masayrsan. Wax yar ka dib Aabe iyo innatii Xaliimo waa la kala tegay markay yaraha innantu reer magaaleysay ama dhalinyareysay. Aabe geellii wuxu u dhiibay qoys kale oo u ku kalsoonyahay in ay xanaaneynayaan. Tiro iyo bar arri ah ayaa reerku haystaa. Mar haddu deggaanku nabad iyo barwaaqo yahay, dhaqashada arrigu ma dhib badna ciidan saasana uma baahna. Waxanu deggennahay dhul bacaad iy carrosanba ah oo haddad ciidda seexatit aan carro iyo midabba kaasoo raacayn. Waxa issu kaayo raacay cirr cadar leh, dhul carrasan ah, caano iyo barwaaqqo. Yeel keede, anigu maxasilooni oo waxaa igu jira hiyi kac iyo hami. Waxan habayn walba ku seexdaa subaxdiina ku soo toosaa sidii aan meesha uga dhoofilahaa. Walaallaha markaa jooga reerka anaa ugu weyn. Abdullaahi, Jaamac Yacquub iyo Sahra waa joogaan.  Cali markaa ka dib ayuu dhashay. Walaalka noogu weyn Isaxaaq, wuxu macalim dugsi hoose ka yahay Xamar, taa oo ka mid ah waxyaabaha qorshaha iigu jira ee la xiriirra laab-lakaca, hamiga iyo mala-awaalka i sita.

Magaalada Jeriiban waxay ka koobantahay sadex keesood la kala yiraahdo: Ceel Gaws, Ceel Xamur iyo Shadeedley. Ceel Gaws waa midka magaalo weynta Jeriiban iyo xooluhu ka cabaan. Ceel Gaws biyihiissa aad ka dhadhamineyso sonkor macaan iyo xareednimo awgeed. Markaan ku laabtay Jeriiban sodon sanno kadib, biyaha Ceel Gaws sidii bay weli u macaanyihiin. Ceel Shadeedley, oo hal km u jira Ceel Gaws, issna waa biya badanyahay waana xooluhu badanaaba ka cabaan.  Shadeedley waa goobtii dhagaalka kharaar ku dhexe maray Daraawiishta iyo beesha halkaa deggen, Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, ka tiriyey gabaygii: “Shafka Nimey Xabaddi  kaga  Dhacday iyo Shirixa Mooyan, Wallee Meel Shadeedley ka Kulul Lagama Sheegeeyo”. Ceellasha Shadeedley oo biyuhu qarka u istaagaan ayaan anigu dabaasha ku bartay saan ugu dhuubanjirey qorax-dhacca marka ceelku cidla noqdo ama xilliga dooga oo aan loo baahnayn. Waxan weli xasuustaa galab aasku intuusan madoobaan anoo ku dabaalanaya ceel ayaa waxa iigu timi innan iyana malaha dooneysa in ay ceel ku qubeysato. Ceel gawgiissa ayey issa soo taagtay iyadoo xishooneysa. “Naa soo gal biyaha, ma wiilkeygaan yar baad ka xishooneysaa?”, ayaan ku iri gabartii. Inta dhinacyada eegtay, oo kabaha is bixisay bay dalaq ceelkii soo tiri iyadoo dharkeydii oo dhan qabta. Cabaar haddaan wada dabaalaney, ayey I weydiisay: War yaa mataqaan ragga iyo dumarku waxay sameeyaan markay keli yihiin?” Waxan ku jawaabay: “ maya”  “Ma ku baraa”?    “ Ahaa” ayaan isweydaarsanay. Innantii inta dharkii muluq iska siisay ayey igu soo duushay. Gacanta bidixda ah ayey ugu qabsatay midda midigna ceelka darbigiissa ayey ku haysataa waana iskukay camcamineysaa.Mudo hal saac oo habeen markaa noqotay ayaan wada dabaalaneynay innantii iyo marar kale oo aan issu soo laabanay. Arrintaa waxay ahayd waayo aragnimadii ugu horeysay ee na dhex martay aniyo qof dumar ah. Ima soo marin fursa dambe oo nooccaan ah illaa aan tegay Dalkii la oranjirey Midowga Soovieti ka dib markaan dugsiga sare a Banadir 1971.  Ceel Xamur waxaa ceellasha u weheliya laasas dix xaar xaar ah oo markaad in yar faag faagtit biyuhu soo duulayan. Waxa ceellasha agtooda ka dhisan daarro darbiyo dhumuc weyn leh oo kor ka burbursan. Waxa la iga sheekeeye taariikhda daarahaa. Daaraha waxa la haa oo ka dhisay meesha daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Daarahaa waxaa burburiyey qunbuladaha diyaaradaha Ingriiska. Ceel Xamur , waa bar-tilmaamedka labaad ka dib Taleex oo dawladda Ingriisku diyaarado ku garaacday. Waxan si fiican u xusustaa in inta la raray rati dhaan ah oo labo haamood la saray inta hoggaankii la iidhiibay la yiri, “war yaa orod soo dhaami ratiga”. Waxa la fillayey in ceelka la joogo oo ay gacan cidu i siineyso. Ceelkii waa cidla markaan dhanka keenay. Talaa igu dhalatay halkaa. Inta ratigii arumiyey oo qarqarsiinno u xiray oo aan dixda xaar xaartay ayaan haamihii ku dhaanshay biyo aan ka duray laaska iyagoo weli ratiga saaran. Haantu ma wada buuxsami karto hadday awrka saarantahay illeen wey janjeerta eh. Yeelkeede waa nigaa ku guuleystay dhaankii, gudbayna tijaabo weyn oo an aqoonsi rageed ku helay.

Waxaa Jeriiban noogu yimi oo nasoo booqatay walaashay Faadumo oo markaa ah qof weyn kana mid ah labo gabdhood oo Aabe ugu dhashay dalkii Xijaas ee haatan ah Sacuudi Carabia iyo caruurteedii oo dad waaweyn ah, labo wiil iyo labo gabdhood oo Xayaad ugu weyntahay. Waagaa waxan u bogay dharka reer magaalka ah oo ay labisnaayeen. Dhaqankooda iyo labiskuba waa isii himagiciyeen sidaan meesha uga dhoofilahaa.

Jeriiban waa tuulo aan lahayn wax dhaafsan dugsi Qur’aan. Saldhig Boolis Somalia oo siin dheer leh ayaa ka dhisan iyo tiro aan badnayn oo askar ah iyo maxkamadda Aabe. Dukaamo iibiya dharka, cunno kooban oo ah bariis, baasto, sonkor, caleenta shaaha iyo timir oo keli ah ayaa magaaladu u badnayd marka laga reebo guryaha la deggenyahay. Hal masjid oo Shiikh Hirsi Islaan reertiisu maamusho ayaa ka jirey. Magaaladu nal malahayn waxana shidanjirtay “Batermax” iyo faynuuso. Odayaasha magaalada waxa ka mid ahaa Jaamac Biixi iyo Diiriye Cali Sanbuur. Jaamac Biixi wuxu ahaa dukaanle reer kayagu biilka ka qaato. Anigu waxa rabo ayaan dukaanka ka qaadanjirey. Diiriye Cali Sanbuur wuxu ahaa markaa nin da’a oo hantile weyn ahaan jirey. Sidaan warka ku helay Diiriye Cali Sanbuur wuxu waagii hore marsada Gara’ad keenijirey doomo buuxa. Carab baa u shaqaynjirtay. Waxa la yiri maalin doomahaa la dajinayey ayaa Carbeed su’aaley dadkii: “War doontaan yaa leh?” Waxa lugu jawaabay: “Diriiye Cali Sanbuur”. OO taa kalena?” “Diiriye Cali Sanbuur”. “OO taa socotana?” “ Diiriye Cali Sanbuur”. Carabkii inta yaabay ayuu wuxu yiri: “Nacala tulaahi, kuli dunyaa li Diiriye Cali Sanbuur!”  Magaaladu ma lahayn Raadiyaasha la dhageysto marka laga reebo kan Aabe oo galab walba Aabe deerkiissa dadka reer magaalka ah BBC Laanta Af-Somali ka dhageysanjiren. Aabe wuxu kaloo dhageysanjirey idaacadaha Carabiga oo ay ugu horayso tan Qaahira barnaamijka Codka Carabta ama “Sawtul Carab” oo uu mar mar ka hadlijirey Jamaal Cabdulnaaser, oo waagaa aan fahmay in uu yahay Madax ah oo dadka Soomaalidu xushmeeyaan.

Aabe maadaama uu yahay nin idaacadaha xoog u dhageysta, siyaasi iyo dhulmar yahay, ayaa dadbadani guriga iyo xafiiskaba ugu imaanjiren iyaga oo wardoon ah. Hadba inta reerka miyiga ka soo tago ayaan Aabe  magaalada ugu imaanjirey oo dhawr maalmood la joogijirey. Kharashka xaqal jeebka shaaha Aabe iisiiyo ayaan kaydsadaa. Ugu dambeen lacagtaan haysto waxa gaartay labo shilin oo dhan. Waagaa kumi ama tobanka senti waxay goyn jirtay afar koob ee shaah ah.

Waxan goostay in aanan tacabiro oo ka haajiro JERIIBAN. Waxan ahay toban jir issu haysta waayo arag birta calashaday oo weliba haatan reer magaal ah.

Waxaan wadada sii hayaba makhribkii bay gaadhay iyadoo weli dhulku cidla yahay. Habeen bay noqotay dayax cusub baa jira oo sadexda fiidkii aan I gaarsiin Karin. Haraad xun baa ihaya, gaajose imahayso oo qariidkii badarku waa i anfacay. Sideedii iyo bar markay ahayd ayaa wadadii buur yar soo taftay. Dhalada buurta markaan marayo ayaa alley lehee dab ii muuqday.Habeenkii muuqaalka dadka ha dhaweyssan illeen meel fog ayuu ka bidhaamaaye. Markaan is iri dabku wadada waa la simanyahay ayaan bayray oo iftiinka baxaya higsaday. Dayaxa oo sii dhacaya ayaan gaaray reerkii iftiinku ka soo baxay. Cid aan arko waxa iigu horeysay islaantii guriga la hay doo markaa haamo aslaneysa. “Asalaamu Caleykum”, ayaan iri inta soo dul istagay. Qofkii dumar inta humaaksatay ayey tiri “alla xaggee ilmaha hadda socdaa ka yimi?” “Eedo biyo issii, haraad baan u baxtinayaaye”. Iyadoo weli humaaksikeedii ku jirta ayey tiri “indha’adagaa cunugu, war miyaa soo habowday?” “ Eedo, maya, safar baan ahay” “Naa Nasra, cunugaan biyo u keen”. Nasra waxay ii keentay Galaas biyo ah oo aan ka qawaday kuna fillayn. Inta haddiiba laystay, ayaan iri, “Nasra, walaal iigu soo celi weli waa liitaaye”. Islaantii baa na soo dhex gashay oo tiri, “war reerku biyo ma haysto, intaa ayaan kuu heligarnaa” Haddii in yar la kala aamusnaa, ayaa Nasra tiri “ hooyo galas kale aan ugu daro?” O ma ayan soo sugin jawaabta hooyadeeda, galaas kii hore ka weyn biyo iigu keentay. “War yaa ma reerkiinna meelaha ka dhaw?” ayaa islaantii I weydiisay. “Maya, eedo, Jeriiban baan ka imi” “Alla cunugu beyn badanaa”. “Oo xaggee u socotaa?” Eedo, Gaalkacayo” Ma adiga? Haa. Subxaana laah! Ayey tiri inta fajacday.  Markaa tobankii fiidnimo ayey ku dhawaatay in la seexdana wey noqotay anigoo aad u daalan. Ardaagii reerka oo aan wax gogal ah layn ayaan ku dhacay. Reerku iskuma taxalujin in uu i sooro ama xataa gogal i siiyo. Malaha raggiibaa maqnaa. Aniga wehelka iyo biyaha ayaa iigu darraa. Yeelkeede reerku waa iga seexday, fursad aan arrintaa gogal u dhigtana mahelin. Waxaa ii soo baxday reer miyugu, siiba dumarku, ma tixgeliyaan kama xishoodaan carruurta qalaad. Waana sababta ugu weyn ee reerku iiga seexday habeenkaa.

Reerku intuusan toos toosin ayaan aroor hore ka jarmaaday oo wadadeydii galbeed u socotay qabsay. Waxaan markaa ninayada ku hayaa Tuula Bali Busle. Duhurkii ayaan ku soo leexday reer wadada dhinaceeda deggen. Gaajo iyo oonba waa ildaranahay. Labo nin oo geed guracca hooskiisa fadhiya ayaan salaamay. Iyagoo malaha u maleynaya in aan ka imi reeraha agagaar deggen, ayey iweydiiyeen: “War ina ayaad tahay?” Ina Xaaji Warsame”, ayaan ugu jawaabay. Inta isdhugteen, ayaa mid yiri, “Xaaji warsame, Xaaji Warsame. o Jilib kee aha?” Markaan taa usheegay, ayuu I weydiiyey: “Oo xaggee ka timid?’ “Jeriiban, Adeer” ayaan ugu jawaabay. “ma dhicikarto”?  Kii kale ayaa yiri: “ taasu waa rag ka rooni eh?” “Adeerayaalow, asqo ayaan laliitaaye biyo isiiya” Mid baa inta istaagay ayuu u qayliyey islaan guriga joogta. “Faadumow willkaan biyo la cindiiday u keen”.  “Wax kale kaama goyn karaan diifta iyo asqada kaa muuqata”. “War yaa xaggee haatan ku soo socotaa?” “Gaalkacayo iyo Muqdisha, Adeer” Inta qoslay, ayyu i weydiiyey, oo ma wada lugeyneysaa?.Soo ma oggid in baabuur loo raaco?” “Gaari maleh, Adeer”. “Haddaad Jeriiban ku sugilahayd waa hele lahayd”, ayuu yiri” Waa sugiwaayey, Adeer”, ayaan u raacshay.Biyiha cindiidka ah markaan idlaystay, ayaan inta istaagay, ayaan ku iri raggii: “nabadey!” Wadada ayaan qabsadey anoo asqadii iga baxday tamarrina isoo gashay. Waxaan wadada hayaba anoo gaajo iyo oon la luudaya ayaa waxa iimuuqatay tuulo waabab badanni ka dhisanyihiin. Tuuladaa ayaan higsaday iyadoo markaa niyadu ii qabowday. Waa koor casar liiq ah oo ku haboon in anaan dago. Waxad moodaa in gaajadii i haysay inta iga baday shah i qabtay anoon weli gaarin tuulada. Aniga markaa tuulo kasta oo ay tahay markaa macno iiguma fadhido markaa laga reebo cabirka Bali Busle oo markaa gaaro noqoneysa guul aan sadcaalka ka gaaray. Alleelehe waa issasoo taagay tuulada. Durba dareenkaygu wuxu isiiyey in ay tahay Bali Busle. Aad ayaan u faraxsanahay. Tuuladu waxay leedahay barxad weyn oo wadada aan hayey dhexmarto. Tuulo ka dhisan dhul ciid gaduud oo dharka midabkiisa badeleesa. Dhurba madaxxayga waxa ku soo dhacay xusuus ciidii macaaneyd iyo bacaadkii Jeriiban. Barxadda dhexdeeda dad ba maraya, arri iyo ido wanan u badan kala iibsanaya. Waa tuulo aad moodid in ay ka dhaqdhaqaaq badatahay Jeriiban, dadkuse ka reer miyisanyahay. Magaaladu waa wada waabab ama daasas qiiq hortooda ka wada baxayo oo dhari iyo kirli dabka wada saaranyihiin. Dhariyada iyo kirliyada waxad moodaa in ay ka sii madowyihiin kuwii aan horay u arkijirey. Taa macnaheedu waa kariska badan iyo dabka ay sida joogtada ah u saaranyihiin.Shaki kuma jiro in xoolo raacatadu tahay maacaamiisha ugu badan ee daasaska, waxayna isiisay kalsooni in aan si sahlan uga midnoqon karo macaamiisha habeen dhax daasaska ku joogga. Waxan fiirsaday in daas ama cariish camiran oo ay jooggaan dad badan oo dhex dhuuman karo. Alleylehe mid baan ku leexday oo inta deerkiisa fariistay ayaan fujaan oo ranji ama bigeys ah dalbaday. Durba waa la iisoo dhigay oo shaahlihii yiri “war yaa, labadii fujaan waa kumi. “ Waa iigu soo celindoontaa walaal”. Labao shaah ah markaan ka tuuray oo yeraha nasday, biyona anaan weli cabin haraadse iga ba’ay, ayaan ku iri wiikii shaaha ii keenay “ War hilib iy nus bariis ah ii keen”.  Markaan is bixiyey kharashkii, weli waxan haystaa lacag ka badan Shillin iyo bar. Durba fiid bay noqotay. Waa inaan ka fakaraa meeshii caawa ku hoyanlahaa. Daalkii ayaa igu soo baxay waana goor hore oo an la seexan karin, meel la seexdana la aan weli la weydiisan karin. Waxan goostay bal inaan beledka yaraha soo dhexmaro oo soo indha indheeyo. Magaaladu waa mugdi. Dukaan ama daas walba waxa u shidan faynuuso waa weyn, qaarkoodna “batremax” aad u ifaya. Dawr dukaan ayaan eeg eegay. Dhar qurux iyo kabo reer miyi oo badan baa yaaley. Waxad moodaa in indhahaygu ku raaxeysana nayaan  badeecada taala daasaska suuqa. Waxaan dukaan eeg eegaba labada fiidkii markaay gaartay ayaan ku soo laabtay cariishkii weynaa ee aan caawa wax ka cunay. Dhawr qof ayaa markaa sii seexnaya waana goor ku haboon in aan ana istuurro. Darmo loogu tagalagalay in martidu  ku seexato ama cabaar isku kala bixiso markay daalanyahiin. Anigoo aan cidna weydiisan oo iska dhigaya in meesha la yaqaan or ama waaridkiis la socda ayaan biliq meesha isku siiyey. Waxan baraarugay markaa waagu dilaacay. Mise wiilkii waa horey ayuu shaaha diyaariyey.  Labo cadeysa oo isdaba jooga inta dalbaday ayaan durba ka tuuray.  Waxan bilaabay in labo-talamo: Ma joogtaa mise waa nasataa manta? Waxan goostay in aannan baaqan ee socdo. Ishaydu waxay qabatay gaari noocca Nissan oo barxadda taagan. Lala ma joogo gaariga, dadka beledkuna weli waaba hurdaa. Wakhti ayaa igu socda oo masugi karo dad gaariga watay oon aan la oggeyn koorta ayey soo toosayaan. Waxaa igu dhashay fakarka ah haddii gaarigu u socdo Gaalkacayo, wadada ayuu kaaga daba imaan, deedna ku joojin si uu kuu sii qaado. Igama daba immaan gaarigii, arrintaa oo aan isku mahadiyey in aanan Bali Busle ugu baaqan saaka. Bartilmaameedkayga kale waa Ceel Barde oo ah bilowga dhoodida ama dooxada Mudug. Waxan ku oggaa Ceel Barde, waagii aan carada taganayn, gadisley mar mar ku ganacsada Ceelka. Waxan rajeynayaa in ayan haatan cidla ahayn. Qorshahaygu waa in aan cawa Ceel Barde ku dhaxo.  Wadadu hareeraheeda xoolo badan baa daaqaya taasuna wehel ayey ii tahay. Dhexda waxan ku leexday reer oo aan biyo ka sii cabay. Waxaan wadada hayaba casarkii ayaan alleelehe ka soo dhuldacay Ceel Barde. Waa ceel aan horey u aqqanay, dhoodi ku yaal, dhawr geed oo barde ah leh, agagaarkana xoolo daaqeen balaarran kule oo wakhtiga jiilaalka ah xaab badanleh markay nan carradu ugbaadtahay oo xilliga doogga la deggen. Dhaan aan saa u badnayn ayaa markaa la rarayaa. Ceelashaan soo dhexmaray anoo usoo gudbaya Daasaska halkaa iiga muuqda. Koox raggaa shaah ku cabaya mid ka mid ah sadexda daas oo halgaa ka dhisan. Inta soo garab fariistay raggaa ayaan fujaan shaaha oo bigeys ah dalbaday. Waxba la dareemin aniga oo sheekooyin kale ayaa la wadataa, malahana waxa loo haystaa in aan waaridkay oo dhaan wada la sucdo. Mid cadeys ah ayaan ku xigsaday. Durba haraadkii iyo gaajadii I haysey waa iga ba’een. Wax yar haatan haddan nastay, ayaa daaslehii yiri: “hilibkii waa diyaar, raggow” Durba dhawr nin ayaa yiri: “War soo dhig hilibka”.  Daasle markiiba wuxu raga soo hordhigay xeero weyn oo hilbo kulul oo qiiq ka baxayo. “War nin walbow waslada aad rabtit kala bax”, ayuu raggii ku yiri. Inta nin ragga la siman iska dhigay ayaan garab soo qabsaday. Inta ku gubtay hilibka ayaan xeeradi dib ugu tuuray. Waa lagu wada qusquslay. Inta isku yaxyaxay ayaan haddana ragganimo iska baar baaray oo garabkii markale soo dafay oo inta kor tuuray haddana dhexda ka qabsaday. “War yaa maxaad ugu ciyaareysa cunada?’ Ayuu daasle i weydiiyey. “Adeer, waa ku gubtay”. “O maa sugtit inta u kuu qaboobaayo?” “ Adeer hadda waa cunayaa”. “O yaa kaa bixinaya lacagta aad qabtit”?  “ Adeer anaa iska bixinaya”. Kharashkii igu baxay oo dhani maa gaarin Shilling barkii. Inta kacay ayaan yaraha duur tagay anoo fiirinaya agagaarka in wax iska badelleen labo sano ka dib oo ka soo wareegatay markii ugu dambeysay Ceel Barde. Waxan arkay in geeduhu intii tiro ahaan ka yaryihiin ciiduna ka tayo liidato. Waxan ku soo laabtay daaskii oo rag kale ku soo biireen. Meel baan iska fariistay anoo markaa isu haystaa nin daaska la yaqaan oo lacag leh. Markaa waa gabal dhac la kala caraabayo. Sheekooyinka qubanaha ah ee  ragga meesha fadhiya aan iska dhageystay. Sheekooyinku waxay ka kala hadlayaan geel, dumar, qaan, gabay, maah maaho, gar, xaal, dagaal iyo wixii la mid ah. Raggii in yar baa ku soo hadhay daaska. Waa la kala caraabay. “War ma aabahaa baad meesha ku sugeysaa, adigu?” ‘Maya, Adeer, waa keligey”. Inta yaabay, ayuu I weydiiyey, “ oo xagey ka timi?’ “Jeriiban, adeer” Inta i fiiriyey, ayuu i weydiiyey, “oo ma soo lugeysay?” “Haa, Adeer”, ayaan ugu jawaabay. “Oo ma reerkiiniiba meelaha deggen oo aad ku socotaa”. “Maya, Adeer. Waxan u socdaa Gaalkacayo iyo Xamar” Inta i fiiriyey, ayuu iska aamusey. Markaa waa fiidkii faynuusna waa noo daarantahay. Yeelkeede weli dayaxii ma dhicin. Daaslihii wuxu fidiyey darin balaarran oo ugu talagalay martida habeen dhaxa ugu barida daaska. Aargalaan caanno geel iyo nus bariis ah ayaan dalbaday. Kharashkii markaan iska bixiyey, ayaan darinta dhinacceeda biliq ugu dhacay. Waaga oo aan weli dilaacin ayaan ayaan toosay. Weli waa mudugdi awax sharqan ah maleh. Waan duurtagay anoo qurwaa ama libaax ka baqaya. Xaajadaydii markaan soo dhameystay ayaan ku laabtay daaska iyadoo weli la hurhurdo.Anoo daaska hortiisa jooga ayaan labotalamay: Ma hadda ayaad dhaqaaqda oo wadada qabsataa mise waagaad sugtaa? Waxan goostay in aan waabariga sugo si anan waraabi halis ugu galin iyadoo wadadu mugdi tahay. Kaaha waaga ayaan dhaqaaqay anoo markaa diiraddu ii saarantahay ceelka Godod ee horay inoogu jirtay sheekada dayrtii Yaxoob-Dheer. Wadadu waxay dhex-jibaaxaysaa dhoodida Mudug, dhul dibir ah oo socodka ku haboon. Waxba sheeko dheer yaannan ku daalin eh, waxan gaaray Godod Duhur ka dib. Waa ceel aan si fiican u aqaan. Geedo gurac ah oo waa weyn ayaa ku yaal aadna ugu haboon dad iyo duunyaba in ay qorahda kulul ama milicda ka harsato. Waabab door ah ah iyo daarro dhagax ah ayaa ceelku leeyahay. Mid baan ku soo leexday aan shaah casmali ah ka dalbaday mid caddeysna ku xijiyey. Rag dhawr ah ayaa meesha farfadhiya. Cabaar haddii la joogay, ayaan qado Baasta hilib leh dalbaday. Markii la arkay saan issu dabirayo, ayaa nin raga ka mid ah i weydiiyey, “War ina ayo ayaad tahay?” “Ina Xaaji Warsame” ayaan ugu jawaabay. “ Oo aya ah?” “Waan u sheegay. “Ma markii kuugu horeysaybaa ceelkaannu?” Inta qoslay ayaan bilaabay sheekadii ugu horeysay noloshayda oo aan rag u soo jeediyey oo aan warbixin k soo jeediyo wixii igu dhacay Dayrtii Yaxoob-Dheer iyo waayo aragnimadaydii Ceelka Godod. Ninkii su’aasha i weydiiyey wuxu yiri: “ war wiilyahaw inan da’diissa ka weyn baa tahay”. Casar dheer ayaan wadadaydii dib u qabsay. Magaalada Gaalkacay ayaan markaa niyadda ku haya. Waxan qiyaasayaa in aan cawa hoyankaro. Carrada waxan ku oggaa in ay leedahay libaax iyo waraabe dad qaadda oo yaraanteydii maqlijerey. Waxan go’aansaday in aan qoraxdo iigu dhicin wadada iyo meel cidla. Makhrib baa la gaaray ayadoon Gaalkacayo weli ii muuqan. Meesha an markaa marayaa waa banka bari ee Gaalkacayo. Waa la deggenyahay Banka. Fiid bay noqotay, Gaalkacayana meel fog ayey ka ifeysaa. Oon baa i haya. Reer wadada dhiniciisa yaala ayaan isri biyo weydiiso oo ku soo leexday. Islaan guriga dayrgiisa fadhida oo dab babineysa ayaan salaamay. Say waa iga qaadiweyday salaanti. “Eedo waa oomanahaye, biyo issii” ayaan iri. Say inta xaggeyga u soo humaagsatay, ayey tiri, “ aryaa, aryaa, ilmuhu indha adakaa, biyo ma haaye”. Islaantu malaha waxay u qaadatay in wiilka wakhtigaa gudaya uu martigelin ka rabo iyana ayen ku talagalin. Waa habraac reer miyiga in ayey issu wajixumeeyaan martida ayan rabin. Waan fahmay sansaanka Islaanta. “Eedo marti ma ihiye, magaalada ayaan u socda”. Islaantii inta kacday bay aargalaan biya ah ii keentay. Inta kacay, biyaha markaan dhameystay, ayaan ku iri, “nabadey, eedo”. Waa inaan Gaalkacayo gaaraa intaan dadku seexan. Ifka beledku intaa waa soo kordhayaa, waana soo abdanayaa. Alleylehe, waa isasoo tagay Gaalkacayo, anoo dhinac markaan arritan eegana faraxsan, dhinacca kalena walwalsan. Waaa faraxsananah oo imaashada Gaalkacayo waa guul weyn oo an gaaray dhibkii badnaa ee safarka ka dib. Waa walwalsanahay oo meel aan caawa ku hoyandoonno ma weli sugana. Markii iigu horeysay noloshayda aan ayaan ka walwalay deggaan qof ahaanneed iyo dhib uu la kulmi karo qof reer magaal ah oo an hoy amah anti kula ahayn magaalo. Nasiib wanaag waxan ku maqlay in walaashay aan jeclaa, Sacdiya Xaaji Warsame, deggentahay beledka, hase ahaatee, waa habeen, magaalada weligay ma iman, ciid aan ku hormaro I aan u weydiiyo xaafada laga helo Sacdiya ma garanayo. Waxan u haystaa in magaalo ka bilaabato bartanka oo halgaa laga cabir qaato. Waxaa kaloo madaxxayga ku jirta in suuqa weyn a beledku ku yaal bartamaha magaalada. Gaalkacayo waxay markaa ila tahay magaalo weyn oo lagu habaabayo. Sadexdii iyo bar bay kooraysatadu gaartay. Meel walba waa iftiin oo nalka ayaa bililik leh. Iftiinka nalalka gaar ka mid ah waaba ku indha sarcaadeysaa. Waa magaalo daarro badan, dukaamada and makhaayaduhuna weli furanyihiin. Meel aan isleeyahay waa bartanka beledka ayaan ku arkay makhaayed camiran. Waa ku soo leexday makhaayda oo kursi banaan ee kuwa debedda yaal ah  iska fariistay. Dhawr wiil iyo nin maqalka fadhiya ayaa makhaqaayadda ka shaqaynaya. Sideydii baan dalbaday fujaan shaaha oo aan la cadeyn. Mar hadday habeen tahay wakhtiguna ciriiri yahay, ayaan inta kursiga ka soo kacay, shaaha oo ii yaal miiska, ayaan u imi niinkii maqalka fadhiyey. Inta salaamay ninka baan weydiyey: “Adeerow, guriga Xasan Faarax meeshuu yahay ma ii sheegi kartaa?”  Niinka makhaayaddu inta I fiirshay oo arkay dhiifta wajigeyga ka muuqata, ayuu ii weydiiyey, “war xaggee baad ka timi?” “Jeriiban, adeer” “Oo ma wiilka la waayey ee ina Xaaji Warsame ayaad tahay?” “Haa, adeer” “Fariiso meeshaada oo cashee, guriga Xasan waa lagu geynayaaye” Aad ayaan ugu farxay in ninku  igartay. Walwalkii  ihayey durba waa iga duulay. Waxa isku mar dhacay in lay garto, casho la isiinayo iyo gurigii walaashay oo la balanqaaday in lay geynayo. Isla habeenkaa ayaan oggaaday in ninka dalinyarada ah ee maqalka makhaayadda fadhiyaa in lagu niinaaso Cukur, makaayaddana issagu leyyahay. Cukur waa dambe wuxu noqday sargaal ka tirsan Xoogga Dalka Somalia. Wax aad looga tiiraanyoodo weeye in Cukur  ka mid noqdo saraakiishii maamulkii Maxamed Siyaad Barre ku laayey magaalada Hargeisa horaantii 1980aad ka dib markii sii deg deg ah siyaasad huwan lagu eedeeyey in caadifad u hayaan mucaaradka dawladda, ujeedada maamulkuna ahayd in lagu bajiyo saraakiisha Xoogga Dalka.

Waxba yaanan kuu sheeka dheereyn eh, Cukur wiil guriga Sacdiyo Xaaji Warsame igeeya bu igu daray. Iyadda oo saacadu tahay afartii fiidnimo ayaan alleelehe Gurigii aan rabay issa taagay. Gurigu dayr dheer oo albaab weyn leh ayuu leeyahay. Inta wiilkii iwaday isug iri ayaan albaabkii guriga gargaraacay.Sacdiya lafteedii ayaa iga furtay albaabka. Markay qac indhaha igu siisay ayey inta haw soo tiri ayey tiri “ alla ba’aye waa walalkay Ismaaciil”. In yar markay iwareysatay oo oggaatay in aan nabad ku imi, ayey inta yaraha baxday oo dukaan u dhawaa tagtay ayey waxay ii keentay macawiis, shaar, garan iyo go’ oo tiri, “war iska badel dharka oo qubeyso” Sacdiya qol aan seexdo ayey durba ii diyaarisay. Waxan oggaaday in Aabe kala soo xiriiray taarka Boliiska Jeriiban oo la raadinayey meel aan jaan iyo cirib dhigay. Waxan u sheegay Sacdiya in aan makhaayadda Cukur ka soo casheeyey oo ayan gaajo ihayn. Horaan ka seexday.

Marka laga reebo inta yare ee Jeriiban anoo jooga ka oggaaday, Dawlad Somalia jiritaankeeda rasmiga waxan si haboon ugu baraarugay mudadii aan dheerrayn ee aan ku sugnaa Gaalkayo inta anan safarkaygii dheeraa sii wadan tan iyo Xamar. 1962dii Gaalkayo waxay ahayd magaalo weyn heerka Somalia. Magaaladu wuxay la hayd labo dawldadood: Dawladda dhexe ee Somalia oo matalo Guddoomiye Gobol iyo midda dawlad hoose ee heer deggaan ah. Duqqa Magaalada waa la soo dooranjirey waxana jirey Gole deggaan ee Dawladda Hoose. Saldhigyo Xoogga Dalka Somalia and Boliiska Qaranka Somalia ayaa magaalada ka jirey. Dawladda Hoose iyana waxay ciidamo cashuurraha ilaaliya.  Magaalada waxa ku yaalay dhawr dugsi hoose iyo dhexaba. Waxa kaloo ka dhisnaa dugsiga hoose ee Allaahayda Masar. Dugsiga Dawaldda waxay lagu bartaa Talyaaniga.  Gaalkacayo waxay u ahay Xarun Waxbarasho Gobolladii loo yaqaaney Majeertiinniya ee Mudug, Nugaal iyo Bari. Magaalda waxa ku taal Maxkamadaha darajadaha koowaad iyo dhexe iyo midda racfaanka ah. Xarumaha ururrada siyaasadeed oo loo yaqaan Naadiyaasha Xisbiyada ayaa iyana ka furan beledka oo habeennadii dodo kuluul ee siyaasadeed ka socdaan. Waxa joogga beledka odayaal iyo waxgarad dawr ah oo talada Gobolka iyo dalkaba wax laga weydiiyo. Waxay magaaladu leedahay dad aad reer magaal u ah, fanaaniin iyo indheer garato badan oo dad badanni u soo hilooban, fadhiyo dhaqan oo doodo xiisa leh ka socdaan. Amniga guud ee magaaladu waa fiican yahay marka laga reebo dambiyo mar mar ka dhaca miyiga. Dadku xoog bay u taageersanyahiin gobanimada iyo dawladda Somalia u dhalatay. Hididiilo badan baa ayaa loo qabaa nidaamka cusub iyo dawladnima dhalinyaradda ah. Suuqqa habeen iyo maalinba waxa maraya oo ka muuqda askar kala labis duwan oo boolis, milatari iyo ilaalaba ah. Magaalada waxay leedahay barxad balaaran oo beer weyn ku dhex taalo. Beertu waxa ku dhextaala geedu waaweyn iyo kuwo deyr u ah oo haddaba loo qoor diido say ula baxaan madaxyo balaarran oo xayn daabka beerta buuxiya. Ciid carrasan ah ayaa lagu shubaa beerta waana la rusheeyaa galab walba. Kuraas lagu nasto ayaa beerta ardaageeda ku teedsanaa. Beertu waxay u furan dhanka waqooyi Xafiisyada Guddoomiyaha iyo Maxkamadda Gobolka. Beerta afgeedu waxay ku dhamaataa taalo tiir dheer oo calanka Somalia ka dul babanayo. Galab walba askar gaardineysa muusikana tumaysa ayaa calanka dajineysa. Dadka beledku siiba dhalinyara beertaa ayey galabtii isugu soo baxaan si ay u daawadaan damaashaadkaa calanka iyo muusik-gaardiga askarta. Subaxdii waxad arkeysaa dad wada kalahaya oo shaqo ama dugsi u socda. Magaalada wax aka furan xarumo ganacsi oo waaweyn, suuqqa hilibka, ganacsiga xoolaha nool, waratada iyo dukaamo aad u camiran oo badanaaba Caden ku xiran iyo iibgeynta xoola nool iyo hargaha. Xoolo dhaqatada ayaa iyana aad u yimaada beledka iyagoo keenaya caano, xaabo, alaabta farsamada gacanta, toliinka iyo fakiska, iyaga oo ku badelanaya shaaha, sonkarta, calaliska. Magaalada waxa ku yaala hooyyo ay kireystaan martidu iyo makhaayado waaweyn oo leh xayndaab iyo barxado kuraas dibedda iyo naacawda la dhigto. Xarunta filimada ama shineemada weyn ee magaalada bartankeeda ku taalaa waxay tahay haddana Xarun dhagan iyo suugaaneed riwaayadaha iyo xafladahaba lagu dhigo. Gaalkayo waxay hayd magaalo si haboon loo dhisay oo jidad weyn dhex maraan. Dhanka Waqooyi waxa ka soo gala beledka jid balaaran oo darmada kan ka yimaada Bari iyo dhanka Jeriiban deedna ku xirma kan Koonfureed ee aada Muqdisha. Wadooyin kale ayaa ka farcama kuwaa oo magaalada daafaheedda ku xirma. Magaalada daafaheedda dhanka Bari waxa ku yaala biyo galeenka cirjiife iyo gagada diyaaradaha Gaalkacayo, dhanka Waqooyi durdurka Yamayska iyo dhanka Koonfureed barxadda Yool Gaduud ee kubadda cagta lagu tartamo. Magaaladu guud ahaan waxay u qaybsantahay labo qaybood oo waaweyn iyo bartamaha beledka. Gaalkacayo waxay ka mid tahay magaalooyinka yare ee Somalia oo ay wada deggenyihiin beelo waaweyn ee soo jireen ah kala duwan taarikhda halganka gobanimadoon, xoriyadda iyo dawladnimada Somalia qayb libaax ka soo wada qaatay. Gaalkacayo waxay ahayd Magaalo-Madaxda Gobolka Mudug oo markaa Gobolka Galgaduud uu ka tirsanaa. Magaalooyinka Duusa Mareeb, Hobyo iyo Xarar Dheere, Caabud Waaq iyo Balanbale waxay ahaayeen degmooyin ka tirsan Mudug. Gaalkacay waxay ahayd magaalo muhiim u ah Gumeysigii Talyaanigu in uu gacanta ku dhigo. Baaqqa magaca Gaalkacayo ee hawlgalada milatariga Talyaaniga wuxu ahaa “Rocca La Vittoria” ama Qasriga Guusha. Baaqqu wuxu cabirayaa kanna turjumayaa labo arrimood: 1. In ciidamada Talyaanigu iska caabin weyn kala kulmeen qabashadii Gaalkacayo.  Waa magaalo istratiji ah oo ku taal bartamaha Muqdisha, Boosaaso, Hargeysa iyo Dagaxbuur oo 750 Km tiiba u jirta wadooyinka loo aadana ay soo galaan Gaalkacayo. In ay dhacdo Gaalkacayo waxay lagama maarmaan ugu ahayd Talyaaniga burburintii Saldanadii Keenediid ee Magaalada Hobyo iyo Boqortooyadii Boqor Cismaan ee Bari. Beelaha Mudug deggenni waa kuwii suurtagaliyey dhismihii Saldanadii Keenediid ee magaalada Hobyo, difaac adagna u haa. 2. Gaalkacayo waxay ahayd magaalo aad muhiim u ah Talyaaniga marka laga eego dhanka amniga la xiriirra dhulka Soomaalyeed ee Gumeysiga Ingiriisku ka talinjirey ee Somaliland iyo Boqortooyadii Menelik ee Ethiopia. Duulaankii Taalyaanigu mudo kooban ku qabsaday Ethiopia wuxu ka bilowday deegganka Walwaal ee Waqooyi Galbeed kaga aadan Gaalkacayo, waxana xabaddii ugu horeysay riday nin reer Mudug ah, oo Alle haw naxariistee lagu magacabijirey Aden Low, deedna xildhibaan ka noqday Golaha Wakiillada Somalia.

Gaalkacayo waa magaalo caan ku ah fagradaha furfuran dhanka siyaasadda iyo dhaqanka. Waxa laga yaabaa dad badan ee Soomaalieed in ayan la socon in Gaalkacayo gaar ahaan iyo Gobolka Mudug guud ahaan ay yihiin deeggaanka keli ah ee Somalia ee ay ka soo caan bexeen madaxdii Soomaaliyeed ee Bootaanno, Sarxaanno, iyo kuwo kale iyadoo ayen sidaa uga fogeyn Samatarro. Beelaha madaxdaa Soomaaliyeed ka soo jeedo waxay ku leeyihiin Bulshada Gaalkacayo magic iyo qarin run ah ay kaga qayb qaataan dhamaan talada iyo hawlaha bulsho, taa oo gaar ah Gaalkacayo marka la eego arrintan dhanka deeggaamada kale ee Somalia.

Maadaama Gaalkacayo ay saameen weyn ku leedahay siyaasadda, maamulka, dhismaha Xoogga Dalka, waxbarashada iyo wixii la mid ah ee Somalia, deedkeeduna ay badanaaba ka soo jeedaan miyiga oo ka dhaqan gadisnaayeen Reer Xamar, waxaa fadhi ku dirirada Soomaaliyeed ka dhacda maag iyo kaftan badan oo Gaalkacayo ku saabsan sida “War kani biyihii Barde Cad ayuu soo cabey” Barde Cad ceel Gaalkacayo ku yall ee biyo dhanaan oo badan leh, qofkii ka cabana reer Xamar u yaqaanaan in uu waalanyahay ama macnaha kale ay ka wadaan, in uu indha adagyahay oo wax walba u bareeri karo ama ku dhiirran karo taa oo aan ka suurtoobin reer magaalka Xamar, Reer Gaalkacayana iyaga kula kaftamaan in meesha cambuho iyo moosku uga baxo, in Gaalkacayo raggu ka soo baxo.

Mudo yar haddaan jogay Gaalkcayo ayaa Walaashay Sacdiya iyo seedigey Xasan Faarax waxay ii soo jeediyeen in dugsiga hoose la igeeyo. Dawladda Hoose ee beledka ayaa la iga soo sameeyey waraaqaha aqoonsiga. Subaxdii ku xigteyna waxa la iigeeyey Maamulihii dusiga oo lay qoray arday fasalka labaad. Maalintaan bilaabey fasalka waxan igu tegay carruur iga yar yar. Waxa igu jira qabkii isla weynaanta reer miyiga oo aan u arko in ay tahay ceeb in aan la dhigto darsi wiillal iga yar yar. Halgaa cuqdo ayaan ka qaaday taa oo keentay in aannan dugsigii dib ugu laaban maalintii ka dib. Waxa abuurrantay xaalad ardada iga yar yarna an ka faanayo kuwa ileegna anan la qabsan karin duruusta ay dhiganayaan.

Mudo yar ka dib Aabe ayaa Gaalkacayo shaqo u yimi. Aabe wuxu ugu horayntiiba iweydiiyey: “war maxaa kuu talo ah?” “Xamar in aan aado, Aabe” ayaan ugu jawaabey. “Khayr alle ha ka dhigo”, ayuu Aabe yiri. Aad ayaan ugu farxay jawaabtiisa. Aabe wuxu isiiyey boqol Shilling, oo waagaa ahayd lacag aad iyo aad u badan, oo yiri, “ku jidmar yeynan kugu dhicin eh sidii kugu dhacday safarkii Gaalkacayoo kale eh”

Durba waxay isu diyaariyey safarka Muqdisha. Surwaal kaaki ah, suun, waliba kiishad aan lacag ku meeleysto, kabo reer magaal oo noocca loo yaqaan “scarpo” ee Talyaaniga lagu sameeyey iyo kabo iska xijiskoodii iyo shandad yare ayaan soo gatay. Shaar iyo funaanadna horey ayaan u lahaa. Waa 1962dii, bisha Oktoobar. Aabe wuxu iila hadlay ganacsade baabuurkiisu u safro Muqdisha in uu isii qaado oo gaariga shirkiisa kursi iiga helo. Ganacsaduhu inta Aabe waa yahay ku yiri, yuu markuu Aabe iga takay ugu yiri, “war wiil yare baa tahay eh, kor gaariga ka fuul”. Gaarigu waa mid dheer noocca N3 ee Talyaaniga. Nin geed iyo dudumo fuul yaqaan baan ahay eh, inta shandaddii yarayd gaariga dhaladiisa ku tuuray ayaan kor dhafay. Waa koor barqa ah milicduna ayen weli kulaan. Tobaneeyo qof ayaa gaariga ila fuushan. Dheeraa wadadu. Waa 750 Km oo illaa Beled Weyne ama 150she ay tahay qarfe gaariga bood boodkiisu nafta kaa qaa dayo. 150she iyo makhaayadda Buurdibi ee Jowhar inta la gaarin ku taal ayan sii istaagnay oo wax ka cunay. Guurihii waxa nagu soo dhacaysay dhaxan halis ah oo dharka khafiifka oo an qabo iska celin Karin. Waxan guureynaba waagu markuu baryey ayaan alleelehe Xamar soo galay. Gaarigii wuxu soo istagay Yoobsan oo nasib wanaag ah cunwaanka aan u socdo oo Xaajiyaal adeerro iigu aadan guryo ku leeyihiin. Ninkii gaariga lahaa ayaa igu yiri: “War yaa waa kaa fooqi adeerradaa”

Anoo walasanaya shandaddi yarayd, ayan waxan u imi Adeer Xaaji Deriye, Alle haw naxariistee, oo maqalka baxaar weyn daarta dabaqa ah hoosteed fadhiya. Markaan isu sheegay, ayuu yeeray nin adeege baxaarka ka ah oo yiri, “war wiilkaan kee Qolka Martida”. Sariir banana inta ku dhacay ayaan galay gam ayey hurda dheer illaa iyo subaxdii dambe.

Muqdisha

Muqdisha waa magaalo madax ku taal xeebta badweynta India naacawda macaan ee loo qayaan Monsoonkuna ku soo daacayso galabti oo macaamiisha makhaayadaha hortooda far fadhiyaa ay ku istireexayaan iyadoo bunka samaynta kala duwan, shaaha iyo cabitaanka qabow ee noocyada bandi isdamarayaan. Kuwa xeebta dheer ee Liido ku dabaalanayana ay ismoodaan in ay janadii ku jiraan. Waa magaalo madax dhankastaba ka dhisan ahna xarun siyaasadeed, ganacsi,dhaqaale, isgaarsin, warbasho iyo dhaqan. Waa magaalo la tartamaysa aduunka kale ummada lehna ay ku naalooneyso. Waa magaalo ay ku noolyihiin jinsiyado farabadan oo qaaradaha aduunka ka kala yimi, qaarkoodna ayba si rasmi ah u deggenyihiin. Waa magaalo dadka nool ay wada faraxsanyihiin oo aad moodid in ay kuli u dabaal dagayaan xorriyada iyo gobanimadda cusub ee markaa labo jirsatay. Tartan siyaasadeed, ganacsi iyo waxbarasho ayaa xoog u socda oo durba dareemeysa. Radio Muqdisho ayaa beledka iyo Somalia oo dhan haysta marka laga reebo Radioha Ingiriiska ee  BBCda laanta Afka Soomaaliyeed oo iyana xoog loo dhageysto, rag afmaal ahna Soomaaligana ka xaladiya ka hadlaan. Naadiyada asxaabta siyaasadeed ayaa xoog waxa uga socda dodo kulkul oo midba midka kale wax kaga sheegayso, mucaaradkuna uu ku maagayo dawladda u madax ka yahay Cabdirashid Cali Sharma’arke. Cadaan badan oo taalyani u badan yahay ayaa magaalada ka muugda. Wax walba waxay ku socdaan habka talyaaniga maamul ahaan. Qofkaan afka talyaniga aqoon ilbax ma aha. Dadka waqooyi ka yimaada reer Xamarku wax u yaqaaniin badaw soo galooti ah. Dood weyn oo reer koonfureedka iyo reer waqooyiga ayaa beledka ka socoda. Ganacsigi iyo mashaariic dawladdeed kala duwan ayaa si xayli ah u socda oo waxad maqleysaa ama arkaysaa dad shaqo doon ah iyo kuwo soo helay shaqooyin. Dad badan oo waaweyn ayaa dib u bilaabay waxbarasho lagu dhigo affafka Talyaaniga, Carabiga iyo Ingiriiska. Dugsiyo dadka waaweyn ayaa Xamar iyo magaalooyinka kaleba ee dalka ka furmay.

Sida taariikhdu qortay. Muqdisha waa magaalo soo jireen ah oo ganacsi la lahayd India iyo China qarnigii 14aad. Waxa waagaa safar ku yimi dhulmaraagii Marookaanka ahaa Ibnu Batuuta, Dhulmaraagii Siiriyaanka ahaa ee Yacquub Al Hawami, gumeysigii Reer Yurub ka horna Vasco de Gama oo ahaa badmaax Burtiqiis ah iyo Richard Burton oo ahaa dhulmareen Ingiriis ah ayaa iyana yimi carada. Ibnu Battuta wuxu ka waramay siday Xamar waagaa uga dhisnayd daarro dhagax ah iyo in ay ahayd magaalo madax dawladdeed (City State) oo weyn lehna xiriirro ganacsi dibeddeed iyo dhaqanba. Ibnu Batuta wuxu cadeyyey in qarni 14aad Muqdisha u iibgeynjirtay dalka Masar dhar iyo samaysyo kale ee beledka ka soo baxa ama lagu sameeyo.Magaca Magadishu wuxu yami erayga carabiga ‘Maq’ad Shah’ ama Fadhiga Shah. Shah waa Suldaankii iiraan oo saamayn weyn ee dhaqan iyo ganacsi ku lahaa Muqdisha xaata ka hor wakhtigii Ibnu Batuta. Muqdisha taariikhdeedu waxay soo jireen ahayd tan iyo qarnigii 1aad oo xiriir ganacsi la lahayd wadamo Carbeed. Muqdisha waxa soo maray dawladdo ama maamullo saldanooyin kula duwan sida tii Ajuuraanka ee Musaafur iyo kuwo kaleba. Muqdisha waxay la hayd lacag ay wax kula iibsato xataa qarnigii 14aad ka hor.

Waxan Muqdisha imi Bishii Oktoobar 1962. Inkasta aan Gaalkacayo wax kasoo bawsaday, baraaruga siyaasadeed wuxu iga bilawday Muqdisha. Erayga doorasho siyaasadeed ayaan markii iigu horeysay maqlay. Waxan kaloo ku baraarugay asxaab siyaasadeed oo tartameysa, Golo wakiillo ee dadka ama shacabka, wasiirro, Madaxweyne, Wasiir-koowaad, Duq-Magaalo, safaarado, saldhigyo akhris ama akhriyaal, heerar kala duwan ee dugsiyo waxbarasho iyo wixii la mid ah. Waa magaalo aad u xisa badan marka laga eego dhan walba aadna uga duwan jawii aan ku noolaa iyo dhaqanka miyiga.

Ujeedada ugu weyn ee Xamar ikeentay waa waxbarasho. Xamar waxa joogaa Walaal isaxaaq oo ah markaa ah dhige dugsi hoose ee Wasaaradda Waxbarashada. Waxay noqotay in dugsi la ila raadiyo. Dugsiyada aan la qabsankaro waxa dhigta caruur iga yar yar oo horay aan cuqdo uga qaaday markii la igeeyey Gaalkacayo dugsigeedii hoose. Waxay noqotay in la iska kaydaayo sidii aan rabo aan yeelee. Waxan bilaabay dugsiyo gaar ah oo lacag yar bishii la iska bixiyo iyo habeenkii dadka waweyn dhigtaan. Waxan ugu horayn bilaabay Talyaani, deedna u badashay Ingiriis, carabina wax baan ka bawsaday. Waxan akhrinjirey wax kasta iyo buug kasta oo iga soo horbaxa. Akhriskaygu kala joogis maleh habeen iyo maalinba.

Waxay gaartay 1963dii marka Dawladda Mareykanku hawada u gantay Dayax Gacmeedkii Appollo 11 kuna guuleysatay in ay markii ugu horaysay banii aadam dajiso dayaxa dushiisa. Waxay ahayd arrin la yaableh oo muujisay awoodda ilaah siiyey banii aadamka iyo waxa suurtagal u ah hadduu qofku dadaalo. Waxan xusuustaa habeen anagoo fadhina xarunta akhriska buugta makeykanka, la iskugu kaayeeray qolka filimada Xarunta. In yar ka dib waxaa soo galay qolka Safiirka Mareykanka iyo Jananka Booliska Somalia, Maxamed Abshir Habaan. Safiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Waxaan aad uga xumahay in aan TV jirin Somalia oo anaanan wadaawan karin  Appollo 11 oo dayaxa dushiisa ku dagaya iyo Cir Adadayaasha oo dayaxa ku dulsocda”. Janankuna wax buu yiri aan xusuus igu reebin. Xarunta Akhriska Mareykanku oo markaa ku taalay cirifka Xaafada Shangaani qayb weyn ayey ka qaadatay aasaaska wabarashadaydii hore.

Waxbarashadaa goos goos waxan Xamar ka waday illaa 1964tii, kadib markaan dib ugu noqday Gaalkacayo oo dhalinyaro Peace Corps ee Mareykan ah ee Barnaamijkii Madaxweyne Kennedy ee New Frontiers, wax ka dhigijireen. Waa wabarashada dadka waaweyn oo aan aad ula qabsaday. Sanad ayey igu gaartay in aan dhamaysto duruus si weyn wax ii tartay. Sanad dambe waa iisuurtagashay in aan galo dugsigii Allaahida Masar oo fasalada afraad iyo shanaadba isku sanad dhameysto. Waxax ahayd 1966dii. Fasalka Shanaad waa ka ugu dambeeya dugsiga Hoose ee Allaahida, waxana noqotay in Xamar dib ugu soo laabto anoo Gaalkacayo ka soo qalin jabiyey. Galintaanka Allaahida iyo damaynta Fasalka Shanaad waxay arrin muhim ah oo wadada u xaartay waxa loo yaqaan “waxbarashada rasmiga”. Waxan Xaafada Bilaajo Carab ka bilaabay fasalkii ugu horeeyey ee dugsiga Dhexe ee Allaahida anigoo weli iskala weyn oo isu haysta in heerka waxbarashadaydu ka sareeyo fasalka koowaad ee Dugsiga Dhexe. Markaa ardada taqaan afka Ingiriiska waxay intixaamo u galayaan Dugsiga Sare ee banaadir oo ahaa dugsiga ugu horeyyey ee ardada reer Waqooyiga iyo kuwa reer Koonfureedku ay warbarasho midaysan ku kulmaan. Maadaama ayen Koonfur jirin dugsiyo soo saara ardo afka Ingiriiska wax ku baratay marka laga reebo dugsiyo gaar ahaaneed sida Menonite Mission-ka Mahaday/Jowhar, waxaa loo oggaladay ardada Koonfureed in ay intixaan  u galaan wax ka barashada Banadir.  Sanadkii 1967 ayaan intixaan aan ku guulestay u galay Dugsiga Banadir anoo weli dhigta Allaahida. Waxaa si buuxda ibilaabatay waxbarasha rasmi oo heer sare iyo casharro adag oo aasaaska hoose iga maqanyahay. Dadaalkayga awgiis, waxan ka mid noqday ardada ugu sareysa dhanka waxbarshada iyo asluubtaba. Waxa iyana sharaf weyn, oqoonsi iyo tixgelin ii ahayd in la ii doorto Madaxweynaha Gudiga Ardada Dusiga Sare ee Banadir sanadkii labaad ee 1968 tan iyo damaystirkii  Banadir 1971dii. Isla sanadkii labaad waxa nasiib darro Muqdisha xanunka malaria ugu geeryooday Aabe Xaaji Warsame Axmed Gurey Jawjawle. Aabe wuxu geeryooday anoo gacantiisa haya. Intuu nafka dhawrka ahaa waxaa Cisbitaalka Martini nagu soo booqday Yassin Nur Hassan Bide, Alle haw naxariistee, oo markaa ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia iyo Mudane Abdirizak Haji Hussein, Wasiir-koowaadkii hore ee Somalia. Waxaa la isla soo qaaday in Aabe China loo qaado oo lagu soo daweeyo. Doodaa oo aan weli dhamaan ayaa aabe naftu deysay. Allaw kuu naxariistto!

Intaan Dugsiga Banadir dhiganaayey, waxan dareemay in ay jiraan dhabaatooyin farabadan ee dadweynuhu ka tabanayaan dhanka siyaasada, maamulka, fursadaha shaqo, ganacsi, waxbarasho iyo wixii la mid ah. Waxaa soo koordhayey carroda dadweynuhu u qabo Dawladda waxana aad looga carreysanyahay maamulka doorashooyinka iyo musuqmaasuq la xirrirra. Dadka waxu sii luminayey kalsoonida uu u qabo waxqabadka iyo dhexdhexaadnima dawladda in dadku u simanyahay fursadaha qaranka. Waxaa bilaabatay eex, isdabamarin iyo wax waagaa loo yaqaaney “Recommendazione” oo ah in qofku la yimaado qof weyn oo la wada yaqaan ama awoodleh, wasiir, ama mudane Baarlamaan ah ama sargaal sare ee Dawladeed ah. Recommendazione waxay lug ku yeelatay dhamaan nolashada qof ahaaneed dhinac kasta ee dhadhaqaaqa bulsho. Waxa dhuntay kalsoonida qaran iyo qof ahaaneedba iyadoo abuurrantay cadaawad dadka dhexdiisa ah iyo niyadxumo guud oo dhalisay jawi siyaasadeed ee qalafsan iyo xaalad maamul iyo siyaasadeed oo cakiran qaraxna qarka u saran. Doorashooyinkii 1968 ee Dawladdii Maxammed Ibraahim Cigaal dalka ka qabanqaabisay ayaad moodaa in baansiin iyo xaabo ku dartay xaaladdii awalba gargareysay. Haddaan miitaal qoof ahaaneed ka bixiyo kalsoonixumadu heerka ay gaartay, markaa Dugsiga Sare dhamaystay waxan coqsi isgumar ah geystay in aan ka qaybgalo tartanka Waxbarashada Dibedda Wadamada Suuqqa Europe, Midowga Soviet, Banka Hurumarinta Somalia, iyo Saraakiisha Xoogga Dalka si aan fursadaha u badsado illeen midna iskuma hube eh anoo heer aqoon ahaaneed kalsooni weyn isku qaba. Waxaa kaloo dhacday in codsigii tartanka kala deeqdii Waxbarashada Europe anoo shaki ka qaba in aan helayo marka haadaan hubo in ardo badani jecelyihiin in ay Europe aadaan marka la eego Midowga Soviet, taas oo aan dareensan ahay in ay tahay fursada ugu weyn ee bilan.

I969 waxa magaalada Laascaano lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyedda Somalia, iyadoo taasii isku badashay inqalaab ama afgambi cidanka Xoogga Dalku ku sameeyey Xukuumaddii Maxamed Ibrahim Egal. Dadweynuhu xoog ayuu usoo dhaweeyey afgamigaa dawladda iyadoo hilimada dadweynuhu tahay isbadel ku yimaada maamulka Xukuumadda dhanka cadaaladda iyo fursado loo simanyahay. Durba waxaa xabsiyo siyaasadeed lagu tuuray madaxda siyaasadda dalka oo ay ku jiraan xataa kuwo aan ka tirsanayn Xukuumadda Egal ama mucaarad iyeda ku ahaa. Waxaa lalaalay Dastuurkii 1960kii ee Somalia sameysatay qaadashada Gobanimada. Dalku wuxu noqday mid lagu maamulo go’aamo iyo qoraallo kasoo baxay Gudi Saraakiil Cidamada oo la magacbaxay Golaha Sare ee Kacaanka. Waxaa bilowday Olalihii La dagaalanka Musuq Maasuqqa, kaasoo oo ahaa olale siyaasadeed oo sumcadda looga dilayo siyaasiinta qaranka si loo gasbado taageera dadweynaha. Waxaa si isdabajoog ah u bilowday olalayaal badan oo aan qabo qaarkood ay waxtar weyn lahaayeen, hase-ahaatee siyaasad dadweyne-mashquulin ah ay ku dheehantahay.

Waxan darajo kore ku dhameeyey Dugsiga sare ee Banadir 1971 oo isla sanadkaaba ku guuleystay deeq Waxbarasho Midawga Sovieti. Muqdisha oo weli ku jirta Olalayaasha “Kacanka” ayaa Aeroflot anaga oo dhawr iyo toban arday ah noola duushay Moscow. Waa dayuurrada ugu horeysay ee aan nolashayda raacco.Safarkaani aad ayuu uga duwanyahay kuwii horey iisoo maray. Kursi intaad ku fariisatid aad kuba gam’aysid illaa cunto laguu toosinayo iyo gabdho kuu shaqaynaya oo aad malaa’ig moodo.  Mid kooxdayada ka mid ah  ayaa yiri, anoo hawada dhexjibaaxayna “Ismaaciillow, waxaba taa ha sii eegin anay ii carbuunantahay, markaan Moscow gaarro. Waxay nala sii dagtay Aden (Konfur Yemen) oo aad dareemeysid in ay kar kareyso ku layl awgiis, dedna Cairo. Waa labo magaalo ee dadka Soomaaliyeed macna ugu fadhiya taariikh ahaan. Qofka Soomaaligu markuu joogo Gobolka wuxu dareema culeyska dhaqan iyo siyaasadeed ee magaalooyinkaa Carbeed ku leeyihiin Somalia. Waxay hawada soo dhexjeexdaba alleelehe aroor hore ayey Aeroflot nagala soo dagtay Moscow. Waa bartamaha Oktoobar 1971, hawaduna aad bay noola qabawdahay aniga iyo asxaabta kale ee igala timi wadan hawo kulul oo weliba Aden soo maray. Markii ugu horeysay ee aan tako dal shisheeye wadama carabtuna ha ku jireene. Dadka jooga gagada ama ka shaqaynaya ama ka dhoofaya-kasoo dagayaa aad bay buurbuuranyihiin dharkay qabaanna noola fow-xunyihiin. Yeelkeede dumar qurux badan ayaa meesha ka muuqda, oo odaraskii u muujinaya muuqaalka dumarka sugaya dalkaan kii doonaya. Markaan dhameysanay hawlaha gagada ee soo gelitaanka dalka ayaa sideeddayadiiba nala qaaday gaari bas yar oo nala geeyey qolol la seexdo ee Jaamacadda Dawladda ee Moscow. Labo labo ayaa qolkiiba labo labo keli oo ardo Soviet ah naloola dajiyey qolka, habkaa oo noqondoona mid rasmi ah ilaa intaan ka dhameynayno Jaamacadda. Dhawrka beri ee aan joogay Moscow wax xusuussa ee weyn uguma reebin marka laga reebo weynanka Moscow, wadooyinka dulka hoostiisa isjiidayaasha dadweynaha qaada marayaan iyo xarumaha fanka iyo sugaanta ee aduunkoo dhan caanka ka ah sida Opera-da, Ballet-ka iyo masxafyada taariikhda iyo xarumaha buugta iyo madbacadaha.

Soviet-ku wuxu ahaa dalka joqoraafi ahaan aad u balaaran, aad qabow wakhtiga diraacda. Waa adagtahay in la isaga goosho dhexdiisa in la isticmaalo tareen ama diyaarad la raaco mooye. Sideedayadiiba waxa tareen naloo ku qaaday magaaladii Leningrad (St Petersburg), halgaa oo Polytechnikada aan ka bilawnay Barashada Afga Ruushka socotay hal sano, deedna naloo kala diray jaamacadaha dalka. Dhawr anaga ah ayaa nasib u helay in loo diro magaalada Minsk ee Gobolka Belarus halgaa oo aqoonta engineeriyadda aan bilawnay Jaamacadda Polytechnika Minsk lix sano iyo bar soo socda.

Haddaan soo kobo sheego dheer ee nolashayda ku saabsan intaan wax ka baranayey Midawga Soviet, waxaa dhacay ama la kulmay dhawr xaaladood oo adag. Tan hore, waxa igu dhacday cudurka loo yaqaan TB-da taa oo iska daweynteeda qaadatay hal sano oo aan jaamacadda dib uga dhacay. Waxaa xusid mudan in Midawga Soviet lahaa daaween iyo barnaamij caafimaad guud oo lacag la’aan ah, haseyeeshee tayadiisu liidato marka la isla barbardhigo kan America iyo Europe-ta Galbeed. Intaan cisbitaal Minsk ku yaal ku jirey, ayaan waxan saaxib noqonay nin bukayaasha ka mid ah oo TB-su isu bedeshay xaaladda loo yaqaan “chronic” ama daawo-beel. Maadaama cudurkiisa aan lagula tacaali karin daawooyinka laga soo saaro Midawga Soviet, waxa bukanahaa loo qoray daawo loo yaqaan “Riffadin” ee dadka noocca ah TB-da looga daweeyo oo dibedda laga keeno. Maadaama Riffadin ay tahay daawo waxtar caafimaad oo deg deg leh, waxan u soo jeediyey Vladamir in aan ka iibsado in dawr ah ee Riffadin ah issagoo helaya in ka badan inta uu baahanyahay. Farsamadani waxay keentay in dawr billood ka dib la iga waayey wax cudurka TB-da. Taa waxay ahayd guul weyn iyo xaalad caafimaad oo adage e aan ka gudbay. Arrinta labaad oo iqabsatay waxay ahayd in Dagaalkii Ogaden 19977 ee Somalia-Ethiopia markuu qarxay madaxweyha Somalia, Maxamed Siyad Barre, soo saaray amar uu dalka uga saarayo dhamaan khubarada Ruushka ee joogay Somalia, issagoo gooyey iskaashiga u dhaxeeya labada dalka. Waxaa ku xigtay in Somalia ku amartay ardada wax ka barata Midawga Soviet in ay dalka dib usoo laabtaan. Tani waxay keentay in boqolaal arday Soomaaliyeed ahi waxbarashadoodii halgaa ku luyeen. Nasiib wanaag anigu waxan goostay in aannan laaban inta aan ka dhamaysanayo waxbarashada. Magaalada Minsk arday Soomaaliyeed waxanu ku joognay 14 oo badankoodu markaa ama sanad ku dhaw shahaadada jaamacadda qaadanayaan. 13 arday ayaa iiga dhoofay oo anoo keli ah ku soo haray Minsk. Xadladii la igu gudoonsinayey Shahaadada qalin jabinta, ayaa Wasiirka Waxbarashada Belaruus wuxu igu yiri: “ Janan dagaalka ku guuleystay iyo nin aroosay innan uu jecelyahay ayaa furka ka jara khamrada loo yaqaan “Champagne-ta”. Waxay ahayd bisha Luulyo 1978 iyadoo markaa lugu baxay Dagaalkii Ogaden markay Cuba iyo Midowga Soviet issu garabsadeen in duulaanka Siyad Barre la jabiyo.

Waxan imi Moscow Bisha Agoosto. Waxa beledka weli jooga ardo fara ku tiris ah oo sidaydoo kale ku haray Moscow say u sii wataan waxbarashada. Khaliif Nuur Cali Qonof ayaa ka mid ahaa arda yar ee halkaa joogay. Maadaama aan ahaa nin ku haray Dalka anoo jabiyey amarkii Dawladda Somalia in ardada Midowga Soviet wax ku barta soo wada laabtaan, waxan soo booqday Safaaradda Somalia si aan hubsado in ay khatari igu imaan karto haddaan dalka Somalia ku laabto. Waxa igu soo dhaweyyey Safaaradda Ku Qaybsanaha Dhaqanka, Yaasiin Maxamuud (Yaasiin Ruush), oo markaa ka hore laga soo badelay Safaaradda Somalia ee Cuba. Yaasiin waxan si barer ah ugu iri “War dalkii ma aadi karaa mise waa tashadaa?” Yaasiin wuxuu igu jawaabay “War adaaba dhaama kuwwii laabtay” “haddaba, Mudane, iskama tagayo balan qaadla’aan eh, warqad u qor dawladda in aan wax siyaasad ku saabsan ugu harin Soviet-ka”. Yaasiin waa ii balan qaaday in warqad u dirayo Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashada Sare.

Waxan kasoo degay Gagada Dayuuradaha Muqdisha koor barqa ah dhamaadkii Agoosto 1978 anoo aad ugu faraxsan in aan waxbashadaydii soo dhameystay iyo in Dalka dib ugu soo laabtay. Durba qaybta Sadcaalada Booliska ayaa igu dhagay oo xafiis gaar ah ila tagey. Haddii yaraha la iwaraystay ayaa waxa la iisheegay in arrintaydu khatar tahay oo la iihaysto in aan jabiyey amarkii Dawladda markii Dalku dagaal ku ku jirey. Waxa Gagada Dayuuradaha la igaga qaaday gaari dharcad Booliska ah. Waxa la igeeyey Xafiis Bartamaha magaaladda ku yaal ee uu haysto Taliyaha Sadcaalka, Nuur Bidaar.  Qol ayaa la ifariisiyey iyadoo ayan weli iga tegin Booliskii dharcad ka ahaa ee ikeenay meesha. Muddo labo saac aan ka yareen haddaan sugayey Nuur Bidaar, ayaan waxan ku iri mid ka mid ah Booliskii igeenay meesha:  “War meesha lagu jabyey maxaa talo ah?” Wuxu iigu jawaabay: “War hoy aan kula taliyee, iska aamus” Nuur Bidaar xafiiskiisii ayaa alleelehe la iiga yeeray. “War bal iska waran?”, ayuu iweydiiyey, Nuur Bidaar. Nuur Bidaar wuxu la yaabay ninkaygaan iska faraxsan oo aan shidaba hayn. “war maxaad u jabisay amar dawladda in Dalka la difaacco”?” ayuu iweydiiyey. “Taliye, maxaa aniga la iidiray, yaase idiray?” ayaan ana weydiiyey.  “Arrintaadu halis bay daaqaysaa, ninyohaw”, ayuu yiri Nuur. ”Taliye arrinteyda waxaa la socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee bal wareyso”, ayaan talo ku siiyey. Nuur Wasaaraddii ayuu la hadlay oo malaha lagu yiri ardaygu waxbarashadii Soviet waa soo dhameystay dhib kalana ma jirto. Nuur bidaar inta issoo eegay ayuu yiri, “War ninyohaw nin aad u nasiib badan ayaa tahay eh, waa fasantahay”.

Waxan lacag ka haystaa toban Doollar ee Mareykan ah, haseyeeshee sicir bararka shillinka awgeed lacag badan ah markaa oo igu filan in aan taksina (Taxi) ku raacco Hudheel igeeyaa dhawr cashana iigu filan cunno iyo jiifba. Markaan ka soo baxay Xarunta Nuur Bidaar ee Basaboorrada ayaan ku leexday Bangiga Dhexe ee Somalia oo aad ugu dhaw, waxana ka sariftay tobankii dollar, deedna isla meesha Taxi ka qabsaday. Waxan ka codsaday Taxilaha in uu geeyo Hotel qiima jaban kaasoo noqday mid ku dhaw daartii Dabka ee jidka Maka Mukarama. Waa koor galab ah waana daalan ahay. Markiiba hurdo ayaan biliq la dhacay. Subaxdii danbe ayaan soo baraarugay mise aniga iyo firaashkuba waa wada qoyanyihiin dhidid iga baxay awgeed hawada kuluul ee Agoosto darteed. Durba waxan xirtay dhargeyga oo quraac makhaayed ii dhaw ka dalbaday. Markaad dalka in badan dibedda uga maqantahay cunadu waa ku dhibeysaa waxadna u baahantahay mudo in aad dib ula qabsato. Subaga iyo dufanka ayaa ku badan cunna Somalia taas oo dhibta dadka mudo ku noolaa qaaradaha Europe iyo Waqooyiga America. Hadday naftu isoo gashay quraac ka dib, waxan ku dhacay Taxi si aan u wargeliyo qoyskaygii iyo qaraabadii in aan dalka ku soo laabtay anoo soo qalinjabiyey sitana shahaadada injineernimo ee loo yaqaan “Masters”. Waxa Hotelkii iigu yimi oo iga raray walaalkay iga weyn, Isxaaq Xaaji Warsame Ahmed, ahna markaa Garsoore Maxkamadda Sare ee Somalia. Walaal Isxaaq waa ninka suurageliyey in aan wax barto illaa dugsiga sare ee Banadir, Muqdisho. Waxaa kale oo qayb weyn ka qaatay waxbarashadaydii inna adeer Qaasim Xaaji Xuseen Axmed, allah haw naxariistee, ahaana Guddoomiyihii hore ee Gobolkii lagu magacaabijirey “ Majeertiinnia” markaanna aah Nugaal iyo Bari ee Puntland. Todobaadka gudihiisii ayaan Wasaaradda Tacliinta Sare ee Somalia. Sargaalkii iqaabilay markuu wax yar idhageystay ayuu si qaylo ku jirto ku yiri Xoghayntisii “ Xaliimow jaamicigaan u dir “Xalane”. Xalane waxay ahayd dugsi ciidan ama “indoctrination centre” mas’uullinta maamulka dalka lagu hanjabiyo deedna qaarkii hanjabiwaaya looga fogeeyo hawlaha dawladda illaa iyo xabsi aan maxkamadda lahayn. Xaliimo warqad ku socota Xalane ayey isiisay. Inta jeeb danbe gashaday warqaddaa ayaan galay shaqo-raadis.

SHAQO DOON

Dhawr beri ka dib ayaan tagey Xafiis lagu magacaabo JSP (Jubba Sugar Project) oo ah mashruuc sonkareed ee warshad laga dhisayo agagaarka tuulada Marerrey ee Jubba Hoose. Xafiisku wuxu ka yaala dabaq sare ee daarta loo yaqaan Jirde Xusseen ee dhaw Caffee Nazionale ama Bar Savoy. Mashruucca waxa dhanka Somalia Mareeye ka ah Dr. Cali Khaliif Galayr. Mashruucca warshadda waxa qandaraas ku haysta shirkado ingriis ah oo horsed ka tahay Shirkadda Bookers Agriculture International. Dhawr boqol khubaraa ingriis ah ayaa wada mashruucca. Dawladaha Imaaraadka iyo Kuweyt ayaa maalgaliyey mashruucca oo Somalia ugu dheeqay.

Gabar ka mid ah Xoghaynta Mashruucca ayaan weydiistay in aan arko Mareeyaha Mashruucca. Nasiib wanaag durba wey ii ogalaatay in aan la kulmo Dr. Cali Khaliif Galayr. Isbarasho ka dib iyo ujeedada aan u imi Xafiiska, Cali wuxu ii shegay in ayan haatan wax shaqa ah banaanayn. Dib ayaan ugu laabtay Xoghayntii oo misana weydiistay in aan arko Madaxa Xafiiska ee dhanka ingriiska, Mike Johnson. Mike si fiican ayuu ii soo dhaweeyey oo yiri “ Beri haddaad diyaartahay diyaarad baan Kismayu kuu saarayaa si “interview” ama imtixaan shaqo lagaaga qaado Mareerrey”. Hotel Waamadii Kismayo ayaan habeynkii dambe sii seexday, barqadiina Mareerrey ayaan tegay shaqadiina ku guuleystay. Labo maalmood ka dib ayaan Xafiiskii Galayr soo galey anoo ka tirsan injineerrada Mashruucca oo la ii soo diray tababar lix bilood ah oo ku saabsan farsamada soosaar sonkorta laga sameeyo qasabka (sugar cane) ee warshadii SNAI ee Jowhar, Shabeellada Dhexe.

Bishii Agoosto 1978 markaan ku laabtay Muqdisho waxa dalka ka jirtay jawi qalafsan oo  ah xisad siyaasadeed iyo mid colaadeed gudaha iyo dibedba. Waxa lagu fashilay Dagaalkii Soomaali Galbed ama dagaalkii Ogaadeeniya 1977-1978, waxa la laayey saraakiil ciidan oo sar-sare dalkana caan ka ahaa oo uu hogaaminayey Kornayl Cirro, isku day afgambi dawladeed ka dib, waxa dalka dibeddiisa ka abuurantay mucaarad hubaysan ee Jabhadda Dimoqoraadiga ee Badbaadinta Soomaaliyeed ( SSDF), waxa heer sare gaaray sicir barar, musuq-maasuq iyo khakhal dhaqaale, kuux diidmo siyaasadeed iyo diimeedba. Waxa dadku dareemayeen quus iyo rajo-bel saameesay qof kasta. Waxaa intaas oo dhan ka daraa in maamulka dawladeed la yimi waxaan horey loogu aqoon bulshada Somalia iyo mid dawladnimo: ciribtir issir iyo ka sifayntooda dhamaan hay’addaha dawladda. Hawlgalkaasu wuxu markaa ku socday dadka u dhashay Majeerteenka, deedna Soomaalidii kale markay ka daqnanweyday iyagana markood helay wixii ku dhacay Majeerteenka.

Radio Kulmis wuxu ahaa codka keli ah oo dadka Soomaaliyeed la haayeen ee ka hadlijirey musuq-maasuqa, qabyaaladda, maamul-xumida, dambiyada siyaasadeed iyo burburka dalku socdo. Dhawr sano ka dib anoo markaa ka tirsan mucaaradka Soomaaliyeed ayaan Addis Ababa kula kulmay tifaftire ingriis ah ee ka socda wargeyska “Africa Confidential” isagoo soo maray Muqdisho soona waraystay Madax badan ee Maamulkii Siyad Barre. Tifaftirehaasu wuxu iisheegay in la oranjirey dadka Soomaalidu waxay aad u dhageystaan Laanta Afka Soomaliga ee BBC-da. “iminka BBC-du lama tartami karto Radio Kulmis xagga dhageysiga 9:00 fiidnimo” ayuu igu yiri qoraagaasu. Waxan qabaa haddii muranka iyo caadifadda qabyaaladeed ama gobalaysiga doodad laga saaro, rajo isbadel dawladeed waxa dadku markaa ka sugayey mucaaradkii hubaysnaa ee SSDF ka hor intaynan saaxadda kusoo biirin Dhaqdhaaqii Wadaniga Soomaaliyeed

 (SNM) iyo USC oo tan dambe ahayd goosan SSDF tan horena isla SSDF maalgelisay dhismaheedii bilowga, qorshuna ahaa in la mideeyo mucaaradka ka soo horjeeda maamulka ciidan ee kalitalisnimo ee Muqdisho. Nasiib darro arrintaa laguma guuleysan dawrka Mengistu Haile-Mariam ee Ethiopia ku layd awgeed. Dib ayaan amuurahaas buukaan dhexdiisa uga waramidoona.

FARXAD WAWAL ISU BEDESHAY

Mudadii aan u shaqaynayey Shirkadda Mashruucca Sonkorta Mareerey, JSP, markaa dhismaheedo socdo dhiqiyaas ahaan aan sugnaa hal sano, waxan marmar dhif ah imaanjire Muqdisho anoo ka imi Jowhar ama Mareerrey martina u ah Mashruucca dhinac hotel jiifka iyo cunna. Badanaaba waxan ku soo dagijirey Hotel Shabeelle. Arrintii ugu horeysay ee argagax siyaasaseed igalisey waxay dhacday markii diwaangeliyaha Hotel-ku iweediyey su’aasha ah: “ Jaalle xagee ku dhalatay?” Inta yaabay, baan weydiiyey diwaangeliyaha: “ Walaal maxaa uga jeedaa su’aasha?” Wuxu iigu jawaabay: Jaalle waxan haysanaa amar in aan weydiino martida meeshey ku dhasheen”. Durba waxan xusuustay waxa ku qoraa Warqaddii Aqoonsiga ee Dawladda Hoose ee Muqdisho samaano ka kor markii dugsiga hoose aan bilaabay, qorniimadaas oo si aan ula kac ahayn lagu magacaabay Gaalkacayo meeshii aan ku dhashay, haseyeeshee runtii ahayd Laascaanood ee haatan ah Magaalo-madaxda Gobolka Sool. “Hadday arrintu saatahay, dee waa Gaalkacayo” ayaan ugu jawaabay. “War Gaalkacayo qorimaayee meel kale sheego” ayuu durba igu yiri. Intaanan u jawaabin, ayuu iiraacshay,”war haw aan kula taliyee meel aan Gaalkacayo ahayn sheego”. “Adeer, meeshaad doonto ku qorro buugga” ayaan ku gabagabeeyey. Dib uma danayn magaca magaaladu ku qortay, waxanse ku kalsoonahay in ayan ahayn Gaalkacayo issagoo aniga ii eexanaya.

JOWHAR-SNAI-PIASA

Hay’adda SNAI-PIASA ee Jowhar, Magaalo-madaxda Shabeellada Dhexe, waxay ahayd tan keli ah dalka ka shaqayneysa soona saarijirtey qayb weyn ee baahida dadka dhinacca sonkorta iyo haraadiga qasabka la shiido oo laga miirijirey  ama laga dhalinjirey waxa loo yaqaan “spirits” ama alcohol nadiif ah oo inta badan loo iibgeeyo dalka Fransiiska. Warshaddu waxay mid da’weyn oo laga qarameeyey shirkaad ganacsi ee maal-geliyaal Talyaani ah. Markaa waxa SNAI-PIASA warshad iyo beero qasabba gabi ahayn maamuula oo si fiican u wada aqoonyahanno Soomaali ah.

Muddadii lixda bilood ahayd ee aan joogay Jowhar anoo ku nool Guryaha Marti ee Warshada, waxaa si caad iigu muuqatay xaaladda dabta ah ee siyaasadeed ee dalka ka taagan, gaar ahaan olalaha isir-soocca ama isir sifaynta ah eek u wajahan beelaha Soomaliyeed ee Waqooyi Bari. Arrinta la yaabka leh ee durba aan Jowhar kala kowsaday waxay ahayd in maamulayaasha ama aqoonyahannada Warshadda iyo beeraheeda ay ahaayeen kuwo sooc ah oo aad arkayso in meesha lagu soo wada ururriyey inta laga keenay waaxyaha kale ee Dawladda, Xamarna laga soo fogeeyey oo markii horeba ay shaqooyin kala duwan ka hayeen. Aqoonyahannadaas waxay asal ahaan ka soojeedeen Gobollada Waqooyi Bari; waxay kala ahaayeen:

  1. Garab Yare- Guddoomiyaha ama Maareeyaha Hay’adda SNAI-PIASA

  2. Enginner Abdi Dhalaweyne- Madax Warshadda

  3. Engineer Mohamed Farah Yare- Madaxa PIASA ee soo saarta “spirits).

  4. Dhaqaale yahan Yassin Nur Hassan

  5. Agronomist Bashir Abdulle Otweyn- Beeraha Qasabka

  6. Electrical Engineer Abdi Yare

Dhinac haddii laga eego, Hay’addu waa naasiib badnayd oo wax heshay aqoonyahanno karti iyo hufnaan ku darsadey. Iyadoo ujeedada Dawladdu ayeen taa ka maqnayn yey haddana qorshaha dabta ah ee raagaan loo soo xulay ahayd in:

  • Muqdisho laga soo fogeeyo sidii dad la musaafuriyey oo kale

  • Ay yihiin dad loo danleeyahay si fududna oo siyaasadda Dawladda waafaqsan lagu soo qabqaban karo si ay ugu biirraan kumayaalka ilma-adeertoda kale ee xabiska siyaasadeed ka buuxxa.

  • Dadaal iyo wax soosaar ay ka badanyihiin dadka kale mar ahayd ogyihiin in iyaga culays iyo xabsi gaar ka saarantahay dhanka Dawladda si sahlanna lagu soo eedayn karo.

Arrintani waxay ahayd mid labaad oo walwal iyo waalac igu abuurtay oo farxaddii aan dalka ugu soo laabtay iyana dhaawacday.

Intaan tababarka u joogay Hay’adda SNAI-PIASA waxan oggaaday dhuumaha qiiqa ka qaada ee gubayaasha shidaalka ee karkariya biyaha  qaacca tamarta isubedala ee wada turbiinnoyinka shiida Qasabka in ayen lahayn awood hawada ay u sii fogeeysa dambaska la socda qiiqa. Dambaskaa ayaa Magaalada Jowhar ku habsanjirey markii aan dabayllu jirin. Dambasku wuxu  daboolijirey ama ku dul habsanjirey sariiraha iyo fadhiyaasha. Waa qarankadhaa hawo dad iyo duunyo neefsanayaan oo dambas wadata ama ku dheehanyahay.

Waxan ka codsaday Injineer Abdi Dhalaweyne, Madaxa Warshada in aan soo hindiso xal wax looga qabto dhibta ka taagan dambaska qaacca ka soo daadanaya. Waxan soo farsameeyey shax cusub oo wax ku kordhineysa awoodda marawaxadaha qiiqa tuura iyo matoorrada wada iyo isbedel lagu sameeyo qalabka hanaankoo dhan. Kharash dhan rubuc malyuun dollar ayey qiyaastii noqotay in la geliyo farsamadaa warshada. Abdi Dhalaweyne intuu soo darsay hindisahayga ayuu goostay in uusan taageerin kharashka ku baxaya awgiis, isagoo igu yiri “Warshaduna iskama bixin karto dawlad diyaar u ahna ma jirto. Si hagaagsan ayuu iigu soo dhamaaday tababarkii SNAI-PIASA. Waxan ku soo laabtay Mareerrey ee Jubbada Hoose halgaa oo dhismaha Warshadii sonkorta iyo abuurka beerihii qasabka si xoogan looga wado. Mudo dhawr bilood ah haddaan joogay Mareerrey, waxa la ii diyaariyey in noqdo Injineerka waxa soo saarka sonkorta marka warshadu hawlgal bilowdo. Warshada oo weli dhismaysa, ayaa aniga iyo Injineer Mohamed “Amxaar” tababar ku saabsan farsamada soo saarka sonkorta, hanaanka iyo qalabka la xirirra naloo ku diray Dalka Ingriiska. Aniga iyo Mohamed waxannu halkaa tagnay tobanneeyo magaalo ee qalabka sonkorta laga soo saaro. Waxa tababarkii noo dhamaaday bisha Disembar 1979.

GO’AANKA KA MID NOQOSHADA MUCAARADKA SOMALIA

Intaan dalka Ingriiska joognay waxa nasoo booqday Dr Ali Khalif Galayr , Maareeyaha Mashruucca JSP. Dr. Galayr markaa ayuu soo noqday Xildhibaan Golaha Shacabka ee Dawladda Jan. Siyad Barre, waxana loo balanqaaday in uu noqondoono Wasirka Warshadaha Somalia. Raggayaagii markaa ahaa sadex Injineer oo Injineer Omar ka mid yahay gadaalna noo ku soo biiray isagoo isna ka tirsan Mashruucca Sonkorta, ayaan qado Hotel ku yaala Magaalada London geynay Dr Ali Khaliif. Anagoo wada qadayneyna, ayaa Dr. Ali xagayga inta soo eegay ayuu igu yiri “waryaa Ismail, maxaad la aamusantahay ma qurmis ayaad ka amineysaa?” isaga oo ujeeda erayga Kulmis oo u caan ubaxay SSDF. Waxan ugu jawaabay durba “ waa laga yaabaa.” War waa kula aftamayey, Ismail”, ayuu igu soo celiyey.

Kaftanka Ali Khalif wuxu dib ii xasuusiyey waxyaabihii walwalka iyo walaacca igu beerray mudadii gaabnayd ee aan joogay Somalia, oo si aan caad ku rognay ii muujisay in dadka aan qoys ahaan ka soo jeedo ay yihiin bartilmaameed cadaawada Dawladda Siyad Barre ku jirta. Micna waa ii samaynweyday ku laabashadayda Somalia markaan England ka dhamaysto tababarka.

Waxaan ku talamay labo:

  1. In aan aduunka kale shaqo u raadsado

  2. Iyo in aan dhadhaqaada ka soo horjeeda Maamulka Milatari ee Siyad Barre ku biirro.

Waanigii dalka ka maqnaa mudo todoba sano ah waagii aan wax ka baranayey dalka Midowga Sovieti. Waa isoo kartay kurba-joognimadu. Waad garan kartaa si aan u faraxsanaa markaa dalkaygii ku soo laabtay, anoo huba in aan horumarkeeda wax ku soo koordhin karo waxna u soo bartay. In ay taasu tahay hami been ah ayaa durba ii soo baxday. Waxa kaloo aan dareemay in humar dalku gaaro iska dhaaffe u buur ku sii socdo mar haddii aqoonyahanada, xirfadlayaasha iyo waxgaradka dalku ayen waxba la ahayn ama uu ka takhalusayo maamulku. Siyaasadaa Taliska Siyad Barre dabtii waxaa la orankaa ka mid bay ahay ayaan-darooyinkii ugu waaweynaa ee Somalia ku habsaday, dhaxalkii musiibadaana haatan la hayo. “ciilow ba ey tala-xumaan cudur ka roon eyne” ayuu yiri Shiikhii Sayid Mohamed Abdulle Hassan.

Mar haddii aan weli niyadda ku hayo in aan joogo dalkayga, haseyeeshee hadda  ayen bilan ku laabashadiisa, waxan goostay in aan Halganka ku biirro, shaqadii JSP halkaa ku dhaafo. Go’aankaa waxan ku gaaray Nairobi, Kenya, markaan u gooyey tababar ii sii socday England-Kenya.

Waxay ahayd bartamihii Janaayo markaan diyaarradda London-Nairobi ku bedelay Gagada dayuuradaha Roma halgaas oo dhib tiketka Somalia laga soo jaray iga qabsatay. Tiketku wuxu ahaa mid aan meele loo weecin Karin, Shirkadda aan Ingriiska martida u ahaa iyo aniguba anaan sii fiican u qorshayn. Intaa waxa daran shaqaalaha Gagada Dayuuradaha Roma oo aan ahayn kuwo u habeysan soo dhaweynta ganacsiga iyo u jajabnaan dhoofayaasha gagada jooga ama ku xayirma. Afar iyo labaatan sac ayaan ku xanibnaa gagada ka hor intaanaan xiriirro badan ee isgaarsiineed sameyn sii aan u bedelo tiketka ama u iibsado mid kale markay safaaradii Somalia ay gacan i siin weyday anoo ah Sargaal Dawladda Somalia. Mas’uuliinta Safaaradu intaa ii yimaadeen oo lahjadayda garden ayey koosteen in ayen waxba ila qaban. Shirkaddii Ingriiska ee London ayaa gacan igu siisay iibka ticket kale tan iyo Nairobi si aan tababar dhawr billood ah ugu qaato Warshadda Sonkorta ee Mumias ee Magaaladda Kisumo, Waqooyi Galbeed Kenya.

Mudadii aan dayuuradda u soo saarnaa Nairobi, waxan la kulmay gardaro iyo aflagaado ka imaaneysa koox Soomaaliyeed oo aan shakhsiyan ii aqoon ina haybsan. Way ii cadayd in kooxdaas ay isku halayn dhanka Dawladda Somalia u sameynayeen daandaansiga dayuuradda dusheeda. Iyagoo igu dhaga-hadlaya waxay kaloo maagayeen shakhsiyaad ka tirsan dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Dawladda. Waxaas oo gardaro ah isuma kalabixin, taasna wa ka sii xanaajisey kooxda cirka ku dhaantayneysa iyadoo dhulkiiba aan weli cagaha la dhigin. Alloow haday garan lahayeen gardara aan geed la isaga soo laaban in ay sii xoojineyso  amigeyga in aan ka goosto Dawladda Somalia ee markaan taagan! Kooxdu waxay ku laabanayeen Muqdisho iyagoo sii maraya Jomo Kenyatta Airport.

Allah-lehe waxan ka soo dagey Jomo Kenyatta Airport maalin sabti ah koor barqo. Waxan wataa Baasaboor shaqaale ee Somalia oo Safaaradda Kenya ee London soo fiiseysaay. Safka soo galitaanka dalka markaan soo istaagay, ayaa askarta Kenyaanku iswada fiirfiiriyeen oo malaha la isyiri Allah-lehe mid Soomaali ah ayaa idiin dagan ee kharashka biirrada sabtida ha laga qaado. Durba mid baa iigu yimi anoo safka bartanka kaga jira. “do you have a Visa?” ayuu si aan xushmad la hayn ii weydiiyey. “ Don’t you think it is too early to ask for that?” Ayaan ugu jawaabey. “what do you mean?” Ayuu igu soo celiyey. “I mean you are not an Officer at an immigration counter, don’t you agree?” Ayaan ku iri. Inta si xanaaq ku jiro ii fiirshay, ayuu ka jaqaafay. Miiskii sargaalka Visa-da markaan soo istagay ayaan waxan u tagay nin u diyaarsan innu manta wax iga dheefo. Durba baasaboorkaygii ayaan miiska u saaray. Inta kala bixiyey baasaboorka isangoon balaha rogin, ayuu yiri, “Eh, Somali Passport, you don’t have Kenyan Entry Visa?”!  “ Sir, you better look at my diplomatic Visa issued by the Kenyan High Commission in London, UK”. Ayan durba jawaabta wajiga ka saara. Intuu uqaadan waayey oo aad moodid innuu argagaxay ayuu fiirfiirriyey dhawrka kale ee agagaarkiisa taagan oo iyana malaha u heelan in ay boobka ku wajahan ninka Soomaaliga ah wax ka wadaagaan. “Sargaalku inta qawaday, buu yiri, anything for me? “like what?” Ayaan weydiiyey. “You know it is Saturday today, I want to be happy”, ayuu igu dayey. “It is not Friday for me; I also would like to be happy, let us hope for the best”, ayaan ugu gabagabeeyey. Inta kor dhugtay isagoo oo quus ah, ayuu baasaboorkayga ku shaabadeeyey mudo sadex bilood ah.

Iridda loo baxo gagada waxan ku soo maray nin haysta oggeysiis farwaaween ku qorantahay: “Mr. Warsame”. Malaha waxaa soo diray Xarunta Nairobi ee Shirkadda Mumias oo aan u socday, si Gagada la iiga soo qaado. Walee waa garab maray ninkii Kenyaankii halgaa igu sugayey. Waxan kaloo wataa warqad Shirkadda Ingriiska ee Bookers Agriculture International ay London iga soo siisey kuna socota Hotel-ka 680, kharashkaygana damaanad qaadeyso. Isagana waa garab-maray anoo saran taxi igeeyey Hotel la yiraahdo Excelsior; halgaas oo durba billiq hurdo la dhacay daal awgiis.

Sabti iyo Axad haddaan nastay, isniintii ayaan taxi uqaatay Safaaradda Ethiopia ee Nairobi si aan ugu wargeliyo in aan doonayo aadis Addis Ababa kuna biro SSDF oo markaa la oranjirey SSF. Waxan Safaaradda kula kulmay Xoghayaha Kowwaad oo lagu magaciisu ahaa Ayale, siduu ii sheektay. Ayale markaan kala dhameysanay sheekada wuxu iweydiiyey in ay dhabtahay in Somalia laga helay Shidaal. Waxan ugu jawaabay in ayen shaki ku jirin in Somalia shidaal iyo macaadiin kalaba ka buuxaan iyo innusan beensan warka shidaalka ee uu maqlay. “hotel-kayga jog cidbaan ku soo direynaaye”, auu igula dardaarmay.

Talaadadii waxa Hotel-ka igu yimi labo oday oo Jabhadda SSDF muhiim ka ahaa. Waa Ali Barre “Cidi-libaax” iyo Abdirahman Ashkir Gurac “Bolonyo” labadaba Allow u naxariiso. Waxay iga rareen Hotel-kii Excellsior iyagoo igeeyey Hotel Embassy oo malaha ka jabnaa kana amaan roonaa. Waxay igu wargeliyeen in aan aadis Addis Ababa isu diyaariyo.

Dhawr beri kadib, koor barqa ah ee dabayaaqada bisha Janaayo ayaan ka soo dagay Gagada Bole International Airport ee Addis Ababa baan ka soo dagay. Waxaa iigu yimi Saraakiil Jabhadda SSF iyo kuwa Nabad-sugidda Ethiopia ka tirsan. Waxa lay keenay Xaruunta Jabhadda oo degaan iyo xafiisba ah. Sargaal Jabhadda ka mid ah kuwii isoo dhaweyyey ayaa si hoose iigu sheegay in Sargaal Mesfin oo la socday raggii uga qaabilay Gagada Bole uu kula taliyey ragga Jabhadda in ay ogaadaan in aan ahay sargaal sare ee Dawladda Somalia ka soo fikaday loona baahanyahay in igu mintidaan oo dad kale oo Jabhadda ka tirsani ayen ii warxumo-tashiilin. Arrintaasu durba dhiillo ayey igalisey oo waxay in yar ii iftimisay in u jiro muran siyaasadeed ee Jabhadda dhexdeeda ah iyo kooxa-kooxaysi. Xogtaa koobani waa warkii ugu horeyey ee aan helo maalintii kowwaad  ee jabhadnimadayda. Waxay kaloo iyana daaqadda iga tustay in Maamulka Mengistu Haile-Mariam fara-gelin ballaaran ku hayo Jabhadda.

Dhawr beri haddaan joogay Xarunta Jabhadda ee Addis Ababa waxay ogaaday in uu jiro isqabqabsi siyaasadeed oo xoogan in Ethiopia ku leedahay dawrweyn iskahor-imaadka hogaanka siyaasadeed ee Ururka. Arrintan dib ayaan buuggan qaybihiisa dambe ugu falanqayndoonaa.

Dhawr todobaad ka dib waxan tareen u raacay Dire Dawa halgaas oo ay taal Xarunta labaad ee Jabhadda. Dire Dawa waxan kula kulmay markii iigu horeysay Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed Yey oo markaa kazoo laabtay kormeer uu ku tegay Ciidamada Jabhadda ee fadhiya aaga hore ee difaacca. Abdullahi Yusuf markaa ma aha Guddoomiyaha rasmiga aha ee Jabhadda. Yeelkeede dabtii wuxu ahaa Hogaamiyaha muuqda ee SSF isagoo rasmiyan ahaa ka mid dhawr Ku-xigeen Guddoomiyaha. Alle haw-naxariistee waxa ahaa Guddoomiyaha rasmiga ah ee Ururka Mustafe Haji Nur, Wariyihii caanka ahaa ee Radio Muqdishu iyo BBC-da Laanteedda Afka Soomaaliga, kuna haysta Bilad Sharaf hawlihii uu kasoo qabtay Warbaahinta Somalia, gaar ahaan dacaayadda dagaaladii dhex-maray Somalia iyo Ethiopia lixdamaadkii.

SSDF IYO ETHIOPIA

“ Nin dhirbaaxo ceebeed dugsaday      dhaqayadeed maalye

dhashaaday dhibtaa                              xaajadaad dhawrataa abide”

Waxaan oggahay in dad badan ee Soomaali ah isweydiinayaan maxaa geeyey Ethiopia ururkii ugu horeeyey uguna xoogweynaa ciidan iyo baaxad taageerayaalba ee ka soo horjeestay Maamulkii Milatari ee Siyad Barre. Qaar kale waxay gaareen go’aan in SSDF ay ku khaldanayd in ay ka hawl-gasho dhulka Ethiopia. Kuwo kale waxay ku doodayaan in Maamulka Siyad Barre isbedel gudaha lagu samayn karey. Doodayaasha qaarkood waxaba indha-tirtay colaadda soo jireenka ah ee Somalia iyo Ethiopia iyo in Ethiopia marnaba hayn dan Soomaliyeed. Kuwo kale waxay ka tirsan yihiin dad aan marna guul u ogalayn SSDF caadufad qoys ama dano siyaasadeed awgeed. Kuwo waa habari daan raacday oo haddaba guuxa beeleed ayey la socdaan. Qaar kaloo faraban waxay rumaysteen dacaayeddii Maamulka Siyad Barre taas oo sanado badan dadweynaha Soomaaliyeed lagu wacyi-gelinjirey in Beesha Majeerteen ay yihiin Xukun-doon, kacaan-diid dib-u-socod ah. Deedna waxaa soo baxay halku-dhegyada loola jeedo Beesha sida Dabadhilif, Haraadi, Qurmis iwm. Dacaayaddaas mudada dheer Maamulkii Siyad Barre si joogta ah u fidinayey waxay ku yeelatay saamayn weyn umadda Soomaaliyeed dhexdeeda, waxayna keentay daawaac aan kasoo kabasha lahayn iyo iska hor-keen dadweynaha. Kuwa ugu xeel-dheer waa SNM iyo USC oo geed walba u fuulay, dhagax kastana u rogay in ay inkiraan, qariyaan, been ka sheegaan ama isku dayaan in ay kaalintii halgan iyo taariikhdeedaba SSDF meesha ka saaraan gabi ahaanba. USC waxay inkirsantahay in ay ahayd qayb ka go’day SSDF markii Mengistu Haile-Mariam iyo Madaxda SSDF iska hor-yimaadeen taasoo isugu biyashubatay in Maamulku xirxiro madaxdii ugu sareysay ee Jabhadda, ururkiina curyaamo. Qaybtaa SSDF ee USC waxaa madax ka noqday Hussein Ali Shido oo ahaa xubin Golaha Dhexe ee SSDF. Isagoo taageerada Mengistu la kaashanaya Jan. Mohamed Farah Aideed ayaa si ayen dimoqoraadinimo ku jirin kala wareegay Guddoonkii USC Hussein Ali Shido. Jan Aidid wuxu markaa ka yimi Italia isagoo kasoo qayb-galay shir beeleed siyaasadeed ee dhacay Roma ka dib markii laga qaaday Safaaraddii Somalia ee New Delhi, India. Ku-xigeenkii Guddoomiyaha SSDF Mohamed Farah Jam’ale ayaa isagoo aan iska casilin Jagadii SSDF Jan Aideed u noqday La Taliyaha Koowaad ee dhanka siyaasadeed USC.

SNM iyo tagaageerayaasheedu waxaba dadweynaha isu tusaan in ay yihiin kuwo cirka ka soo dhacay in dadkooda u badbaadiyaan iyagoo iyana inkiraya in ay ahayd SSDF tii ku martqaaday Gudaha Ethiopia mudo dhawr sana ahna taageereysay hub iyo lacagba ilaa ay ka hana qaaday. SSDF waxay taageero joogta siin jirtey madaxdii ugu horeysay ee SNM sida Tuqsi, Yusuf Shiikh Ali Madar iyo Kornayl Koosaar. SSDF markaa u barertay in ay jabiso Heshiiskii Sadex-geesood ahaa ee Ethiopia-Libya-Koonfur Yemen kaasoo ahaa in Mucaardka Somalia la mideyyo oo kii soo kordhaba lagu daro SSDF si loo xoojiyo cududa iyo maskaxda mucaaradka. Waa sababta SSDF uga koobantay sadex urur oo isu tagey sida SSF, Ururka Shaqaalaha oo hogaaminayey Said Jama iyo Ururka Shuuca ee uu madaxda ka ahaa Abdirahman Aidid, SODAF-na (Somali Democratic Action Front) oo uu madax ka ahaa Osman Nur Ali Qonof, Wasiirkii Cadaaladda ee ugu horey Dawladdii Siyad Barre, deedna isatagay, ururkaa oo u  xuubsiibatay SSF (Somali Salvation Front). Mar kale waa sababta SSDF casumaadda ugu fidisay SNM oo horaantii sideedtamaadka looga dhawaaqay London, dalka Ingriiska. Waxan aad u xasuustaa in Hal-kudhaga siyaasadeed ee SSDF markaa ahaa: “London dal lagama xoraynayee, walaalayaal soo dhawaada madasha halganka”

SNM iyo USC-ba waxay si been-abuur iyo jaha-wareer ah aduun weynaha ugu shaaciyeen in iyagu sabab u ahaayeen dhicitaanka Taliskii Siyad Barre. Dunidu waa ka iibsatay dacaayaddaa la farsameeyeen iyadoo ka eegaysa dagaaladii dhacay billihii ugu dambeeyey ee Taliska, dibna aan u jaleecin kaalinta SSDF ay kasoo qaadatay abuuritaanka iyo kobcinta SNM iyo USC iyadoo awalba qorshaha iyo siyaasadda SSDF ahayd in dadweynaha Soomaaliyeed laga hor-keen Taliska Siyad Barre. Waa cadda ahay in siyaasaddaa SSDF ku guuleysatay nasiib darro wixii dabadeed dhacayba markuu meesha ka baxay Taliskii.

Waxa muuqata in ay badanyihiin oo kala duwanyihiin aragtida dadka Soomaaliyeed iyo kuwa xiiseya arrimaha Somalia ka qabaan Halganka SDF. Weli ma arag qof aan ka tirsanayn Taliskii Siyad Barre oo diidan in laga hor-yimaado ama la badelo Maamuulka. Sidoo kale waa yaryahay ama waa farakutiris dadka magaalo ku noolaa ee beesha Majjeerteen ka soo jeeda aan Taliskii Jan Mohamed Siyad Barre xabsi dhigin maxkamad la’aan inta u dhaxaysa billo iyo sanado farabadan. Dadweynuhu waxay xabsiga Taliska u galaan sida dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare. Dadkaas waxaa loo xirxiray si ujeeddo badan ah. Qaar waxa lagala wareegayey shaqooyinka ay u hayaan Qaranka, kuwo kale waa la baqdin gelinayey, kuwo waa cabsi siyaasadeed oo laga qabo, qaar dhaqaalaha ayaa la curyaaminayey, qaar nugulka iyo dhalaanka ayaa laga wiiqayey, kuwo ciidamada amniga ayaa laga fogeynayey.

Siyaasadda Siyad Barre ee ugu horeen ku wajahnayd Beesha Majeerteen, deedna markay ka dhidhin-waayeen tii ku dhacday Majeerteenka, mid mid u saamaysay Beelaha kale sida: “Duriyadda” Issaq iyo Hawiye, waxa ku saleysnayd in niyad jab iyo cabsi gelin lagu rido dadweynaha sidaan Xukunku ku abaado aragtidiisa. Iskadaa dadweynaha ku nool magaalooyinkee waxa dhib, bubur, dhac, boob hanti iyo kufsi gaarey xoolo dhaqatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwo degan Gobollada Dhexe ee dalka, heer uu gaaray Talisku ceelasha xoolo-dhaqatada sumeeyo barkadaha biyahana buurburiyo, falkaa oo faashistadii Talyaanigu iyo gumeysigii Ingriisku ku samayn Karin dadka Soomaaliyeed. Maamulayaasha talisku waxay xalaaleysteen hantita dadweynaha iyo xataa dumarka la qabo taas oo diin iyo dastuur bani-aadamba ka fog.

Nasiib darro waxa weli madasha siyaasadeed ee Somalia ka dhex-muuqda kuwo Siyad Barre iyo siyaasadda caynkaas ah la soo caana maalay isleh malaha waa la illaawey baalka madow oo ay ku leeyihiin taariikhda Somalia aygoo ku andacoonaya in wixii gadaalkood ka dhacay dalka ay daranyihiin waxay iyagu soo faleen. Maamulkii Siyad Barre marna kuma fakarin in dhawrista xaqqa, hantida, nabadgelyada iyo shaqada qof kasta ee Soomaaliyeed beel kasta haw-dhashee ay tahay waxyaabaha ugu horeeya ee wadanimo, markii taa lagu xad-gudbana arrintu noqonayso jaantaa rogan iyo xeer burcad ama qawleysato mudan illaahi hortii in laga hortago oo la afgambiyo. Qaarkood madax bayba ka noqdeen deegaamadii ay qabsadeen ururrada ku faanayey in ay iyagu rideen Dawladdii Siyad Barre taasu ku tusineysa in ayen ujeeddo fog u halgameen markoodii horeba ama ay ka weecdeen haday la haayeen qorshe ku wajahan danaha Soomaaliyeed.

Mar haddii dadka inta badani isku raacsanyihiin in loo baahnaa in wax la badelo Maamulka iyo hogaanka Dawladda Ciidan ee Somalia, waa in laga jawaabaa sidii loo helilahaa or hanaan lagu fuliyo. Waa la wada ogyahay in la waayey ama lagu guuldareeystay isbadel gudaha dalka ka dhaca mar haddaan talisku ahaba yaraatee ogalayn labo qof oo shekaysata bal xisbiyo mucaarad ah iskaba dhaafe, dadweynihii xabisyada laga buuxiyey maxkamad la’aan, xaafadihii magaalo walba loo samaystay guulwadayaal ilaalo ka haya, nin iyo murwadiiso kala shakiyeen,caadis siyaasadeed iyo amni darro shaqsi oo weli Somalia soo marin dalkii gabi ahaan lagu soo rogay, dastuur jiren iyo wax xeeriya adeegaha Dawladda.

Waxaa socday tan iyo intuu jirey talisku tala-soojeedin Siyad Barre uga imaaneysa odayaasha Beelaha, wax-garad iyo siyaasiin dalka laga yaqaan kuwaas oo qudhigoodu kasoo qalinjabiyey Labaatan Jirow, Laanta Buur iyo xabsiyo siyaasadeed oo kale.

Waxaa oo cadaadis siyaasadeed ah, cadaawad iyo dhaqan xumo iyo isir socca ah markay si aan hakat la hayn u dhacayeen ayaa ugu dambayntii dhaqnashada dadweynuhu gaartay heer kacdoon.  SSDF ayaa noqotay dhuunta keli ah oo ayey ka neefsato ummaddu xataa dadka aan taagersanayn ururka.

Dadkii qabay in kudaha dalka iyo maamulka dhexdiisa isbadel lagu samayn karay, waxay quus soo istaageen dhacdooyinkii siyasaasaded sanadihii 1985-1987 mudadaa oo dawladaha Reer Galbeedku cadaadis ku saareen in Taliska isbadel (Reform) lagu sameeyo. Cadaadiskaa dawladaha shisheeye waxa u guuxay kooxo muhiim ah ee ka tirsan jagooyin sar-sarena ka hayey Xukuumadda, Xisbiga Kacaanka iyo Xoogga dalka. Qaarkood waxay xigto ahaayeen Siyad Barre qudhiisa sida Dr. Mohamed Aden, Wasiirka Caafimaadka, Jan. Omar Haji Masale, Taliyihii Guud Xoogga Dalka. Qaarkood waxay ka tirsanayeen Golihii Sare ee Kacaan ilaa heer Madaxweyne Ku-xigeen sida Ismail Ali Ismail iyo Wasiirkii Arrimaha Debedda Somalia, Omar Arte Qalib iyo kuwo kale. Mas’uuliintaas dadaalkoodii ku saabsanaa isbadel kudaha dalka ka dhasha wuxuu ku dhamaaday xabsi siyaasadeed sida kuwii ka horeeyaba.

Waxaa kaloo taa ka sii daran waxay aayihii kooxdii “Manifesto” dabayaaqadii Taliska, oo qaarkoodba la laayey sida Muse Boqor.

Labaadaa dhacdooyin oo keli ah ayaa kuugu filaan karaa in aaden wakhti isaga dhubin arrinta ku saabsan isbadel taliska ee gudaha dalka laga samayn karay, taasoo iyana ka jawaabeysa su’aasha doodayaasha qaarqood qabaan in aan xoog la isugu dayin isbadelka ka dhaca gudaha. Isla dhacdooyinkaa garta siinay in SSDF ay ka dhisanto Dalka dibeddiisa, Ethiopia ahayd meesha keli ah oo ay dhagangeli kartay, adoon hilmaamin culayska taariikheed ee laba dal u dhexaysa.

Quus iyo rajo-beel ayaa dadkii ku habsaday. Waxa laga maarmi waayey isday afgambi milatari kaas oo lagu fashilay bishii Abriille 1978 Dalgaalkii Somalia-Ethiopia ee 1977-1978 ama loo yaqaan Dagaalka Ogaden. Rajo kasta oo laga qabay in Taliska isbel lagu guha dalka loo sameeyo halgaa ayey ku dhimaatay markii Siyad Barre amray in la tookto saraakishii uu ugu magic dheeraa Kornayl Cirro,isku dayday afgambiga intii yarayd oo dalka ka fikaday mooyaane. Wax mucaarad magac leh markaa waxa jirey SODAF oo ahayd aqoonyahano, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo kooban tiro ahaan, kana kala soo jeeda beelo Soomaaliyeed oo kala duwan. Waxan ka xusi karaa raggaa, Osman Nur Ali Qonof, Yusuf Harun, Dr. Hassan Ali Mire, Col. Gawido.

Saraakiisha ka badbaaday cadaawad iyo toogashada Siyad Barre ka dib isku dayga afgambiga dawladeed waxay ka talaabeen xuduudda Kenya isla ayaamahay ka soo laabteen Dalgaalkii Ogaden. Saraakiisha fakatay waxaa ugu caan sanaa Taliyihii Aaga Koofureed ee Dagaalka, Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed Yey, kaasoo noqondoona si isdaba jog ah Laaji Soomaaliyeed ee Kenya, Guddoomiyaha SSDF, Maxbuus Mengistu Haile-Mariam, Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Somalia iyo Madaxweynaha Jamhuuriyedda Somalia ee Dawladda Federaalka Ku-Meelkaarka (TFG).

Saraakiishaa isku daygii Afgambiga waxa aad u soo dhawenyey Jaaliyedda Soomaaliyeed ee Nairobi, waxana markiiba bilowday wada xaajeysi ku saabsan sida Taliska siyad Barre dalka looga badbaadin lahaa. Arab Moi, Madaxweynihii hore markaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Kenya ayaa isna siiyey saraakiisha magan-gelyo siyaasadeed. Jaaliyedda iyo saraakiishu waxay talo meel dhigeen in loo baahanyahay in la dhiso urur mucaarad hubaysan si deg deg ah lagama maarmaan ay tahay in helo saldhig dalka Somalia dibeddiisa ah.Waxa Kenya laga codsaday saldhigga noocan ah. Kenya waa diiday in ay u fidiso mucaaradka saldhig ka soo horjeeda Dawladda Somalia. Yemen ayaa lagu fakaray taasoo la iska dhaafay badda noo dhexays awgeed. Iyadoo arrimuhu halgaa taaganyihiin, ayaa saraakiishii Nairobi waxaa Addis Ababa kala soo xiray Madaxdii SODAF oo Maamulkii Mengistu Haile-Mariam oggalaansho ka soo helay in saraakiishu ku soo biirran SODAF oo iyadu ku guuldareysatay in hesho taageerada dadweynaha gudaha Somalia ama ciidanka Xoogga Dalka.

Halgaa waxay ku cad in ayen Ethiopia ahayn doorashadii koowaad ee SSDF ama qorshe horey loogu talagalay oo tagitaanka ururku uu noqday ka maarmi waa markii meel kale oo loo irkado la waayey.

Intaanan qoritaanka buuggan bilaabin, nin saaxib ah oo ka mid ah ragga igu dhaliyey in aan waxa ka qoro dhacdooyinkaan usoo joogay, ayaa igu yiri: “Aaditaanka SSDF ee Ethiopia waxa lagu tilmaamikaa karaa “libaax nin aan aqoon baa lax ka rita”. Waa dab cid diidaysana malaha taa ma jirto. Haseyeeshee waa maxay badiilku? Talo keen nidaankii ka taagnaa Somalia wax looga qabto. Nin yiri xoog baan Somalia qabsaday, xoog keli ah ayaana wax laygaga qaadi karaa, ma dacaayad radio la dhaho ama wargeys lagu qoro miyaa ridaya; yaase dhagaysanaya ama akhrinaya haddii umaddii ku noolayd dalka gudihiissa iyo dibeddiisuba wada cabursanyihiin oo qaarkood adeegayaasha iyo sirdoonka Siyad Barre ku laayeen Kenya iyo Djiboutiba, qaar kale oo waxba galabsanna dawladaha ay lagu diray, lagana masaafuriyey ka dib marka shaqooyinkii iyo deganaasha laga qaaday. Xagee bay ku dambeeyeen odayaashii faraha badnaa ee waanwaanta heshiish radiyey. Mala socotaan in Siyad Barre xataa beelaha Soomaaliyeed u magacaabay guurtidii sida uu u kala badelo wasiirradiisa, taas oo dhexda ka jabisey dhaqan ma guuraa ah. Falkaa Talisku wuxu dalka dhaxal siyey in Somalia xal loo waayo buurkii ka dib mar hadduu dhaawan aan kasoo kabasho layn gaaray Xeer Dhaqameedka Belaha Soomaaliyeed.

SSF, ADDIS ABABA, ETHIOPIA

1978-da Saraakiisha uu hogaaminayey Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed waxay durba ku guuleysteen in ay isu yeeraan Shirweyne ay ka soo qaybgaleen wufuud Soomaaliyeed oo ballaaran oo ka kala yimi dacalada aduunka oo dhan. Shirweynuhu SSF ayuu u badelay magacca SODAF, Guddoomiyeheedana waxa loo doortay Mustafe Haji Nur oo ka soo jeeda Beesha Issak ee Habr-Awal si looga si gaashaanto dacaayadda uu fidindoo Taliska Somalia in ururku yahay Beel Majeerteen maadaama Osman Nur Ali Qonof-ka uu haa nin ka jeeda Beesha. Shirweynuhu wuxu dhacay dhisme weyn oo la haanjirey nin reer boqor ahaa ee Ethiopia oo lagu magacaabijirey Ras Gasse, kana dhisan dusha buuraleyda waqooyi ee Addis Ababa. Halgaa waxa lagu doortay sadex Ku-xigeen Guddoomiye: Omar Sterling, Duqqii hore ee Mudisho waagii dawladahii rayid, Beesha Abgaal,

Shandiinle-Beesha Cayr iyo Kornayl Abdullahi Yusuf. Waxa kaloo la doortay Golaha Dhexe ee ururka waxana la gudbiyey ujeedooyinka iyo dastuurka ururka.

Mudo yar gudaheed ayaa ayaa waxaa ku dhismay cudud ciidan SSF markii sadexdii boqol oo wiil dayuurrad BOEING looga soo qaaday Nairobi si loo geeyo Saldhig cusub ee tababar ciidan ee Jensaney, Dire Dawa, Ethiopia, iyo boqollaal kale oo isu jira dhalinyaro, askar iyo saraakiil ka soo fikaday Somalia. Xawliga dhismaha ciidan ee Jabhaddu durba waa ka dheereeyey dhismaha iyo humarka siyaasadeed taas oo ugu dambayntii waxa u dhimidoonta guushii ay higsaneysa SSDF.

SABABA KEENAY DHAQSO U HANAQAADKA SSF

SSF (Jabhadda Badbaadinta Soomaaliyeed) durba si xawli ah ayey u kortay sababaha soo socda awgood:

  1. Saraakiil caan ah ee Ciidanka Xoogga Dalka oo hogaaminayey halganka hubaysan sida Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed, Gaawido, Kornail Ahmed Ilgiir, Dhame Abdirizak Omar Haji, Kornail Mohamed Abshir Weyrah, Dhame Abdullahi Ali Mire (Carays), Kornail Said Mohamud Indhayare ( Maaraktaayey) iyo qaar kale runtii magacyadooda aan halkaan lagu soo koobi karan kuwo allaystay iyo haatan kuwo weli noolba.

  2. Caburinta iyo cadaadiska Taliska Siyad Barre dadweynaha taageersan ururka oo gaaray heer ba’an oo dhawrsi iyo karaamo bani’aadamnimo belay.

  3. SSF oo durba asaaskeeda ka dib duulimaadyo hubaysan qaaday, hawlgalana ka fulisey degaanno ay fadhiyaan ciidamada Taliska Somalia sida Hawlgalka caanka ah ee loo yaqaan “Awrayaal” 1978 ee dhacay Mudugh, Bartamaha Somalia. Hawlgalkii Awrayaal waxuu soo jiitay dhalinyaro Gobollada ee Somalia oo faraban oo Xeryaha Tababarka Jabhadda soo buuxdhaafshay.

  4. Xoola dhaqatada Mudugh Sare degan oo naf iyo xoolaba u huray Ciidanka Jabhadda.

  5. Anshaxa iyo deqanka Ciidanka Jabhadda oo wanaagsanaa, kuwaas oo nabadgelijirey dadweynaha ku nool degaamada ay hawlgalaan ama ka fuliyaan hawlgalo ciidan. Ma dhicin weli xitaa gabar Soomaaliyeed oo la fara xumeeyey. Ciidanka Jabhaddu wuxuu taageerijirey oo xataa xoolaha u shubijirey Xoolo dhaqatada taasoo iyana soo jiidatay dadweynaha.

  

SAfarkii Dheeraa ee Wiilka Reer Miyaga

(Buug Cusub ee Waayaha Siyaasadda  Somalia)

Hadafka Buugga

Baallal yarahaan (buuggaan) in aan qoro waxaa igu dhaliyey saaxiibbo farabadan oo ku qanacsan in aan ka warhayo dhacdooyiinkii siyaasadeed ama halgan ee ugu dambeeyey oo gudaha iyo Dalka Soomaaliyeed dibeddiisa si isdaba joogga uga dhacayey.

Dacdooyinkaa siyaasadeed ee muhimka ah waxan qabaa in ujeedooyinka laga leeyahay ay gundhig u tahay in Somalia ay mar cagaheeda isku taagto. Madaxda horseedka ah hardamka siyaasadeed midna meesha uguma jirto in Somalia laga waayo khariiddada aduunka oo ay meesha ka baxdo. Aad bay dareensanyihiin burburka waxwalba ee Somalia lahayd oo dadkeedu, shacabkeedu, ka mid yahay. Waa ogyihiin xanuunka iyo haata wilifka loolanka siyaasaseed ee Somalia keenay.

Hadday arrintu saastahay oo aan la dareen la’ayn, xaggee dhibku ka jiraa, maxaase xal loogu waayey mussiiba Somalia ku habsatay?

Su’aasha kale oo isweediinta mudan waxay tahay, iyadoo la wada ogyahay culeyska taariikheed ee ka dhexeeya Somalia iy Ethiopia, maxaa in badan oo ka tirsan madaxdaa Soomaaliyeed ee siyaasadda ku hardamaya ay u tageen dalka Ethiopia ama ay la yeesheen iskaashi siyaasadeed iyo ciidanba? Maxay ka wada simanyihiin oo isku wada mid ka yihiin dhamaan madaxda iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya taa oo saamayn weyn ku leh arrimaha ka soo dhacay Somalia tan iyo intii Dalku hellay madaxbanaanin magac uyaalla? Hoggaamiye tiissa keli eh ka fakarayaa tu madax kale ma dhisi karaa? Siyaasi ku talagalay innu xilka ku waaro ma abuurri karaa jawi iyo hanaan keenna isbedel  iyo madax kale oo hal abuur, aragti dheer, ambaqaad waxqabad iyo tixraacba leh?

Dhanka dhaqanka Soomaaliyeed, dad ugaarsi ku dilaya nin doorkooda uguna soo toosaya subaxwalba reer hebel keebaa laga dilla, ma yeelan karaan aragti hurumar bulsho iyo hanaan dawladnimo? Ma xagsan karaan qaran ballaaran oo ku teedsan xeebta ugu dheer Africa? Dagaallo ku dhisan ganacsi, dhaqaale urursi, boob hanti booli ah iyo bililiqo ma la joojin karaa?

Ganacsade aamanta (tax) ama cashuur dawladdeed la fagakanaya iyo wadaad qori la rooraya ayaa iyana qayb libaax ka qaadanaya burburka Somalia oo gun iyo sal celiya lahayn. Ganacsato aan layn wax ka reeban oo la iibgeeyo kuna dhaarsan in ayen soo laaban qaab dawladnimo ayaa issugu dhiibaya dadka Soomaaliyeed hubka aad wax u gumaada iyagoo isla markaa ku quudinaya dadkooda calalis iyo daawo waa hore  dhacday ama warshadaha aduunku soo qashin qubeen. Xamar maanta iyo inta ku xiran waa meelaha keli ah ee Somalia oo dadku iyagoo wada dhalinyaro ah dhadku ka muuqdo wajikooda say u quudanayeen cunno iyo daawo waa hore dhacday oo walaallahood ganacsato si aan tiro-koob layn Dekedda Muqdisho uga soo dejisay.   Waxaaba iyana aan dabyar shideen wadaado siyaasad dhadhamiyey oo ismadax maray marka dunida dacaladeeda kadiifado cas loo dhigay iyo kuwo kale oo la mid ah oo iyana raba in ay kuwaa bedalaan; ku haysta xilalka kooban ee ku meel gaarka ah oo an samayn kula hayn sadex Kms wax ka durugsan ee Xamar, haddana guryaha kaga gabanaya xabadda iyadoo dhawaaqa iyo xawliga hoobiyaasha Ciidamada Midowga Afrika oo hawada dushooda maraya dhagaha ku dilaaccinayo . Sida muuqata, aragtida siyaasadeed ee wadaadu, marka laga eego dhanka hurumar bulsho, waxay ku saleysantahay war Aakhiru Saman baa lagu jiraaye, Dunida ha lugu celiyo siday ahayd waagii Nabi Adam (CSWS)-wadaado xirfadooda shaqo ayaan dhaafsanayn dugsi Qur’aan, taariikhda golayaashooda hab-maamuuska iyo soo dhaweyntana ayen ka ballaareen sijaayadka ay ku tukanjireen. Waxa la yaab leh dadka iyo dunida wax-qabad heer qaran ka sugeysa wadaado ku soo dhex koray guryo la bililiqaystay iyo booli qaran oo kuli la wada ogyahay.

Waxa iyana jira kuwo shisheeyee ah oo dibedda si ma dhaafta ah kasoo abaabula shirqoollo halis ah si dadka Somalia isku gumaadaan deedna baneeyaan dalkaa baaxadda iyo badda weyn leh. Ugu dambeen, su’aashu waxay tahay, xaggee bay ka imaaneysaa halista ugu weyn ee jiritaanka qaran Soomaaliyeed?

Marka dal burbur, wuxu dunida kale u abuurraa ama sameeyaa fursado hanti-ururris, dhaqaale-tacab iyo shaqooyin farabadan oo mushaar sare leh. Taa waxay si toos ah uga hor imaaneysa in dal burburray dib loo taago. Su’aasha taagan waxay tahay illaa heerkee ayey ku leeyihiin burburka iyo xal u waaga Somalia dawladdaha deriska ah, beesha Caalamka iyo shaqaalaha ururrada Caalamiga ah ee Somalia ku hawllan?

Waxa jira hab-raab ay leeyihiin shaqaalaha shisheeye ee hay’adaha caalamiga ah oo ku wajahan madaxda iyo qofkasta ee Soomaali ah oo faraysa: Markaad la kulantit qof Soomaali ah oo dulman ama arrin ku khusaysa ka careysan, dhageyso oo u dulqaado shan daqiiqo oo keli ah intu carro baxayo, deedna issagaaba iska tagaya, arrintana dabagal dambe aan ku sameeynayn, adiguna arrinta halkaa iskaga illow. Waxaa la yiri aasaagu maalin walba meed la aasu ayuu u baahanyahay, illeen haddii mussiiba Somalia haysata meesha ka baxdo waxaa dhumaya oo la waayayaa barwaaqada buburkii Somalia u keenay shaqaalaha beesha caalamka oo ay haatan ku naaloonayaan iyo bililiqada baahsan ee uu leeyahay qaran hanti badan bad iyo barriba oo burbur guud ku dhacay.

SAFARKII DHEERAA EE WIILKA REER MIYIGA wuxu falanqayn doonaa arrimo badan ee la xiriirra jawaabaha su’aallaha kor xusan iyo kuwo kaloo muhim ah, aadna xasaasi u ah, oo geesinimo dheeraad ah u baahan si buug u noqdo mid dhacal gal ah oo caadifad qabiil iyo mid shakhsiba ka fogaada. Sidaa awed, waxay noqoneysaa in loo dhabar adaygu canaan iyo maagba buugga muggisu soo jiidandoono. Gaar ahaan, buuggani wuxu baallal badan ama qoraal dheer siindoonaa taariikhdii iyo dhacdooyinkii siyaasadeed ee Somalia waayihii dambe sida:

  1. Baraarrugu ugu horeeyey ee siyaasadeed ee Qoraaga mudadii lixdamaadkii iyi taariikh nololeedkiisii.

  1. Taariikhdii Jabhadda Dimoqoraadiga ah ee Badbaada Somalia (SSDF), mucaaradkii siyaasadeed iyo ciidan ee abaabulaa ee ugu horeyey oo ka soo horjestay Dawladdii Saraakiishii Sareeyey Guud Mohamed Siyad Barre hogaamiye ka ahaa. SSDF waxay asaasantay ka dib Dagaalkii Ogaden 1978, Dhaqdaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) iyo Golaha Midowga Soomaaliyeed (USC) oo ahayd      koox ka go’day SSDF markii burbur siyaasadeed ku dhacay.

  1. Dadaaladii ku aadanaa middaynta uruurrada ka hor intaan la fulin afgambi xoog ah oo lagu sameeyo Dawladdii Siyaad Barre. Ujeedooyinka Mengistu Haile Mariam ka lahaa dhismaha ururro mucaaraad Soomaaliyeed. Weli may isbedeshay, laga soo bilaabo Menelik, danaha Ethiopia ka leedahay Somaalia? Intee bay gaarsiisantahay heer aragtiga iyo cabirka madaxda Soomaliyeed markay arrimuhu taaganyihiin danno qaran oo maguuraan ama joogta ah?

  1. Taariikhdii qurba joogga Qoraaga ka dib burburkii SSDF, 1989-1995

  1. Wada Hadalladii ama Shirarkii Soomaaliyeed ee Dib-u-Heshisiinta Qaran, 1993-2004

  1. Dadaalkii loo soo maray dhismaha Dawaladda Puntland ee Somalia-aasaskeeda oo ruunti salka ku haya: A) Ismari waagi siyaasadeed ee Shirarka Dib-U-Heshisiinta Soomaaliyeed markii ugu dambayn la baajiyey Shirkii Qaran ee Boosaaso 1997, isla sanadkaana kii Qaahira oo loogu tagalay in looga hortago ka Boosaaso lagu fashilay. B) Dadweynaha Puntland oo diidan in dib loogu laabto xukun dheexe oo awood badan oo wada marooqsan kara talada dalka. C) Ujeedooyinka laga lahaa sideedaba dhismaha Dawladda Puntland. D) Ujeedoonyinka Somaliland iyo Puntland oo ugu dambayntii isku mid ah balse leh soojin iyo hanaan kala duwan marka laga eego dib-u-dhis qaran Soomaaliyeed oo xoogan iyo dawlad dhexe oo si siman loo wadaago iyo ismaamul gobolleedyo awoodyo dawladnimo balaarran leh sida Djibouti oo dawlad gaar ah hase ahaatee marna ka maarmiweyday Somalia oo xataa burbursan.

  1. Dhismihii Dawladda Federaal Ku Meel Gaar ah ee Jamhuuriyedda Somalia ee Shirkii Dib-u-Heshisiinta Qaran ee Eldorate/Embakathi/Kenya, 2004.

  1. Xaaladda qurba joogta Soomaliyeed iyo doorkay kaga aadan dib-u-soo celinta iyo u dhiska Qaran Soomaaliyeed.

HORDHAC

Ma sahlana in si haboon loo helo meeshay ka bilaabato  taariikh nololeedka qof. Qof walba waxbuu soo ahaa, wax buu soo qabtay, wax bandanna waa u soo joogay. Markay suura gasho in wax laga qoro nolosha shaqsi iyo waxqabadka gaar ahaaneed, su’aal baa ka imaaneysa dhacdada ama marxaladda laga bilaabayo. Waxan dareemayaa in Soomaalida wax qortaa ay gaabsadaan qormada taariikh nololeedka. Sidaa darteed, waxu igu noqonayaa qoraalkaani qardajeex banka ood ah.

Haddaanse damco in ay tayda wax ka qoro, isla su’aashaa ayaa iga hor-imaaneysa. Malaha waxay ku fududahay in aan issa sheego kumaan ahay, qoyskaan ka soo jeedo, akhriyaashana isbaro, taa oo hordhac u noqondoonta soo jeedinta buugga soo socda.

Anoo ah ina Xaaji Warsame Axmed Gurey Jawjawl waxan ku dhashay miyiga Gobolka Sool, agagaarka Laascaano qiyaastii 1952 maadaama ayan jirin qoraal ama diwaan gelin ku saabsan dhalashadeyda. Dadka taarikh nolaleedkayga wax kala socda waxay yirahdaan Ismaaciil da’daadu intaa waa ka weyntahay. Cuqdo kama qabo haddaan da’da ii qoran illaahay mahadddii intaa ka weynahay. Waxa igu filan in aan dareemayo, una muuqdo oo aan weliba issu haystaa nin dhalinyara ah, da’dii wiilnimana dhaafay. Waxaan marwalba xusustaa nin wiil ku jiri: ‘’War deg deg u kor, saasaa kuu roon eh. Nolosha qofku waxay ugu macaantahay da’da u dhaxaysa 65 iyo 75 sano. Yeel keedde da’daa weli uma dhawi, reer magaalnimana iga ma aha.

Kuma garaadsan Gobolka Sool ee aan ku dhashay, sidaan warka ku hayana Magaaalada Laascaano waxay ahayd tulo ka wada biyo-dhaansada “Ceel Cali-Barre” Xaaji Cumar Siigacadde, oo alle haw-naxariistee ahaa abtigay dhanka hooyo, Racwi Xaaji Cumar, naxariistii eebe ha siiyee. Waxtarka iyo wax qabad guudba, wuxu ahaa abti Cali Barre hoggaamiye deegaan oo taarikh weyn oo lama illaawaan ah kaga tagay Laascaano, beelaha halkaa degan iyo kuwo dhaafsiinsanba. Sheekooyinka Abti Cali Barre waxa ka mid ah in koor barqa ah isoo Magaalada Laascaano dhex maraya u arkay saajinkii Saldhiga Booliska Soomaaliyeed oo makhaayad la fadhiya arday u soo gooyey xiisaddii dugsiga. Abti issagoo careysan ayuu kusoo leexday makhaayadda oo bakoorrad la dhacay saajinkii. Markii dadkii goobjoogga ahaa Abti ushiisii saajinkii ka joojiyeen, ayaa sargaalku inta gacmaha kor u taag taagay ayuu u luuday dhanka Saldhiggiisii issagoo sidii dulud geel ah takaradhabanaya. Arrintaa waxay keentay in ardadu ka waalato makhaayadaha beledka inta xiisadaha dugsigu socdaan.

Sida warku igu soo gaaray laabteydana ku beeran, waxan ahaa wiil aad qoysku iyo abtiyaashiishba jecelyihiin, hawba sii darraadeene Hooyo iyo Ayeeyo dhanka hooyo,  Dhoofa, oo ka soo jeeda deeganka Burco ee Gobolka Togdheer. Anoo si weyn u dareensan maah maahda Soomaliyeed ee oraneysa “Nin isfaanshay waa ri isnuuktay” hadana lama qarin karo sugaanta hooyo ku muujisay jacaylka ay u qabto wiilkeeda. Hooyo waxay amaanteeda ku tiri: “ Ismaaciil adiga mooye, adoogeen Xaaji mooyee, Ayeen Dhoofa mooye, uduufaa meesha joogta”. Sida qoyskayagu ka war hayo, waxaa habeen geeryooday odagii reer daris nala haa. Islaantii u dhaxday ninkaa odaga ah ayaa boyday oo la aamusin waayey, aabe isagoo islaantii u tacsiyeenaya, ayuu wuxu ku yiri Faadumoow kuli waa la wada dimanayaa ee maandhee iska aamus. Islaantii waxay ugu jawaabtay: “Xaajiyow, waxan kuu fiirsandoona sidaad noqoto marka islaantaada Racwi dhimato”. Deedna markii hooyo xijaabatay, aabe oo aad jeclaa hooyo ayaa runti diiday in la aaso meedkii hooyo illaa odayaashii daris ka ahaa iyo beelahu issugu tageen oo xaajigii ku khasbeen in meedka la aaso. Hase yeeshee aniga markaa labo jirsaday ayaa kafantii hooyo ku dhagay oo layga furfuriwaayey. Markaa dadka qaarkii baa soo jeediyey in meedka iyo wiilkeedaba la isla aaso.

Maadaama beesha Bahararsame/Reer Naaleeye ee Hooyaday ka soo jeedo ay aad u qadarin jireen una jaclaayeen Xaaji Warsame, waxaa durba xisgiisan loo siiyey Caasha Maxamuud Xaaji Cumar, oo haatan ku nool Magaalada Seattle Washington ilma abtina aanu nahay, hooyo labaadna ii noqotay. Waase xusuus mudan Sacdiya Xaaji Warsame, walaashay iga weyn oo wax badan ka soo qabadatay korritaankaygii, buugganna aan u hadaynayo. Illaahay naxariisti janno ha geeyo. Sacdiyo waxay ku allaysatay America dhawr sanno ka hor.

Ayeeyo Dhoofa oo iyadu ka soo jeeda Beesha Habar-Jeclo/Aadan Madoobe, oo sida la ii sheegay wakhti badan ku bixinjirtay in ay i hayso maalin walba, iyana waxay tirisay tixdaan: “ Ismaaciil oogadaadu udgoonnaa ogadaadu ma sinxinbaa lagu agloolay”.

Ayeeyo waxay xijaabatay anon weli garaadsan. Sida laga sheekeeyey, waxay ahayd qof hawl-kar ah, caqli badan, codkar ah oo geesi ah. Waxaa laga wariyey in Ayeeyo Dhoofa odayaal maqaawiir ah oo garku wada cas yahay xaajo markaa taagnayd issugu yeertay shahna ku casumtay. Ayeeyo markay shaahii odayaashii u keentay, iyada ayaa bilowday in shaaha shubato odayaasha hortooda. Markay labo fujaan oo kulul ah ka tuurtay, ayey ku tiri odayaashii oo yaab iyo argagax ku dhacay, “hoogay eh! iIlee rag baa ii fadhiyey”.

Aabe, Xaaji Warsame Axmed Gurey Jawjawle, eebe janada ha ka waraabiyee  wuxu leeyahay taarikh dheer oo ku saabsan dhinacyada diinta, siyaasada, halganka gobanimadoon, garsoorka, horumarka buslsho, deegaan iyo dawladnimo. Wuxu ahaa nin safray oo dabayaaqadii qarnii 18aad soo maray wadamo dunida carbeed ugu badantahay. Waxaa xusus badan maskaxdiisa ku reebtay noloshiisii dalka loo yaqaanney Xijaas (Sacuudi Carabia). Aabe sii qoto dheer ayuu halgaa diinta ugu bartay ka diib markuu isaga iyo walaalkii ka weynaa, Xuseen, ka qalin jabiyeen Mowlicii Culumadii ku xiraa Saldanadii Kenediid ee Magaaladda Hobyo ee Gobolka Mudug horay uga tirsanaa. Wuxu u dhoofay Xijaas issaga oo ku xirmay Shiikh Maxammed Saalax. Halgaa waxa ka dhalatay dariiqadda Saalixiyadda. Aabee deedna wuxu noqday Wakiilka Somalia ee Shiikha dariiqadda Saalixiyadda. Wuxu Xarun dariiqadda ka dhigtay Ceerigabo. Aabe wuxu horay uga tirsanaa Daraawiishta, waxayna aad issugu xiraayeen  Sayid Maxammed Cabdulle Xasan, Hogamiyihii Darawiishta Somalia, oo ahaa isna wadad Saalixi ah. Middaa awgeed, Xarunta Ceerigaabo dhexdeeda Aabe waxa loogu yeerijirey Sayiid Warsame Axmed Gurey ka dib dhimashadii ina Cabdulle Xasan.

Sayid Warsame ama Xaaji Warsame waxaa Xaruntiisa Cerigaabo diinta iyo af-Carabiga ka baranjirey boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed. Waxay kaloo Xaruntu ahayd barta ay Xajka uga dhoofaan xujeyda Soomaaliyeed. Xarunta Sayidku waxay bixin jirtay waraaqqaha aqoonsiga ee Soomaalida Xajka u socda iyo kuwa loogu qorayo Madaxda Xijaas ee Dariiqadda Saalixiyadda. Waraaquhu waxay ka dalbanjireen Shiikh Saalax in Soomaalida xajineysa la soo dhaweeyo intay dalkaa ay ku suganyihiin. Xujeyda Soomaliyeed waxay Shiikh Maxammed Saalax u geenjireen hadyado xoolo nool u badan iyo noocyo kala duwan ee hilbo guryaha si haboon loogu soo farsameeyey si ayen safarka ugu xumaan ama, sida la yiraahdo, u qurmin. Xiriirkaa diimeed iyo diblomaasiyayeed ee uu horseedka ka ahaa Sayid Warsame wuxu noqday mid xujeyda Soomaaliyeed wax weyn u tara billowgii qarnigii 19aad.

Si lama fillaan ah iyo maalin maalmaha ka mid ah, waxa soo gaartay Sayid Warsame casuumad ka timid Shiikh Maxammed Saalah in uu yimaado Magaalada Medina ee dalka Xijaas. Sayid Warsame oo hoggaaminaya wafti ka tegay Xaruunta Ceerigabo ayaa yimi Medina. Sida Aabe ii xaqiijiyey intuu noolaa, Shiikh Maxammed Salaax wuxu helay war Soomaali u geysay oo sheegaya in Sayid Warsame ka madax banaanyahay Shiikha iyo hadyadihii Shiikha Medina loogu keenijirey oo Sayidka Xuruntiisu afka u dhigatay. Labaddii Shiikh sidaa ayey isku afdhaafeen. Hadal kulul ka dib, Sayid Warsame ayaa Shiikhii u gacan qaaday o il iyo birteed dhirbaaxo ku dhuftay. Taa waxay keentay in Shiikha taageerayaashiisu gacanta ku dhiigaan Sayid Warsame. Shiikhu si deg deg ah ayuu isugu yeeray La Taliyaashiisii, waxana la go’aansaday in Sayid Warsame seef qoorta looga gooyo maadaama Shiikha Dariiqada uu fara saray. Rag ka tirsanaa waftiga Xarunta Ceerigabo iyo kuwo kaloo odayaal muxtarim ah oo Medina degannaa ayaa ka codsaday Shiikha in mudo yar iyaga lagu soo weerijiyo Sayid Warsame. Nasiib wanaag Shiikhu waa ogalaaday. Ragaa waxay ku guuleysteen in Sayid Warsame si qarsoodi ah doon ugu soo dhoofiyaan tan iyo Berbera. Sidaa ayuu Sayid Warsame dilkii uga badbaaday. Hase yeeshee, waxaa la qorsheeyey in Xaruntii Cerigabo wadaado kale la wareegaan oo uusan dib ugu laaban Warsame iyo in hantidii Sayidka oo lala wareeggo . Markaan kaftanno odayaasha Sanaag oo waagaa beeshoodu xoog u degannayd Ceerigabo, ayaan ka codsadaa in ay noo soo celiyaan hantidii Aabahay.

Aabe wuxu ahaa Darwiish aqoonyahan ah. Wuxu ka mid ahaa la taliyaashii diinta iyo afka Carabiga ee Xaruunta Daraawiishta. Gaar ahaan wuxu qaabilsanaa qoraallada xiriirka dibedda ee Sayid Maxammed Cabdulle Xasan. In badan oo qoraalladaa waxa loo dirijirey madaxda Turkiga. Sida Aabe ii sheegay isweydaarsiga qoraalladu waxay badanaaba ku saabsanayeen halganka Sayidka ee la dagaalanka joogitaanka iyo gumeysiga Ingiriisku ku haysto dalka Somalia. Hub iyo difaac ayaa ugu badnaa waxyaabihii lagala hadlijirey Turkiga. Maalin maalmaha ka mid ah oo ay tahay barqadii ayaa Sayidku isugu yeeray aqoonyahannadii Xaruunta si dib-u-eegis logu sameeyo qoraal dibedda u socda. Marka la galay falanqayntii iyo faaqidaadii qoraalkaa badanaaba waa la isku raacay habka, dhadhanka, asluubta iyo ereyada qoraalka, hase yeeshee si lama fillaan ayaa Aabe u soo jeediyey Golaha aqoonyahannada oo Sayidku hor fadhiyo in dib loogu laabto qoraalka, ereyo dhawr ahna laga soo saxo iyo in dhismaha qoraalka wax laga soo badelo. Aqoonyahannadii goobjoogga ahaa ayaa fajacay oo u baqay aayaha Aabe iyo tilaabada uu Sayidku ka qaadidoono Aabe mar haddu ka horyimi ansixinta qoraalka muhimmadaa leh. Sayidku inta in yar ku dhaygagay Aabe ayuu yiri: “ Talada Warsame ayeynu qaadaneynaa”. Fadhigii Sayidku iyo aqoonyahannaduna halkaa ayuu ku xirmay maalintaa.

Sheekada kale oo xiisahaleh ee Sayidka iyo Aabe dhex martay waxay dhacday markii Faadumo Islaan Aadan la siinayey Sayid Maxammed Cabdulle Xasan. Aabe oo markaa ahaa Shiikh aad u dhalinyar, goobjoogna ahaa fadhiga lagu bixinayo innanta, ayaa Sayidka ku yiri “ Sayid, xarragada inna Islaan laga bixinayo bar anaa leh” Odayaashii fadhiga iyo Sayidkuba inta yaabeen ayey isfiirsheen. Sayidka ayaa fiiriyey Aabe  oo su’aaley “ Oo sidee ayaad bar u leedahay?” Aabe wuxu ku jawaabay: “Sayid, Reer Mahad, walaalkay Xuseen iyo aniga mooyee inta kale weli waa gaalo”. Odayaashii Fadhiga iyo Sayidkuba isla mar ayey wada qosleen- qosol dheer oo isdaba jooga ah. Bartaa ayaa Aabe iy Sayid Maxammed Cabdulle Xasan isku barteen, deedna Aabe u noqday Darwiish aqoonyahan ah.

Waxaa la yiraahdaa war la ogyahay xiiso maleh. Yeelkeede, fadhigaa waxa Sayidku xarrago u bixiyey faraskiisii caanka ahaa ee Xiin Faniin kuna tiriyey gabaygii “ Waa Xiin Faniin neefgan aad xariga haysaa eh ….. mar haddii Suldaan igu xilleh iga xayn daabay, xarigiisa qabo aadmi kale kuma xushmeeyeen eh. Malaha dad badani ma ogga sababta odayaasha beeshu, iyagoo ka wakiil ah Islaan Aadan, ka codsadeen Sayidka in xarragada Faadumo Islaan laga bixinayo ka bilaabato Xiin Faniin. Xiin waa faras ay dhashay geenyadii horadka waalayd ee Faniin. Faniin horay ayaa Daraawiishtu uga dhacday beesha. Si looga wada buskoodo xusuustaa dagaal iyo xiniftii hore, ayaa Islaanku ka codsaday Sayidka Xiin. Haweennadii Faadumana waxaa guursaday nin kale ka dib markuu Sayidku xijaabtay 1921 wax yar ka dib marka Sayidku tixdii: Iga Gawrac Geenyada Ragbaan Go’inne Nooleenne eh. Faadumo waa haweenta laga wariyey: “ Lugteerey ninba mar ku qaad” iyadoo malah saluugeysa ninkeeda cusub malalah markay isbarbar dhigtay ninkii iyada horay u qabay.

Sheekooyinka kale ee Xaaji Warsame lagu xasuusto waxaa ka mid ah markii uu ku noola Xiyaas, waxa loo sheegay innan Soomaaliyeed ee reer Waqooyi ah oo Carabkii qabay xumeeyey.  Aabe ninkii innanta qabay ayuu qaaliga ku dacweeyey isagoo qareen u ah innanta. Doodii qareennimada Aabe ku yiri qaaliga: “Ninkaan  nasab ma aha, innanta ma gayo. Innantii Soomaaliyeed bartaa ayaa looga furay ninkii Carbeed . Sheekooyinka Aabe intii u Xijaas joogay waxa iyana ka mid ah Masjid la yiraahdo Jabarti ee Medina ku yaala oo Carabtu damacday in ay magaca ka badalaan. Aabe oo careysan ayaa Masjidkii tegay. Salaadii Duhurnimo markii la tugaday, ayuu yiri isagoo codka kor u qaadaya: “ Dadka tukadayow yaan masjidka laga bixin!” Aabe, inta seef u sitay galka kala baxay ayuu yiri “ Ninkii isku daya in uu badalo magaca masjidkaan Jabarti, seeftaa ayaan qurka uga jarayaa ka hor intaanan dhiman”. Sidaa ayuu magacii Masjidka Jabarti ee Magaalada Medina ku hirgalay. Isla waakaa, Aabe nin Carab ah oo ay isyaqaaniin ayuu ka codsaday in uu cidiyaha oo ku dheeraaday ka jarro. Carabkii oo xanaaqsan ayaa diiday in uu taa yeelo. Aabe wuxu su’aalay Carabkii “ Oo maxaa u diideysaa waa layga jarijirey eh? Ninkii carbeed inta qoslay ayuu yiri “ waa yahay eh keen maqaska”.

Xaaji Warsame Axmad Gurey Jawjawle wuxu Soomaaliya ku leeyahay sheekooyin badan oo kale sida kuwii ka dhex dhacay isaga iyo Xaaji Aaden Guuleed, Shiikh Maxammad Xuseen, Guddoomiyihii Xisbigii SDU ama Great Somalia iyo Shiikh Xirsi Islaan ee Magaalada Jeriiban.

Mudadii anigu aan la noolaa reer kayaga migi agaarka Jeriban, Aabena yahay Qaaliga Dawladda ee tuulada ayaa Salaadda Jamcaha in la tukado iyo in aan la tukan waxaa isku qabtay Aabe iyo Shiikh Hirsi Islaan oo isla beesha ka wada tirsan. Aabe in Salaadda Jamcaha la tukado, Hirsina waa diidanyahay. Mar haddii ayen jirin culimo ka sareyssa labada shiikh oo wax kala oran karta, odayaal beelaha ayaa isxilqaamay oo gartoodii galay. Xaaji Warsame wuxu odayaashii ku yiri: “ Odayaallo waad ogtihiin aniyo walaalkay Hirsi in aanaan diin isku hayn-ee waxaanu isku haynnaa mar haddaan labo wadaad nahay, xoolaha Reer Adan Mahad ladeenaba inaga badan”

Mid arrintaa oo kale ah ayaa Magaalada Galkacayo ka dhacday afartanmeeyadii markuu Xaaji Warsame, maadaama uu si hasto in uu ka mid yahay culumada diinta ugu badiya, wuxu damcay in uu khudbadda Salaadda Jamcaha soo jeediyo. Xaaji Aadan Guuleed oo ka tirsan Beesha Wabeeneeye Masjidkana Maamule ka ah ayaa damaca Xaaji Warsame ka dhaga-adayga. Markii Salaadda Jamcaha laga gaaray ayaa Xaaji Warsame inta so kacay oo dadka Masjidka fadhiya hor yimi ayuu yiri: “ Masjidkaan manta lagu tukan maayee inaga saara” Dadkii ayaa yaabay oo mooday Xaaji in uu ku duftay. Xaajigu wuxu yiri: “ Waxwalba waa iga xaaraan oo xilaahi furan inaan nin Maxamuud Saleemaan ah manta Masjidkaan ku tukaneyn”. Waxay noqotay in Masjidkii Xaaji Aadan Guuleed laga dareero, dibeddana Xaaji Warsame dadkii ku tujiyo. Arrintaa Xaaji Aadan xaal baa laga siiyey dhawr berri ka dib.

Wax yar haddaan ka iraahdo Awoowe Axmed Gurey, waxay isqabteen aabihii bartamihii qarnigii 18aad. Axmed Gurey oo labo iyo toban sano aan weli gaarin ayuu aabihiis oo taagan waran xiiraa ah ku soo kilkilay oo labada bowdo isu mariyey. Aahii intuu oranlaa war maaxaa igu dishay, wuxu yiri: “ Gacanta Alle kaama gooyo, soo cadowna saa uma gasheen”. Markuu odagu buskooday ayuu wiilkii wuxu yiri: “War reerka inagu kala wad kuma heshiineyne.” Axmed Gurey oo markaa labo iyo toban jirsaday ayaa reerkii ka tagay. Waxaa u xiran amley lagu magacaabo Xaales wuxuna sitaa warankii xiiraaga ahaa. Isagoo habeen dayax leh gudaya, ayaa wadada waxa fariistay libaax dadqaad ah. Axmed Gurey inta geed wadada dhinacceeda gabaad ka dhigtay ayuu tixdaan libaaxa hortiisa ka tiriyey: “ Aniga oo Xaales sitiyo waranka Xiiraa ah  Axmed Gurey xirgeer buu ku cunay xaal an jirin weeye”. Axmed iyo libaaxii say habeenkii oo dhan issu hor fadhiyeen ayey subaxdii dambe kala jaqaafeen.

Aniga waxa illa dhashay rag iyo dumar door ah- lix will iyo lix gabdhood oo wada hanaqaad ah. Ragga walaalahay mid walba halgan gaar ahaanneed ayuu soo maray; maantana illaahay mahaddii waxa isugu jiraan Prof, Sharciyahanno, Dhaqaalayahanno, Injineerro.

Haddii aan tayda bilaabo, inta iyo intaan 7 yirsaday waxan la noola reerkayaga miyiga oo u kala guurjirey inta u dhaxaysa dhoodida Mudug, Ciid iyo dhooxada Nugaal oo Laascaano ka mid tahay. Ka dib Hooyo dhimashadeedii, wax xusuus weyn leh oo dhacay majirto oo an ka ahayn Dayrta ku magacdheer “ Yaxoobdheere” Dayrtaa abaaraha ku aadanayd 1960-61, waxay igu heshay anoo Geel la jooga agagaarka Ceelka Godad ee qiyaastii ujira 70 Kms dhanka bari  ee Magaalada Galkacay. Dayrtu waxay keentay rob da’ayey in ka badan todobaad oo aan la hayn kala qaad. Geel jiruhu malaha wuxu roobka kaga gabado oo aan ka hayn labadiisa go’ iyi geed yaraha la iska xijiyo dhibcaha xoogan. Dhibka ugu weyn ee roobku keennaa waxay gaajo. Aniyo nin kale oo la yiraahodo Maxamuud Cumar, markaana nin weynah oo haatan weli miyi ku nool ayaa geella la wada joogay. Geel lama maalo haddu roob da’ayo. Waxanu qatanayn oo afkayaga qabnay mudo aan ka yareen todobaad. Sida reer miyigi ka war hayo hasha irmaanni waxa ku dhaca caano guur haddaan mudo dheer la lisin…. Aakhiru tahan roobkii markuu qaaday, geellii caano maleh. Aniyo iyo Maxamuud waxanu ku tashanay in aan isqaybino oo ninna geella la joogo, midna u safro Ceelka Godad qiyaastina noo jira 40 Kms dhanka koonfureed oo u shaxaad tago gadisleyda degan. Maxamuud waxu soo jeediyey in aan anigu safro maadaama aan ahaa wiil yar oo banii Adamku u naxariisanyo, gadisleyduna sooryeydoonto. Aroor hore ayaan soo kalahay, maalintii oo dhan ayaan soo luudayey. Anoon waxba naf ah ku noolayn, ayaan fiidkii soo gaarey Godad. Mid ka mida ah daasas dhawr ah oo halkaa ka dhisnaa ayaan deerkiisa inta ku dhacay ku suuxay. Waxan baraarugay anooo nafka  dhawr ah. Waan qayliyey ama aadaamay sida qof nafto ka sii dhacayso. Meeshu kudcur maararuugle ah. Waxan aalaa meel qoyan oo xataa aan lahayn kash kaash. Qayladaydii ayaa waxa ku soo baxay nin karbuuno ama toosh ifinaya oo mooday in waraabe ila tagayo. Markuu arkay in aan liito, ayuu isoo qaaday oo gudaha daaska darin goglan i dhigay. Isagoo an weli tooshkii damin, ayuu galas caano ah inta shubay igu tahbiibiyey. Dhawr goor ayaan caanihii aan cabay soo celiyey. Waagu markuu baryey, niinkii daaska lahaa wuxu isiyey timir iyo shah. Markaa ayuu i haybsay, waana  u gartay reerkaan ka soo jeedo. Dhuhurkii markii la garay aniga iyo rag kale oo iyana safar ku yimi waxanu cunay bariis caano lagu iidaamay. Naftii waa igu soo laabatay welisa waa diifaysanahay. Habaynkii dambe ilib baaban wax ka cunay.

Habaynkii intaan daaska la seexxan ayaan waxan ka codsaday Cali Ibrahim, daaslaha,  i amaahiyo or deeq ii siiyo rodol or labo timir ah oo saaxiibkay geella aan kaga soo tegay u geeyo. Cali wuxuu iigu jawaabay: “ War adaan waxba haysane, nin kale xagee jooga?” Hadalku waa cadyahay in aan meesha waxba ii oolayn. Waxan ku seexday in aan subaxdii kalaho oo geellii iyo saaxibkay ku laabto. Nasiib wanaag saaxiibkay Maxamud Cumar oo ladan ayaan gaaray goor gabal gab ah. Maxamuud illeen geellaa u caaneyey roobkii ka dib markuu dib u daaqay. Markaan isnabdaadinay, su’aashii ugu horeysay Maxamuud waxay ahayd: “War timir ma keentay?” Inta ku isku yaxyaxay, ayaan iri: “ Maxammud waabad ii jeedaa in aan fara marnahay eh, geellii ma caano geenay?” Maxamuud, si carro aad u muuqataha ku dheehantahay ayuu iigu jawaabay: “haa”.

Magaalo jog waxa iguu horaysay tuulada beyra oo aad ugu dhaw Gaalkayo dhanka waqooyi. Taasu waxay u dhacday markaan soo arooriney Beyra geel reerro dudo isku jira oo tiro gaaraya illaa afar boqol neef. Maadaama aan yarahay da’deyduna aysen weli gaarin 8 jir, hawshaydu waxay ugu kala baxdaa in aan geella horo ama ceelka dhuro. Ceelasha Beyra ma biyo-badna. Geella intaa tiro leegna wuxu u baahanyahay labo wadaamood oo darandooriya. Markaan soo gaaray ceelasha oo dhanka koonfur bari kaga aadan tuula Beyra, waxa durba la iisoo tuuray dowliga afkiisa san ceelka salkiisa iisugu daruurro. Ceellashu waxay gaarkood leeyihiin biir ama neef ka soo butaacaysa oo dadku inta ceelka dhexdiisa ku suuxaan ay deg deg ku dhintaan. Ninka ceelka soo dhurayaa marka hore waa tijaabo. Ninka dooliga ayaa dhexda ugu xiran marka ceelka loo tirayo, isna markuu ceelka salkiissa gaaro, waa inugu sugaa oo uusan iska furin dooliga inta uu ka hubsanayo xaaladda gundhiga ceelka sida biirta, isha biyo-dhureenka, nadaafadda salka iyo qaymaynta dhumucda biyaha.  Raggii ceelka ii diray, dawliga dacalkiissa oo keli ah ayey ii dhiibeen, ceelkana waa ugu darduureen. Ceelku sidaa uma dheera marka la isbarbardhigo kuwo aan waadambe ku arkay Wardheer iyo Walwaal ee Doollo. Intii cabaar ah, qiyaastii labo illaa sadex daqiiqo waxan ku jirey mugdi ama gudcur ceelka dhexdiisa illeen dhulka oogadiisa oo iftiin ah ayaan ka soo deegaye. Waa inaadan kor fiirin iyo duleelka sare ee ceelka si ayey indhahaagu u qaayibaan aragtida ceelka. Isma dhaqdhaqaajin luguhuna biyaha ceelka oo saa an u badnayn ayey iigu jiraan.  Wixii iigu horeysay ee ishaydu qaabato wuxu ahaa mas ama abeeso ceelka iska dhexdabaalaneysa oo markaa inta argagaxday darbiga ceelka ku tiirsan. Naxdin awgeed afkii baa ikala tegay. Durba wadaantii ugu horeysay ayey nimankii geella shubayey ii soo tureen. Intayan biyaha ku dhexdhicin oo maska igu carshaasheen ayan wadaantii hawada ka qabsaday, anoo gaatamaya. Raga kor joogaa waxay iga fillayaan ceel-dhur deg deg ah Ellen geel baa u horan eh. Durba wadaan kale ayaa soo dhacday, saan iyana dhexdaan ka qabsaday. Wadaantii hore ayaa kor loo hinjiyey iyadoo abar ah ama maran. Mise tii kalana waa la mid. Raggii kor joogay shaki baa galay. Ibraahim oo ka mid ahaa afarta nin oo geella shubaya ayaa inta ceelka gawgiisa ku soo foorarsaday, ayuu ku qayliyeey: “War maxaa kugu dhacay?, war maxaa kugu dhacay?” Si cadaan ah uma maqlayo dhaqaaqa, waase garanayaa in uu yahay codkii Ibraahim. Aniguna waa ka daba-qayliyey: “War mas baa ceelka ku jira!”, war mas baa ceelka ku jira! Wadaamihii haddii la gilgillay ayaan gartay in macnaheedu yahay ka soo bax ceelka, wadaamahana soo qabso. Labadii wadaamood inta mid walba lug ku ritay anoo aayar iska illaalinaya maska, ayaan qabsaday labada dooliba. Raggii sida wadaamaha ayey ii shubeen. Dibedda markay i keeneen, ayaan u sheegay maska ceelka ku jira iyo ceelku in uusan biyo badan lahayn. Durba shaqo kale ayaa la idiray; geella in aan horo, anoo soo bedelaya wiil kale oo iga weynaa. Wiilkii ceel kale ayaa durba lagu tuuray.

Ayadoon sheeko dheer la isku dhaalin, galabtii marka geella la caraabiyey, in cabaar ahna sii soconay oo anu nahay aniga iyo wiilkii kale, raggii kale ay weli ku dambeeyaan ceelasha, ayaan inta wiilkii kale ka dhuuntay ayaan geed hoosti dhabacday. Qorshahaygu waa inaan tuulada Beyra dib ugu laabto sidaan geella uga haro. Qiyaasti nusaac adaan geedka hoostiissa ku nabnaa ayaan malaha gam’ay waxan baraarugay iyadoo gudcur ah. Inta salalay ayaa shaki igalay meesha aan ku suganahay. Waan istaagay. Waxaa ii muuqday if iyo nalal badan oo dhica koonfur iga xiga. Waxan xusuustay in ifku ka muuqdo magaalada. Xagaa ayaan ku dhaqaajiyey anoo cabsi ka qaba waraabaha ama dhurwaaga oo sideedaba ku badan meesha iyo dooxada Mudugba. Ceellashii manta ayaan sii dhexmaray. Waxan gaaray magaalada qiyaastii labo saac iyo bar fiidkii. Makhaayad furan ayaan ku soo leexday. Anigoo yaxyaxsan aadna u xishoonaya, ayaan ninkii maqalka joogay u imi ayaan weydiyey: “Adeerrow, guriga Xasan Faarax Khalaf meeyey?” Ninkii, inta i fiiriyey oo arkay in aan ah wiil reer miyi, ayuu I weydiiyey: “ War yaa, xaggee ka timi”? “ Ciid iyo geellayagii, adeer”, ayaan iri. “Fariiso kursigaa, anaa gugu daraya wiil ku geeya guriga eh” ayuu yiri maqaljoogihi. War yaa, Axmeddow, kaxee wiilkaan oo gee guriga ninka Illaalka ah ee la yiraahdo Xasan Faarax”. Axmed waa i waday anagoo u lugaynay gurigaa oo an aadba u fogayn kana dhisan dhanka galbeed ee tuulada Beyra, anigase ii ah markaa magaalo weyn. “Guriga aad dooneysay waa kaa” ayuu yiri Axmed, inta farta ku fiqay. Inta albaabka deer ka guriga i keenay ayuu yiri “ Nabadey”. Albabka hortiissa istagay anoo aan garanayn wax aan sameeyo. Anoo meesha iska taagan agagaarguna mugdiba yahay qiyaastii sadexdii fiidnimo, ayaa dariiqa waxa soo maray ninka karbuuno sitaha. Inta igu ifiyey tooshka ayuu yiri, “war maxaad ka sameyneysaa meesha? Adeerow, guriga reer Xasan baan rabaa” ayaan ugu jawaabay. O waabad taagantahay albaabkiisee maad gargaraacdid? Ayuu I weydiiyey. Ninkii inta soo leexday oo ii yimi, ayuu isaga laftiisu gargaraacay albabka. Wiil aniga iga sii yar ayaa iga furiyey albaabka, oo yiri “ war yaa maxaad rabtaa adiga”. “Walaashay Sacdiya ayaan u socdaa” Inta qoslay ayuu yiri, “soo gal”. Markiiba Sacdiyaan indhahaygu  ku dhaceen. Sacdiya inta soo oraday ayey isku keyduubtay oo igu dul oyday. Dhurba firaash iyo meel aan seexdo ayey ii diyaarisey, qaydadkii aan qabay iga bedeshay, ii qubaysay oo cunno markaa karsan oo bariis iyo hilib ah aadna u macaan i siisay. Wiilkii albaabka iga furayna waa isbaranay in lagu la yiraahdo Maxamed xasan, seedigay Xasan Faraax, oo gurigiisa imina walaallo yihiin.

Waxan ku noolaa magaalada Beyra mudo bil ah intaan reerkii miyi soo guurin oo soo ag-degin agaarka Beyra, markaana khasab noqotay in aan reerkii iyo geellaba dib ugu laabto.

Hadaan dib u jaleeco waayo aragtinimadii aan ka dhaxlay Beyra, waxa ii soo baxaysa in ahayd Tuulo aad xiriir ula leh beelaha dhaqda lo’da, caano-teelkuna ka yimaado lo’leyda degan agagaarka. Waa magaalo biyo yar, waagaana fuusto uga dhaansata ceel riig saaranyahay. Magaaladu waxay lahayd saldhig illaalo amni oo uu ka taaganyah siin dheer oo ah,  afka manta,  siinka isgaarsiinta, dugsi hoose, dukaanno iyo makhaayado dhawr ah oo laga helo caano lo’ u badan, hilib, bariis, baasto iyo shah aan kala joogis lahayn. Aba yaraatee makhaayadahaas ma layan bunka ama khudrada. Ciyaal aniga i leeg leeg  ama yaraha iga waaweyn oo dhar iyaga u gaar ah qaba oo dugsiga u socda ayaan maalin walba arkaa. Aad baan u kuunyirey ardadaa, waxana ku fakerijirey in aan maalin maalma ka mid ah ka mid noqdo ardadaa. Beyra waxay ahayd magaaladii igu horaysay ee ugu dhalisay darenka waxbarasho iyo damaca magaalo-joog ama reer magaalnimo. Saamaynta ay ugu reebtay joogitaankaygii koobnaa ee Beyra waxay u gogol-xaaridoontaa safar-kaygii dheeraa oo anoo keli ah u soo lugeeyey Jeriiban-Galkacayo anoo markaa toban jirsaday.

Sheekada Beyra waxay dhacday deertii Yaxoob-dheer ka hor markaan gaajo iyo qabow in aan u dhinto ku sigtay. Reer kayagu wuxu uguu guuray Jeriiban Yaxoob-dheer ka dib.

JERIIBAN

Aabe, Xaaj Warsame Axmed Gurey, wuxu mudo dheer ka soo qaygalay halganii SYL ee ka soo horjeeday gumeysigii Talyaaniga, gaar ahaan olalihii wacyi gelinta dadweynaha ee Gobollada Mudug iyo Nugaal. Waxaa jirtay mar maamulka Talyaanigu mudo dhawr billood ah ku xireen magaalada Qardho ee Gobolka haatan loo yaqaan Karkaar ee Maamulkii Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland u bixisay heer Gobolna gaarsisey. Waa yadii SYL qayb ka tirsani go’day oo la baxday magaca SDU ama Great Somalia. Kala jabkaa wuxu culees weyn ku keenay Dawladda uu hoggaamineyso Xisbiga SYL. Dawladdihii Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Cabdirisaak Xaaji Xuseen waxay ka shaqeeyeen qorshayaal ay ku wiiqayaan SDU, si ay meesha uga baxdo halista ay u keenneyso midnimada iyo xoogga siyaasadeed ee SYL. Dawladdii Cabdirisaaq gaar ahaan waxay guuleyssatay in ay iska horkeento madaxdii SDU oo xataa gacan qaad ka dhex dhaco. Waxaa SDU intaa ugu darsamay iska hor imaad ku saabsan mabda’a siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo waxa looyaqaan idaloojiyada xisbiga oo madax ugu saraysa, Xaaji Maxammed Xuseen, Guddomiyaha xisbiga, iyo Yuusuf Samatar (Barde Cad), Xoghayaha Guud, ay dhanka bidixda xoog ugu janjeereen. Maadaama Xaaji Warsame ka mid ahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga si xoog ahna uga horjeedo mabda’a hanti-wadaagga iyo shuuciyeddaba ayaa issaga iyo koox uu hoggaaminayey si kulul uga horyimaadeen madaxdii sare ee xisbiga. Taa waxay keentay in SDU kala jabto oo sidaa u awood siyaasadeed yaraato.

Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo markaan wada mashaariic in Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diintu maxkamaddo ka dhisto degmooyinka ayaa Xaaji Warsame u soo jeedidisay in uu Qaali u noqdo Jeeriban oo markaa xataa aan ahayn Degmo. Shaqadaa Aabe la siyey waxay ahayd nooc Xamar looga maafurineyey oo siyaasad SYL iyo SDU lug kule. Aabe issagoo caruurtiisa u eexanaya ayuu qaatay shaqada.

Aabe shaqadii ayuu ka bilaabay Jeriiban, sanad ka dibna wuxu soo amray in reerkayaga miyi u soo guurro Jeriiban. Waxareerku ka hayaamay agagaarka Tuulada Bacaadweyn ee Gaalkacayo u jirta afartan Kms dhanka waqooyi.  Maxamuud Cumar oo ahaa ninkii anagoo geella la wada joogna roobkii Yayaxoob-dheer na helay, ayaa reerka haya oo hoggaaminaya hayaanka Jeeriiban. Labo todobaad ayuu qaatay hayaankani. Waxa reerku deggey meel magaalada u jirta hal Km dhanka qorax-u-dhac. Dhulku waa barwaaqo biyo badan Dayrtii Yaxoob-dheer ka dib. Maxammud Cumar dhawr berry ka dib waxu ku laabtay reerkiisii ku haray meeshii anu ka soo hayaanay. Aabe oo ah Qaaliga beledka habeen dhaaf ayuu noola soo seexanjirey sababta oo ah in Aabe innan kale ku guursaday beledka intaan reer soo deggin Jeriiban. Hoyaday labaad, Aasha Xaaji Maxamuud, ayaa yaraha masayrsan. Wax yar ka dib Aabe iyo innatii Xaliimo waa la kala tegay markay yaraha innantu reer magaaleysay ama dhalinyareysay. Aabe geellii wuxu u dhiibay qoys kale oo u ku kalsoonyahay in ay xanaaneynayaan. Tiro iyo bar arri ah ayaa reerku haystaa. Mar haddu deggaanku nabad iyo barwaaqo yahay, dhaqashada arrigu ma dhib badna ciidan saasana uma baahna. Waxanu deggennahay dhul bacaad iy carrosanba ah oo haddad ciidda seexatit aan carro iyo midabba kaasoo raacayn. Waxa issu kaayo raacay cirr cadar leh, dhul carrasan ah, caano iyo barwaaqqo. Yeel keede, anigu maxasilooni oo waxaa igu jira hiyi kac iyo hami. Waxan habayn walba ku seexdaa subaxdiina ku soo toosaa sidii aan meesha uga dhoofilahaa. Walaallaha markaa jooga reerka anaa ugu weyn. Abdullaahi, Jaamac Yacquub iyo Sahra waa joogaan.  Cali markaa ka dib ayuu dhashay. Walaalka noogu weyn Isaxaaq, wuxu macalim dugsi hoose ka yahay Xamar, taa oo ka mid ah waxyaabaha qorshaha iigu jira ee la xiriirra laab-lakaca, hamiga iyo mala-awaalka i sita.

Magaalada Jeriiban waxay ka koobantahay sadex keesood la kala yiraahdo: Ceel Gaws, Ceel Xamur iyo Shadeedley. Ceel Gaws waa midka magaalo weynta Jeriiban iyo xooluhu ka cabaan. Ceel Gaws biyihiissa aad ka dhadhamineyso sonkor macaan iyo xareednimo awgeed. Markaan ku laabtay Jeriiban sodon sanno kadib, biyaha Ceel Gaws sidii bay weli u macaanyihiin. Ceel Shadeedley, oo hal km u jira Ceel Gaws, issna waa biya badanyahay waana xooluhu badanaaba ka cabaan.  Shadeedley waa goobtii dhagaalka kharaar ku dhexe maray Daraawiishta iyo beesha halkaa deggen, Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, ka tiriyey gabaygii: “Shafka Nimey Xabaddi  kaga  Dhacday iyo Shirixa Mooyan, Wallee Meel Shadeedley ka Kulul Lagama Sheegeeyo”. Ceellasha Shadeedley oo biyuhu qarka u istaagaan ayaan anigu dabaasha ku bartay saan ugu dhuubanjirey qorax-dhacca marka ceelku cidla noqdo ama xilliga dooga oo aan loo baahnayn. Waxan weli xasuustaa galab aasku intuusan madoobaan anoo ku dabaalanaya ceel ayaa waxa iigu timi innan iyana malaha dooneysa in ay ceel ku qubeysato. Ceel gawgiissa ayey issa soo taagtay iyadoo xishooneysa. “Naa soo gal biyaha, ma wiilkeygaan yar baad ka xishooneysaa?”, ayaan ku iri gabartii. Inta dhinacyada eegtay, oo kabaha is bixisay bay dalaq ceelkii soo tiri iyadoo dharkeydii oo dhan qabta. Cabaar haddaan wada dabaalaney, ayey I weydiisay: War yaa mataqaan ragga iyo dumarku waxay sameeyaan markay keli yihiin?” Waxan ku jawaabay: “ maya”  “Ma ku baraa”?    “ Ahaa” ayaan isweydaarsanay. Innantii inta dharkii muluq iska siisay ayey igu soo duushay. Gacanta bidixda ah ayey ugu qabsatay midda midigna ceelka darbigiissa ayey ku haysataa waana iskukay camcamineysaa.Mudo hal saac oo habeen markaa noqotay ayaan wada dabaalaneynay innantii iyo marar kale oo aan issu soo laabanay. Arrintaa waxay ahayd waayo aragnimadii ugu horeysay ee na dhex martay aniyo qof dumar ah. Ima soo marin fursa dambe oo nooccaan ah illaa aan tegay Dalkii la oranjirey Midowga Soovieti ka dib markaan dugsiga sare a Banadir 1971.  Ceel Xamur waxaa ceellasha u weheliya laasas dix xaar xaar ah oo markaad in yar faag faagtit biyuhu soo duulayan. Waxa ceellasha agtooda ka dhisan daarro darbiyo dhumuc weyn leh oo kor ka burbursan. Waxa la iga sheekeeye taariikhda daarahaa. Daaraha waxa la haa oo ka dhisay meesha daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Daarahaa waxaa burburiyey qunbuladaha diyaaradaha Ingriiska. Ceel Xamur , waa bar-tilmaamedka labaad ka dib Taleex oo dawladda Ingriisku diyaarado ku garaacday. Waxan si fiican u xusustaa in inta la raray rati dhaan ah oo labo haamood la saray inta hoggaankii la iidhiibay la yiri, “war yaa orod soo dhaami ratiga”. Waxa la fillayey in ceelka la joogo oo ay gacan cidu i siineyso. Ceelkii waa cidla markaan dhanka keenay. Talaa igu dhalatay halkaa. Inta ratigii arumiyey oo qarqarsiinno u xiray oo aan dixda xaar xaartay ayaan haamihii ku dhaanshay biyo aan ka duray laaska iyagoo weli ratiga saaran. Haantu ma wada buuxsami karto hadday awrka saarantahay illeen wey janjeerta eh. Yeelkeede waa nigaa ku guuleystay dhaankii, gudbayna tijaabo weyn oo an aqoonsi rageed ku helay.

Waxaa Jeriiban noogu yimi oo nasoo booqatay walaashay Faadumo oo markaa ah qof weyn kana mid ah labo gabdhood oo Aabe ugu dhashay dalkii Xijaas ee haatan ah Sacuudi Carabia iyo caruurteedii oo dad waaweyn ah, labo wiil iyo labo gabdhood oo Xayaad ugu weyntahay. Waagaa waxan u bogay dharka reer magaalka ah oo ay labisnaayeen. Dhaqankooda iyo labiskuba waa isii himagiciyeen sidaan meesha uga dhoofilahaa.

Jeriiban waa tuulo aan lahayn wax dhaafsan dugsi Qur’aan. Saldhig Boolis Somalia oo siin dheer leh ayaa ka dhisan iyo tiro aan badnayn oo askar ah iyo maxkamadda Aabe. Dukaamo iibiya dharka, cunno kooban oo ah bariis, baasto, sonkor, caleenta shaaha iyo timir oo keli ah ayaa magaaladu u badnayd marka laga reebo guryaha la deggenyahay. Hal masjid oo Shiikh Hirsi Islaan reertiisu maamusho ayaa ka jirey. Magaaladu nal malahayn waxana shidanjirtay “Batermax” iyo faynuuso. Odayaasha magaalada waxa ka mid ahaa Jaamac Biixi iyo Diiriye Cali Sanbuur. Jaamac Biixi wuxu ahaa dukaanle reer kayagu biilka ka qaato. Anigu waxa rabo ayaan dukaanka ka qaadanjirey. Diiriye Cali Sanbuur wuxu ahaa markaa nin da’a oo hantile weyn ahaan jirey. Sidaan warka ku helay Diiriye Cali Sanbuur wuxu waagii hore marsada Gara’ad keenijirey doomo buuxa. Carab baa u shaqaynjirtay. Waxa la yiri maalin doomahaa la dajinayey ayaa Carbeed su’aaley dadkii: “War doontaan yaa leh?” Waxa lugu jawaabay: “Diriiye Cali Sanbuur”. OO taa kalena?” “Diiriye Cali Sanbuur”. “OO taa socotana?” “ Diiriye Cali Sanbuur”. Carabkii inta yaabay ayuu wuxu yiri: “Nacala tulaahi, kuli dunyaa li Diiriye Cali Sanbuur!”  Magaaladu ma lahayn Raadiyaasha la dhageysto marka laga reebo kan Aabe oo galab walba Aabe deerkiissa dadka reer magaalka ah BBC Laanta Af-Somali ka dhageysanjiren. Aabe wuxu kaloo dhageysanjirey idaacadaha Carabiga oo ay ugu horayso tan Qaahira barnaamijka Codka Carabta ama “Sawtul Carab” oo uu mar mar ka hadlijirey Jamaal Cabdulnaaser, oo waagaa aan fahmay in uu yahay Madax ah oo dadka Soomaalidu xushmeeyaan.

Aabe maadaama uu yahay nin idaacadaha xoog u dhageysta, siyaasi iyo dhulmar yahay, ayaa dadbadani guriga iyo xafiiskaba ugu imaanjiren iyaga oo wardoon ah. Hadba inta reerka miyiga ka soo tago ayaan Aabe  magaalada ugu imaanjirey oo dhawr maalmood la joogijirey. Kharashka xaqal jeebka shaaha Aabe iisiiyo ayaan kaydsadaa. Ugu dambeen lacagtaan haysto waxa gaartay labo shilin oo dhan. Waagaa kumi ama tobanka senti waxay goyn jirtay afar koob ee shaah ah.

Waxan goostay in aanan tacabiro oo ka haajiro JERIIBAN. Waxan ahay toban jir issu haysta waayo arag birta calashaday oo weliba haatan reer magaal ah.

Waxaan wadada sii hayaba makhribkii bay gaadhay iyadoo weli dhulku cidla yahay. Habeen bay noqotay dayax cusub baa jira oo sadexda fiidkii aan I gaarsiin Karin. Haraad xun baa ihaya, gaajose imahayso oo qariidkii badarku waa i anfacay. Sideedii iyo bar markay ahayd ayaa wadadii buur yar soo taftay. Dhalada buurta markaan marayo ayaa alley lehee dab ii muuqday.Habeenkii muuqaalka dadka ha dhaweyssan illeen meel fog ayuu ka bidhaamaaye. Markaan is iri dabku wadada waa la simanyahay ayaan bayray oo iftiinka baxaya higsaday. Dayaxa oo sii dhacaya ayaan gaaray reerkii iftiinku ka soo baxay. Cid aan arko waxa iigu horeysay islaantii guriga la hay doo markaa haamo aslaneysa. “Asalaamu Caleykum”, ayaan iri inta soo dul istagay. Qofkii dumar inta humaaksatay ayey tiri “alla xaggee ilmaha hadda socdaa ka yimi?” “Eedo biyo issii, haraad baan u baxtinayaaye”. Iyadoo weli humaaksikeedii ku jirta ayey tiri “indha’adagaa cunugu, war miyaa soo habowday?” “ Eedo, maya, safar baan ahay” “Naa Nasra, cunugaan biyo u keen”. Nasra waxay ii keentay Galaas biyo ah oo aan ka qawaday kuna fillayn. Inta haddiiba laystay, ayaan iri, “Nasra, walaal iigu soo celi weli waa liitaaye”. Islaantii baa na soo dhex gashay oo tiri, “war reerku biyo ma haysto, intaa ayaan kuu heligarnaa” Haddii in yar la kala aamusnaa, ayaa Nasra tiri “ hooyo galas kale aan ugu daro?” O ma ayan soo sugin jawaabta hooyadeeda, galaas kii hore ka weyn biyo iigu keentay. “War yaa ma reerkiinna meelaha ka dhaw?” ayaa islaantii I weydiisay. “Maya, eedo, Jeriiban baan ka imi” “Alla cunugu beyn badanaa”. “Oo xaggee u socotaa?” Eedo, Gaalkacayo” Ma adiga? Haa. Subxaana laah! Ayey tiri inta fajacday.  Markaa tobankii fiidnimo ayey ku dhawaatay in la seexdana wey noqotay anigoo aad u daalan. Ardaagii reerka oo aan wax gogal ah layn ayaan ku dhacay. Reerku iskuma taxalujin in uu i sooro ama xataa gogal i siiyo. Malaha raggiibaa maqnaa. Aniga wehelka iyo biyaha ayaa iigu darraa. Yeelkeede reerku waa iga seexday, fursad aan arrintaa gogal u dhigtana mahelin. Waxaa ii soo baxday reer miyugu, siiba dumarku, ma tixgeliyaan kama xishoodaan carruurta qalaad. Waana sababta ugu weyn ee reerku iiga seexday habeenkaa.

Reerku intuusan toos toosin ayaan aroor hore ka jarmaaday oo wadadeydii galbeed u socotay qabsay. Waxaan markaa ninayada ku hayaa Tuula Bali Busle. Duhurkii ayaan ku soo leexday reer wadada dhinaceeda deggen. Gaajo iyo oonba waa ildaranahay. Labo nin oo geed guracca hooskiisa fadhiya ayaan salaamay. Iyagoo malaha u maleynaya in aan ka imi reeraha agagaar deggen, ayey iweydiiyeen: “War ina ayaad tahay?” Ina Xaaji Warsame”, ayaan ugu jawaabay. Inta isdhugteen, ayaa mid yiri, “Xaaji warsame, Xaaji Warsame. o Jilib kee aha?” Markaan taa usheegay, ayuu I weydiiyey: “Oo xaggee ka timid?’ “Jeriiban, Adeer” ayaan ugu jawaabay. “ma dhicikarto”?  Kii kale ayaa yiri: “ taasu waa rag ka rooni eh?” “Adeerayaalow, asqo ayaan laliitaaye biyo isiiya” Mid baa inta istaagay ayuu u qayliyey islaan guriga joogta. “Faadumow willkaan biyo la cindiiday u keen”.  “Wax kale kaama goyn karaan diifta iyo asqada kaa muuqata”. “War yaa xaggee haatan ku soo socotaa?” “Gaalkacayo iyo Muqdisha, Adeer” Inta qoslay, ayyu i weydiiyey, oo ma wada lugeyneysaa?.Soo ma oggid in baabuur loo raaco?” “Gaari maleh, Adeer”. “Haddaad Jeriiban ku sugilahayd waa hele lahayd”, ayuu yiri” Waa sugiwaayey, Adeer”, ayaan u raacshay.Biyiha cindiidka ah markaan idlaystay, ayaan inta istaagay, ayaan ku iri raggii: “nabadey!” Wadada ayaan qabsadey anoo asqadii iga baxday tamarrina isoo gashay. Waxaan wadada hayaba anoo gaajo iyo oon la luudaya ayaa waxa iimuuqatay tuulo waabab badanni ka dhisanyihiin. Tuuladaa ayaan higsaday iyadoo markaa niyadu ii qabowday. Waa koor casar liiq ah oo ku haboon in anaan dago. Waxad moodaa in gaajadii i haysay inta iga baday shah i qabtay anoon weli gaarin tuulada. Aniga markaa tuulo kasta oo ay tahay markaa macno iiguma fadhido markaa laga reebo cabirka Bali Busle oo markaa gaaro noqoneysa guul aan sadcaalka ka gaaray. Alleelehe waa issasoo taagay tuulada. Durba dareenkaygu wuxu isiiyey in ay tahay Bali Busle. Aad ayaan u faraxsanahay. Tuuladu waxay leedahay barxad weyn oo wadada aan hayey dhexmarto. Tuulo ka dhisan dhul ciid gaduud oo dharka midabkiisa badeleesa. Dhurba madaxxayga waxa ku soo dhacay xusuus ciidii macaaneyd iyo bacaadkii Jeriiban. Barxadda dhexdeeda dad ba maraya, arri iyo ido wanan u badan kala iibsanaya. Waa tuulo aad moodid in ay ka dhaqdhaqaaq badatahay Jeriiban, dadkuse ka reer miyisanyahay. Magaaladu waa wada waabab ama daasas qiiq hortooda ka wada baxayo oo dhari iyo kirli dabka wada saaranyihiin. Dhariyada iyo kirliyada waxad moodaa in ay ka sii madowyihiin kuwii aan horay u arkijirey. Taa macnaheedu waa kariska badan iyo dabka ay sida joogtada ah u saaranyihiin.Shaki kuma jiro in xoolo raacatadu tahay maacaamiisha ugu badan ee daasaska, waxayna isiisay kalsooni in aan si sahlan uga midnoqon karo macaamiisha habeen dhax daasaska ku joogga. Waxan fiirsaday in daas ama cariish camiran oo ay jooggaan dad badan oo dhex dhuuman karo. Alleylehe mid baan ku leexday oo inta deerkiisa fariistay ayaan fujaan oo ranji ama bigeys ah dalbaday. Durba waa la iisoo dhigay oo shaahlihii yiri “war yaa, labadii fujaan waa kumi. “ Waa iigu soo celindoontaa walaal”. Labao shaah ah markaan ka tuuray oo yeraha nasday, biyona anaan weli cabin haraadse iga ba’ay, ayaan ku iri wiikii shaaha ii keenay “ War hilib iy nus bariis ah ii keen”.  Markaan is bixiyey kharashkii, weli waxan haystaa lacag ka badan Shillin iyo bar. Durba fiid bay noqotay. Waa inaan ka fakaraa meeshii caawa ku hoyanlahaa. Daalkii ayaa igu soo baxay waana goor hore oo an la seexan karin, meel la seexdana la aan weli la weydiisan karin. Waxan goostay bal inaan beledka yaraha soo dhexmaro oo soo indha indheeyo. Magaaladu waa mugdi. Dukaan ama daas walba waxa u shidan faynuuso waa weyn, qaarkoodna “batremax” aad u ifaya. Dawr dukaan ayaan eeg eegay. Dhar qurux iyo kabo reer miyi oo badan baa yaaley. Waxad moodaa in indhahaygu ku raaxeysana nayaan  badeecada taala daasaska suuqa. Waxaan dukaan eeg eegaba labada fiidkii markaay gaartay ayaan ku soo laabtay cariishkii weynaa ee aan caawa wax ka cunay. Dhawr qof ayaa markaa sii seexnaya waana goor ku haboon in aan ana istuurro. Darmo loogu tagalagalay in martidu  ku seexato ama cabaar isku kala bixiso markay daalanyahiin. Anigoo aan cidna weydiisan oo iska dhigaya in meesha la yaqaan or ama waaridkiis la socda ayaan biliq meesha isku siiyey. Waxan baraarugay markaa waagu dilaacay. Mise wiilkii waa horey ayuu shaaha diyaariyey.  Labo cadeysa oo isdaba jooga inta dalbaday ayaan durba ka tuuray.  Waxan bilaabay in labo-talamo: Ma joogtaa mise waa nasataa manta? Waxan goostay in aannan baaqan ee socdo. Ishaydu waxay qabatay gaari noocca Nissan oo barxadda taagan. Lala ma joogo gaariga, dadka beledkuna weli waaba hurdaa. Wakhti ayaa igu socda oo masugi karo dad gaariga watay oon aan la oggeyn koorta ayey soo toosayaan. Waxaa igu dhashay fakarka ah haddii gaarigu u socdo Gaalkacayo, wadada ayuu kaaga daba imaan, deedna ku joojin si uu kuu sii qaado. Igama daba immaan gaarigii, arrintaa oo aan isku mahadiyey in aanan Bali Busle ugu baaqan saaka. Bartilmaameedkayga kale waa Ceel Barde oo ah bilowga dhoodida ama dooxada Mudug. Waxan ku oggaa Ceel Barde, waagii aan carada taganayn, gadisley mar mar ku ganacsada Ceelka. Waxan rajeynayaa in ayan haatan cidla ahayn. Qorshahaygu waa in aan cawa Ceel Barde ku dhaxo.  Wadadu hareeraheeda xoolo badan baa daaqaya taasuna wehel ayey ii tahay. Dhexda waxan ku leexday reer oo aan biyo ka sii cabay. Waxaan wadada hayaba casarkii ayaan alleelehe ka soo dhuldacay Ceel Barde. Waa ceel aan horey u aqqanay, dhoodi ku yaal, dhawr geed oo barde ah leh, agagaarkana xoolo daaqeen balaarran kule oo wakhtiga jiilaalka ah xaab badanleh markay nan carradu ugbaadtahay oo xilliga doogga la deggen. Dhaan aan saa u badnayn ayaa markaa la rarayaa. Ceelashaan soo dhexmaray anoo usoo gudbaya Daasaska halkaa iiga muuqda. Koox raggaa shaah ku cabaya mid ka mid ah sadexda daas oo halgaa ka dhisan. Inta soo garab fariistay raggaa ayaan fujaan shaaha oo bigeys ah dalbaday. Waxba la dareemin aniga oo sheekooyin kale ayaa la wadataa, malahana waxa loo haystaa in aan waaridkay oo dhaan wada la sucdo. Mid cadeys ah ayaan ku xigsaday. Durba haraadkii iyo gaajadii I haysey waa iga ba’een. Wax yar haatan haddan nastay, ayaa daaslehii yiri: “hilibkii waa diyaar, raggow” Durba dhawr nin ayaa yiri: “War soo dhig hilibka”.  Daasle markiiba wuxu raga soo hordhigay xeero weyn oo hilbo kulul oo qiiq ka baxayo. “War nin walbow waslada aad rabtit kala bax”, ayuu raggii ku yiri. Inta nin ragga la siman iska dhigay ayaan garab soo qabsaday. Inta ku gubtay hilibka ayaan xeeradi dib ugu tuuray. Waa lagu wada qusquslay. Inta isku yaxyaxay ayaan haddana ragganimo iska baar baaray oo garabkii markale soo dafay oo inta kor tuuray haddana dhexda ka qabsaday. “War yaa maxaad ugu ciyaareysa cunada?’ Ayuu daasle i weydiiyey. “Adeer, waa ku gubtay”. “O maa sugtit inta u kuu qaboobaayo?” “ Adeer hadda waa cunayaa”. “O yaa kaa bixinaya lacagta aad qabtit”?  “ Adeer anaa iska bixinaya”. Kharashkii igu baxay oo dhani maa gaarin Shilling barkii. Inta kacay ayaan yaraha duur tagay anoo fiirinaya agagaarka in wax iska badelleen labo sano ka dib oo ka soo wareegatay markii ugu dambeysay Ceel Barde. Waxan arkay in geeduhu intii tiro ahaan ka yaryihiin ciiduna ka tayo liidato. Waxan ku soo laabtay daaskii oo rag kale ku soo biireen. Meel baan iska fariistay anoo markaa isu haystaa nin daaska la yaqaan oo lacag leh. Markaa waa gabal dhac la kala caraabayo. Sheekooyinka qubanaha ah ee  ragga meesha fadhiya aan iska dhageystay. Sheekooyinku waxay ka kala hadlayaan geel, dumar, qaan, gabay, maah maaho, gar, xaal, dagaal iyo wixii la mid ah. Raggii in yar baa ku soo hadhay daaska. Waa la kala caraabay. “War ma aabahaa baad meesha ku sugeysaa, adigu?” ‘Maya, Adeer, waa keligey”. Inta yaabay, ayuu I weydiiyey, “ oo xagey ka timi?’ “Jeriiban, adeer” Inta i fiiriyey, ayuu i weydiiyey, “oo ma soo lugeysay?” “Haa, Adeer”, ayaan ugu jawaabay. “Oo ma reerkiiniiba meelaha deggen oo aad ku socotaa”. “Maya, Adeer. Waxan u socdaa Gaalkacayo iyo Xamar” Inta i fiiriyey, ayuu iska aamusey. Markaa waa fiidkii faynuusna waa noo daarantahay. Yeelkeede weli dayaxii ma dhicin. Daaslihii wuxu fidiyey darin balaarran oo ugu talagalay martida habeen dhaxa ugu barida daaska. Aargalaan caanno geel iyo nus bariis ah ayaan dalbaday. Kharashkii markaan iska bixiyey, ayaan darinta dhinacceeda biliq ugu dhacay. Waaga oo aan weli dilaacin ayaan ayaan toosay. Weli waa mudugdi awax sharqan ah maleh. Waan duurtagay anoo qurwaa ama libaax ka baqaya. Xaajadaydii markaan soo dhameystay ayaan ku laabtay daaska iyadoo weli la hurhurdo.Anoo daaska hortiisa jooga ayaan labotalamay: Ma hadda ayaad dhaqaaqda oo wadada qabsataa mise waagaad sugtaa? Waxan goostay in aan waabariga sugo si anan waraabi halis ugu galin iyadoo wadadu mugdi tahay. Kaaha waaga ayaan dhaqaaqay anoo markaa diiraddu ii saarantahay ceelka Godod ee horay inoogu jirtay sheekada dayrtii Yaxoob-Dheer. Wadadu waxay dhex-jibaaxaysaa dhoodida Mudug, dhul dibir ah oo socodka ku haboon. Waxba sheeko dheer yaannan ku daalin eh, waxan gaaray Godod Duhur ka dib. Waa ceel aan si fiican u aqaan. Geedo gurac ah oo waa weyn ayaa ku yaal aadna ugu haboon dad iyo duunyaba in ay qorahda kulul ama milicda ka harsato. Waabab door ah ah iyo daarro dhagax ah ayaa ceelku leeyahay. Mid baan ku soo leexday aan shaah casmali ah ka dalbaday mid caddeysna ku xijiyey. Rag dhawr ah ayaa meesha farfadhiya. Cabaar haddii la joogay, ayaan qado Baasta hilib leh dalbaday. Markii la arkay saan issu dabirayo, ayaa nin raga ka mid ah i weydiiyey, “War ina ayo ayaad tahay?” “Ina Xaaji Warsame” ayaan ugu jawaabay. “ Oo aya ah?” “Waan u sheegay. “Ma markii kuugu horeysaybaa ceelkaannu?” Inta qoslay ayaan bilaabay sheekadii ugu horeysay noloshayda oo aan rag u soo jeediyey oo aan warbixin k soo jeediyo wixii igu dhacay Dayrtii Yaxoob-Dheer iyo waayo aragnimadaydii Ceelka Godod. Ninkii su’aasha i weydiiyey wuxu yiri: “ war wiilyahaw inan da’diissa ka weyn baa tahay”. Casar dheer ayaan wadadaydii dib u qabsay. Magaalada Gaalkacay ayaan markaa niyadda ku haya. Waxan qiyaasayaa in aan cawa hoyankaro. Carrada waxan ku oggaa in ay leedahay libaax iyo waraabe dad qaadda oo yaraanteydii maqlijerey. Waxan go’aansaday in aan qoraxdo iigu dhicin wadada iyo meel cidla. Makhrib baa la gaaray ayadoon Gaalkacayo weli ii muuqan. Meesha an markaa marayaa waa banka bari ee Gaalkacayo. Waa la deggenyahay Banka. Fiid bay noqotay, Gaalkacayana meel fog ayey ka ifeysaa. Oon baa i haya. Reer wadada dhiniciisa yaala ayaan isri biyo weydiiso oo ku soo leexday. Islaan guriga dayrgiisa fadhida oo dab babineysa ayaan salaamay. Say waa iga qaadiweyday salaanti. “Eedo waa oomanahaye, biyo issii” ayaan iri. Say inta xaggeyga u soo humaagsatay, ayey tiri, “ aryaa, aryaa, ilmuhu indha adakaa, biyo ma haaye”. Islaantu malaha waxay u qaadatay in wiilka wakhtigaa gudaya uu martigelin ka rabo iyana ayen ku talagalin. Waa habraac reer miyiga in ayey issu wajixumeeyaan martida ayan rabin. Waan fahmay sansaanka Islaanta. “Eedo marti ma ihiye, magaalada ayaan u socda”. Islaantii inta kacday bay aargalaan biya ah ii keentay. Inta kacay, biyaha markaan dhameystay, ayaan ku iri, “nabadey, eedo”. Waa inaan Gaalkacayo gaaraa intaan dadku seexan. Ifka beledku intaa waa soo kordhayaa, waana soo abdanayaa. Alleylehe, waa isasoo tagay Gaalkacayo, anoo dhinac markaan arritan eegana faraxsan, dhinacca kalena walwalsan. Waaa faraxsananah oo imaashada Gaalkacayo waa guul weyn oo an gaaray dhibkii badnaa ee safarka ka dib. Waa walwalsanahay oo meel aan caawa ku hoyandoonno ma weli sugana. Markii iigu horeysay noloshayda aan ayaan ka walwalay deggaan qof ahaanneed iyo dhib uu la kulmi karo qof reer magaal ah oo an hoy amah anti kula ahayn magaalo. Nasiib wanaag waxan ku maqlay in walaashay aan jeclaa, Sacdiya Xaaji Warsame, deggentahay beledka, hase ahaatee, waa habeen, magaalada weligay ma iman, ciid aan ku hormaro I aan u weydiiyo xaafada laga helo Sacdiya ma garanayo. Waxan u haystaa in magaalo ka bilaabato bartanka oo halgaa laga cabir qaato. Waxaa kaloo madaxxayga ku jirta in suuqa weyn a beledku ku yaal bartamaha magaalada. Gaalkacayo waxay markaa ila tahay magaalo weyn oo lagu habaabayo. Sadexdii iyo bar bay kooraysatadu gaartay. Meel walba waa iftiin oo nalka ayaa bililik leh. Iftiinka nalalka gaar ka mid ah waaba ku indha sarcaadeysaa. Waa magaalo daarro badan, dukaamada and makhaayaduhuna weli furanyihiin. Meel aan isleeyahay waa bartanka beledka ayaan ku arkay makhaayed camiran. Waa ku soo leexday makhaayda oo kursi banaan ee kuwa debedda yaal ah  iska fariistay. Dhawr wiil iyo nin maqalka fadhiya ayaa makhaqaayadda ka shaqaynaya. Sideydii baan dalbaday fujaan shaaha oo aan la cadeyn. Mar hadday habeen tahay wakhtiguna ciriiri yahay, ayaan inta kursiga ka soo kacay, shaaha oo ii yaal miiska, ayaan u imi niinkii maqalka fadhiyey. Inta salaamay ninka baan weydiyey: “Adeerow, guriga Xasan Faarax meeshuu yahay ma ii sheegi kartaa?”  Niinka makhaayaddu inta I fiirshay oo arkay dhiifta wajigeyga ka muuqata, ayuu ii weydiiyey, “war xaggee baad ka timi?” “Jeriiban, adeer” “Oo ma wiilka la waayey ee ina Xaaji Warsame ayaad tahay?” “Haa, adeer” “Fariiso meeshaada oo cashee, guriga Xasan waa lagu geynayaaye” Aad ayaan ugu farxay in ninku  igartay. Walwalkii  ihayey durba waa iga duulay. Waxa isku mar dhacay in lay garto, casho la isiinayo iyo gurigii walaashay oo la balanqaaday in lay geynayo. Isla habeenkaa ayaan oggaaday in ninka dalinyarada ah ee maqalka makhaayadda fadhiyaa in lagu niinaaso Cukur, makaayaddana issagu leyyahay. Cukur waa dambe wuxu noqday sargaal ka tirsan Xoogga Dalka Somalia. Wax aad looga tiiraanyoodo weeye in Cukur  ka mid noqdo saraakiishii maamulkii Maxamed Siyaad Barre ku laayey magaalada Hargeisa horaantii 1980aad ka dib markii sii deg deg ah siyaasad huwan lagu eedeeyey in caadifad u hayaan mucaaradka dawladda, ujeedada maamulkuna ahayd in lagu bajiyo saraakiisha Xoogga Dalka.

Waxba yaanan kuu sheeka dheereyn eh, Cukur wiil guriga Sacdiyo Xaaji Warsame igeeya bu igu daray. Iyadda oo saacadu tahay afartii fiidnimo ayaan alleelehe Gurigii aan rabay issa taagay. Gurigu dayr dheer oo albaab weyn leh ayuu leeyahay. Inta wiilkii iwaday isug iri ayaan albaabkii guriga gargaraacay.Sacdiya lafteedii ayaa iga furtay albaabka. Markay qac indhaha igu siisay ayey inta haw soo tiri ayey tiri “ alla ba’aye waa walalkay Ismaaciil”. In yar markay iwareysatay oo oggaatay in aan nabad ku imi, ayey inta yaraha baxday oo dukaan u dhawaa tagtay ayey waxay ii keentay macawiis, shaar, garan iyo go’ oo tiri, “war iska badel dharka oo qubeyso” Sacdiya qol aan seexdo ayey durba ii diyaarisay. Waxan oggaaday in Aabe kala soo xiriiray taarka Boliiska Jeriiban oo la raadinayey meel aan jaan iyo cirib dhigay. Waxan u sheegay Sacdiya in aan makhaayadda Cukur ka soo casheeyey oo ayan gaajo ihayn. Horaan ka seexday.

Marka laga reebo inta yare ee Jeriiban anoo jooga ka oggaaday, Dawlad Somalia jiritaankeeda rasmiga waxan si haboon ugu baraarugay mudadii aan dheerrayn ee aan ku sugnaa Gaalkayo inta anan safarkaygii dheeraa sii wadan tan iyo Xamar. 1962dii Gaalkayo waxay ahayd magaalo weyn heerka Somalia. Magaaladu wuxay la hayd labo dawldadood: Dawladda dhexe ee Somalia oo matalo Guddoomiye Gobol iyo midda dawlad hoose ee heer deggaan ah. Duqqa Magaalada waa la soo dooranjirey waxana jirey Gole deggaan ee Dawladda Hoose. Saldhigyo Xoogga Dalka Somalia and Boliiska Qaranka Somalia ayaa magaalada ka jirey. Dawladda Hoose iyana waxay ciidamo cashuurraha ilaaliya.  Magaalada waxa ku yaalay dhawr dugsi hoose iyo dhexaba. Waxa kaloo ka dhisnaa dugsiga hoose ee Allaahayda Masar. Dugsiga Dawaldda waxay lagu bartaa Talyaaniga.  Gaalkacayo waxay u ahay Xarun Waxbarasho Gobolladii loo yaqaaney Majeertiinniya ee Mudug, Nugaal iyo Bari. Magaalda waxa ku taal Maxkamadaha darajadaha koowaad iyo dhexe iyo midda racfaanka ah. Xarumaha ururrada siyaasadeed oo loo yaqaan Naadiyaasha Xisbiyada ayaa iyana ka furan beledka oo habeennadii dodo kuluul ee siyaasadeed ka socdaan. Waxa joogga beledka odayaal iyo waxgarad dawr ah oo talada Gobolka iyo dalkaba wax laga weydiiyo. Waxay magaaladu leedahay dad aad reer magaal u ah, fanaaniin iyo indheer garato badan oo dad badanni u soo hilooban, fadhiyo dhaqan oo doodo xiisa leh ka socdaan. Amniga guud ee magaaladu waa fiican yahay marka laga reebo dambiyo mar mar ka dhaca miyiga. Dadku xoog bay u taageersanyahiin gobanimada iyo dawladda Somalia u dhalatay. Hididiilo badan baa ayaa loo qabaa nidaamka cusub iyo dawladnima dhalinyaradda ah. Suuqqa habeen iyo maalinba waxa maraya oo ka muuqda askar kala labis duwan oo boolis, milatari iyo ilaalaba ah. Magaalada waxay leedahay barxad balaaran oo beer weyn ku dhex taalo. Beertu waxa ku dhextaala geedu waaweyn iyo kuwo deyr u ah oo haddaba loo qoor diido say ula baxaan madaxyo balaarran oo xayn daabka beerta buuxiya. Ciid carrasan ah ayaa lagu shubaa beerta waana la rusheeyaa galab walba. Kuraas lagu nasto ayaa beerta ardaageeda ku teedsanaa. Beertu waxay u furan dhanka waqooyi Xafiisyada Guddoomiyaha iyo Maxkamadda Gobolka. Beerta afgeedu waxay ku dhamaataa taalo tiir dheer oo calanka Somalia ka dul babanayo. Galab walba askar gaardineysa muusikana tumaysa ayaa calanka dajineysa. Dadka beledku siiba dhalinyara beertaa ayey galabtii isugu soo baxaan si ay u daawadaan damaashaadkaa calanka iyo muusik-gaardiga askarta. Subaxdii waxad arkeysaa dad wada kalahaya oo shaqo ama dugsi u socda. Magaalada wax aka furan xarumo ganacsi oo waaweyn, suuqqa hilibka, ganacsiga xoolaha nool, waratada iyo dukaamo aad u camiran oo badanaaba Caden ku xiran iyo iibgeynta xoola nool iyo hargaha. Xoolo dhaqatada ayaa iyana aad u yimaada beledka iyagoo keenaya caano, xaabo, alaabta farsamada gacanta, toliinka iyo fakiska, iyaga oo ku badelanaya shaaha, sonkarta, calaliska. Magaalada waxa ku yaala hooyyo ay kireystaan martidu iyo makhaayado waaweyn oo leh xayndaab iyo barxado kuraas dibedda iyo naacawda la dhigto. Xarunta filimada ama shineemada weyn ee magaalada bartankeeda ku taalaa waxay tahay haddana Xarun dhagan iyo suugaaneed riwaayadaha iyo xafladahaba lagu dhigo. Gaalkayo waxay hayd magaalo si haboon loo dhisay oo jidad weyn dhex maraan. Dhanka Waqooyi waxa ka soo gala beledka jid balaaran oo darmada kan ka yimaada Bari iyo dhanka Jeriiban deedna ku xirma kan Koonfureed ee aada Muqdisha. Wadooyin kale ayaa farcama kuwaa oo magaalada daafaheedda ku xirma. Magaalada daafaheedda dhanka Bari waxa ku yaala biyo galeenka cirjiife iyo gagada diyaaradaha Gaalkacayo, dhanka Waqooyi durdurka Yamayska iyo dhanka Koonfureed barxadda Yool Gaduud ee kubadda cagta lagu tartamo. Magaaladu guud ahaan waxay u qaybsantahay labo qaybood oo waaweyn iyo bartamaha beledka. Gaalkacayo waxay ka mid tahay magaalooyinka yare ee Somalia oo ay wada deggenyihiin beelo waaweyn ee soo jireen ah kala duwan taarikhda halganka gobanimadoon, xoriyadda iyo dawladnimada Somalia qayb libaax ka soo wada qaatay. Gaalkacayo waxay ahayd Magaalo-Madaxda Gobolka Mudug oo markaa Gobolka Galgaduud uu ka tirsanaa. Magaalooyinka Duusa Mareeb, Hobyo iyo Xarar Dheere, Caabud Waaq iyo Balanbale waxay ahaayeen degmooyin ka tirsan Mudug. Gaalkacay waxay ahayd magaalo muhiim u ah Gumeysigii Talyaanigu in uu gacanta ku dhigo. Baaqqa magaca Gaalkacayo ee hawlgalada milatariga Talyaaniga wuxu ahaa “Rocca La Vittoria” ama Qasriga Guusha. Baaqqu wuxu cabirayaa kanna turjumayaa labo arrimood: 1. In ciidamada Talyaanigu iska caabin weyn kala kulmeen qabashadii Gaalkacayo.  Waa magaalo istratiji ah oo ku taal bartamaha Muqdisha, Boosaaso, Hargeysa iyo Dagaxbuur oo 750 Km tiiba u jirta wadooyinka loo aadana ay soo galaan Gaalkacayo. In ay dhacdo Gaalkacayo waxay lagama maarmaan ugu ahayd Talyaaniga burburintii Saldanadii Keenediid ee Magaalada Hobyo iyo Boqortooyadii Boqor Cismaan ee Bari. Beelaha Mudug deggenni waa kuwii suurtagaliyey dhismihii Saldanadii Keenediid ee magaalada Hobyo, difaac adagna u haa. 2. Gaalkacayo waxay ahayd magaalo aad muhiim u ah Talyaaniga marka laga eego dhanka amniga la xiriirra dhulka Soomaalyeed ee Gumeysiga Ingiriisku ka talinjirey ee Somaliland iyo Boqortooyadii Menelik ee Ethiopia. Duulaankii Taalyaanigu mudo kooban ku qabsaday Ethiopia wuxu ka bilowday deegganka Walwaal ee Waqooyi Galbeed kaga aadan Gaalkacayo, waxana xabaddii ugu horeysay riday nin reer Mudug ah, oo Alle haw naxariistee lagu magacabijirey Aden Low, deedna xildhibaan ka noqday Golaha Wakiillada Somalia.

Gaalkacayo waa magaalo caan ku ah fagradaha furfuran dhanka siyaasadda iyo dhaqanka. Waxa laga yaabaa dad badan ee Soomaalieed in ayan la socon in Gaalkacayo gaar ahaan iyo Gobolka Mudug guud ahaan ay yihiin deeggaanka keli ah ee Somalia ee ay ka soo caan bexeen madaxdii Soomaaliyeed ee Bootaanno, Sarxaanno, iyo kuwo kale iyadoo ayen sidaa uga fogeyn Samatarro. Beelaha madaxdaa Soomaaliyeed ka soo jeedo waxay ku leeyihiin Bulshada Gaalkacayo magic iyo qarin run ah ay kaga qayb qaataan dhamaan talada iyo hawlaha bulsho, taa oo gaar ah Gaalkacayo marka la eego arrintan dhanka deeggaamada kale ee Somalia.

Maadaama Gaalkacayo ay saameen weyn ku leedahay siyaasadda, maamulka, dhismaha Xoogga Dalka, waxbarashada iyo wixii la mid ah ee Somalia, deedkeeduna ay badanaaba ka soo jeedaan miyiga oo ka dhaqan gadisnaayeen Reer Xamar, waxaa fadhi ku dirirada Soomaaliyeed ka dhacda maag iyo kaftan badan oo Gaalkacayo ku saabsan sida “War kani biyihii Barde Cad ayuu soo cabey” Barde Cad ceel Gaalkacayo ku yall ee biyo dhanaan oo badan leh, qofkii ka cabana reer Xamar u yaqaanaan in uu waalanyahay ama macnaha kale ay ka wadaan, in uu indha adagyahay oo wax walba u bareeri karo ama ku dhiirran karo taa oo aan ka suurtoobin reer magaalka Xamar, Reer Gaalkacayana iyaga kula kaftamaan in meesha cambuho iyo moosku uga baxo, in Gaalkacayo raggu ka soo baxo.

Mudo yar haddaan jogay Gaalkcayo ayaa Walaashay Sacdiya iyo seedigey Xasan Faarax waxay ii soo jeediyeen in dugsiga hoose la igeeyo. Dawladda Hoose ee beledka ayaa la iga soo sameeyey waraaqaha aqoonsiga. Subaxdii ku xigteyna waxa la iigeeyey Maamulihii dusiga oo lay qoray arday fasalka labaad. Maalintaan bilaabey fasalka waxan igu tegay carruur iga yar yar. Waxa igu jira qabkii isla weynaanta reer miyiga oo aan u arko in ay tahay ceeb in aan la dhigto darsi wiillal iga yar yar. Halgaa cuqdo ayaan ka qaaday taa oo keentay in aannan dugsigii dib ugu laaban maalintii ka dib. Waxa abuurrantay xaalad ardada iga yar yarna an ka faanayo kuwa ileegna anan la qabsan karin duruusta ay dhiganayaan.

Mudo yar ka dib Aabe ayaa Gaalkacayo shaqo u yimi. Aabe wuxu ugu horayntiiba iweydiiyey: “war maxaa kuu talo ah?” “Xamar in aan aado, Aabe” ayaan ugu jawaabey. “Khayr alle ha ka dhigo”, ayuu Aabe yiri. Aad ayaan ugu farxay jawaabtiisa. Aabe wuxu isiiyey boqol Shilling, oo waagaa ahayd lacag aad iyo aad u badan, oo yiri, “ku jidmar yeynan kugu dhicin eh sidii kugu dhacday safarkii Gaalkacayoo kale eh”

Durba waxay isu diyaariyey safarka Muqdisha. Surwaal kaaki ah, suun, waliba kiishad aan lacag ku meeleysto, kabo reer magaal oo noocca loo yaqaan “scarpo” ee Talyaaniga lagu sameeyey iyo kabo iska xijiskoodii iyo shandad yare ayaan soo gatay. Shaar iyo funaanadna horey ayaan u lahaa. Waa 1962dii, bisha Oktoobar. Aabe wuxu iila hadlay ganacsade baabuurkiisu u safro Muqdisha in uu isii qaado oo gaariga shirkiisa kursi iiga helo. Ganacsaduhu inta Aabe waa yahay ku yiri, yuu markuu Aabe iga takay ugu yiri, “war wiil yare baa tahay eh, kor gaariga ka fuul”. Gaarigu waa mid dheer noocca N3 ee Talyaaniga. Nin geed iyo dudumo fuul yaqaan baan ahay eh, inta shandaddii yarayd gaariga dhaladiisa ku tuuray ayaan kor dhafay. Waa koor barqa ah milicduna ayen weli kulaan. Tobaneeyo qof ayaa gaariga ila fuushan. Dheeraa wadadu. Waa 750 Km oo illaa Beled Weyne ama 150she ay tahay qarfe gaariga bood boodkiisu nafta kaa qaa dayo. 150she iyo makhaayadda Buurdibi ee Jowhar inta la gaarin ku taal ayan sii istaagnay oo wax ka cunay. Guurihii waxa nagu soo dhacaysay dhaxan halis ah oo dharka khafiifka oo an qabo iska celin Karin. Waxan guureynaba waagu markuu baryey ayaan alleelehe Xamar soo galay. Gaarigii wuxu soo istagay Yoobsan oo nasib wanaag ah cunwaanka aan u socdo oo Xaajiyaal adeerro iigu aadan guryo ku leeyihiin. Ninkii gaariga lahaa ayaa igu yiri: “War yaa waa kaa fooqi adeerradaa”

Anoo walasanaya shandaddi yarayd, ayan waxan u imi Adeer Xaaji Deriye, Alle haw naxariistee, oo maqalka baxaar weyn daarta dabaqa ah hoosteed fadhiya. Markaan isu sheegay, ayuu yeeray nin adeege baxaarka ka ah oo yiri, “war wiilkaan kee Qolka Martida”. Sariir banana inta ku dhacay ayaan galay gam ayey hurda dheer illaa iyo subaxdii dambe.

Muqdisha

Muqdisha waa magaalo madax ku taal xeebta badweynta India naacawda macaan ee loo qayaan Monsoonkuna ku soo daacayso galabti oo macaamiisha makhaayadaha hortooda far fadhiyaa ay ku istireexayaan iyadoo bunka samaynta kala duwan, shaaha iyo cabitaanka qabow ee noocyada bandi isdamarayaan. Kuwa xeebta dheer ee Liido ku dabaalanayana ay ismoodaan in ay janadii ku jiraan. Waa magaalo madax dhankastaba ka dhisan ahna xarun siyaasadeed, ganacsi,dhaqaale, isgaarsin, warbasho iyo dhaqan. Waa magaalo la tartamaysa aduunka kale ummada lehna ay ku naalooneyso. Waa magaalo ay ku noolyihiin jinsiyado farabadan oo qaaradaha aduunka ka kala yimi, qaarkoodna ayba si rasmi ah u deggenyihiin. Waa magaalo dadka nool ay wada faraxsanyihiin oo aad moodid in ay kuli u dabaal dagayaan xorriyada iyo gobanimadda cusub ee markaa labo jirsatay. Tartan siyaasadeed, ganacsi iyo waxbarasho ayaa xoog u socda oo durba dareemeysa. Radio Muqdisho ayaa beledka iyo Somalia oo dhan haysta marka laga reebo Radioha Ingiriiska ee  BBCda laanta Afka Soomaaliyeed oo iyana xoog loo dhageysto, rag afmaal ahna Soomaaligana ka xaladiya ka hadlaan. Naadiyada asxaabta siyaasadeed ayaa xoog waxa uga socda dodo kulkul oo midba midka kale wax kaga sheegayso, mucaaradkuna uu ku maagayo dawladda u madax ka yahay Cabdirashid Cali Sharma’arke. Cadaan badan oo taalyani u badan yahay ayaa magaalada ka muugda. Wax walba waxay ku socdaan habka talyaaniga maamul ahaan. Qofkaan afka talyaniga aqoon ilbax ma aha. Dadka waqooyi ka yimaada reer Xamarku wax u yaqaaniin badaw soo galooti ah. Dood weyn oo reer koonfureedka iyo reer waqooyiga ayaa beledka ka socoda. Ganacsigi iyo mashaariic dawladdeed kala duwan ayaa si xayli ah u socda oo waxad maqleysaa ama arkaysaa dad shaqo doon ah iyo kuwo soo helay shaqooyin. Dad badan oo waaweyn ayaa dib u bilaabay waxbarasho lagu dhigo affafka Talyaaniga, Carabiga iyo Ingiriiska. Dugsiyo dadka waaweyn ayaa Xamar iyo magaalooyinka kaleba ee dalka ka furmay.

Sida taariikhdu qortay. Muqdisha waa magaalo soo jireen ah oo ganacsi la lahayd India iyo China qarnigii 14aad. Waxa waagaa safar ku yimi dhulmaraagii Marookaanka ahaa Ibnu Batuuta, Dhulmaraagii Siiriyaanka ahaa ee Yacquub Al Hawami, gumeysigii Reer Yurub ka horna Vasco de Gama oo ahaa badmaax Burtiqiis ah iyo Richard Burton oo ahaa dhulmareen Ingiriis ah ayaa iyana yimi carada. Ibnu Battuta wuxu ka waramay siday Xamar waagaa uga dhisnayd daarro dhagax ah iyo in ay ahayd magaalo madax dawladdeed (City State) oo weyn lehna xiriirro ganacsi dibeddeed iyo dhaqanba. Ibnu Batuta wuxu cadeyyey in qarni 14aad Muqdisha u iibgeynjirtay dalka Masar dhar iyo samaysyo kale ee beledka ka soo baxa ama lagu sameeyo.Magaca Magadishu wuxu yami erayga carabiga ‘Maq’ad Shah’ ama Fadhiga Shah. Shah waa Suldaankii iiraan oo saamayn weyn ee dhaqan iyo ganacsi ku lahaa Muqdisha xaata ka hor wakhtigii Ibnu Batuta. Muqdisha taariikhdeedu waxay soo jireen ahayd tan iyo qarnigii 1aad oo xiriir ganacsi la lahayd wadamo Carbeed. Muqdisha waxa soo maray dawladdo ama maamullo saldanooyin kula duwan sida tii Ajuuraanka ee Musaafur iyo kuwo kaleba. Muqdisha waxay la hayd lacag ay wax kula iibsato xataa qarnigii 14aad ka hor.

Waxan Muqdisha imi Bishii Oktoobar 1962. Inkasta aan Gaalkacayo wax kasoo bawsaday, baraaruga siyaasadeed wuxu iga bilawday Muqdisha. Erayga doorasho siyaasadeed ayaan markii iigu horeysay maqlay. Waxan kaloo ku baraarugay asxaab siyaasadeed oo tartameysa, Golo wakiillo ee dadka ama shacabka, wasiirro, Madaxweyne, Wasiir-koowaad, Duq-Magaalo, safaarado, saldhigyo akhris ama akhriyaal, heerar kala duwan ee dugsiyo waxbarasho iyo wixii la mid ah. Waa magaalo aad u xisa badan marka laga eego dhan walba aadna uga duwan jawii aan ku noolaa iyo dhaqanka miyiga.

Ujeedada ugu weyn ee Xamar ikeentay waa waxbarasho. Xamar waxa joogaa Walaal isaxaaq oo ah markaa ah dhige dugsi hoose ee Wasaaradda Waxbarashada. Waxay noqotay in dugsi la ila raadiyo. Dugsiyada aan la qabsankaro waxa dhigta caruur iga yar yar oo horay aan cuqdo uga qaaday markii la igeeyey Gaalkacayo dugsigeedii hoose. Waxay noqotay in la iska kaydaayo sidii aan rabo aan yeelee. Waxan bilaabay dugsiyo gaar ah oo lacag yar bishii la iska bixiyo iyo habeenkii dadka waweyn dhigtaan. Waxan ugu horayn bilaabay Talyaani, deedna u badashay Ingiriis, carabina wax baan ka bawsaday. Waxan akhrinjirey wax kasta iyo buug kasta oo iga soo horbaxa. Akhriskaygu kala joogis maleh habeen iyo maalinba.

Waxay gaartay 1963dii marka Dawladda Mareykanku hawada u gantay Dayax Gacmeedkii Appollo 11 kuna guuleysatay in ay markii ugu horaysay banii aadam dajiso dayaxa dushiisa. Waxay ahayd arrin la yaableh oo muujisay awoodda ilaah siiyey banii aadamka iyo waxa suurtagal u ah hadduu qofku dadaalo. Waxan xusuustaa habeen anagoo fadhina xarunta akhriska buugta makeykanka, la iskugu kaayeeray qolka filimada Xarunta. In yar ka dib waxaa soo galay qolka Safiirka Mareykanka iyo Jananka Booliska Somalia, Maxamed Abshir Habaan. Safiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Waxaan aad uga xumahay in aan TV jirin Somalia oo anaanan wadaawan karin  Appollo 11 oo dayaxa dushiisa ku dagaya iyo Cir Adadayaasha oo dayaxa ku dulsocda”. Janankuna wax buu yiri aan xusuus igu reebin. Xarunta Akhriska Mareykanku oo markaa ku taalay cirifka Xaafada Shangaani qayb weyn ayey ka qaadatay aasaaska wabarashadaydii hore.

Waxbarashadaa goos goos waxan Xamar ka waday illaa 1964tii, kadib markaan dib ugu noqday Gaalkacayo oo dhalinyaro Peace Corps ee Mareykan ah ee Barnaamijkii Madaxweyne Kennedy ee New Frontiers, wax ka dhigijireen. Waa wabarashada dadka waaweyn oo aan aad ula qabsaday. Sanad ayey igu gaartay in aan dhamaysto duruus si weyn wax ii tartay. Sanad dambe waa iisuurtagashay in aan galo dugsigii Allaahida Masar oo fasalada afraad iyo shanaadba isku sanad dhameysto. Waxax ahayd 1966dii. Fasalka Shanaad waa ka ugu dambeeya dugsiga Hoose ee Allaahida, waxana noqotay in Xamar dib ugu soo laabto anoo Gaalkacayo ka soo qalin jabiyey. Galintaanka Allaahida iyo damaynta Fasalka Shanaad waxay arrin muhim ah oo wadada u xaartay waxa loo yaqaan “waxbarashada rasmiga”. Waxan Xaafada Bilaajo Carab ka bilaabay fasalkii ugu horeeyey ee dugsiga Dhexe ee Allaahida anigoo weli iskala weyn oo isu haysta in heerka waxbarashadaydu ka sareeyo fasalka koowaad ee Dugsiga Dhexe. Markaa ardada taqaan afka Ingiriiska waxay intixaamo u galayaan Dugsiga Sare ee banaadir oo ahaa dugsiga ugu horeyyey ee ardada reer Waqooyiga iyo kuwa reer Koonfureedku ay warbarasho midaysan ku kulmaan. Maadaama ayen Koonfur jirin dugsiyo soo saara ardo afka Ingiriiska wax ku baratay marka laga reebo dugsiyo gaar ahaaneed sida Menonite Mission-ka Mahaday/Jowhar, waxaa loo oggaladay ardada Koonfureed in ay intixaan  u galaan wax ka barashada Banadir.  Sanadkii 1967 ayaan intixaan aan ku guulestay u galay Dugsiga Banadir anoo weli dhigta Allaahida. Waxaa si buuxda ibilaabatay waxbarasha rasmi oo heer sare iyo casharro adag oo aasaaska hoose iga maqanyahay. Dadaalkayga awgiis, waxan ka mid noqday ardada ugu sareysa dhanka waxbarshada iyo asluubtaba. Waxa iyana sharaf weyn, oqoonsi iyo tixgelin ii ahayd in la ii doorto Madaxweynaha Gudiga Ardada Dusiga Sare ee Banadir sanadkii labaad ee 1968 tan iyo damaystirkii  Banadir 1971dii. Isla sanadkii labaad waxa nasiib darro Muqdisha xanunka malaria ugu geeryooday Aabe Xaaji Warsame Axmed Gurey Jawjawle. Aabe wuxu geeryooday anoo gacantiisa haya. Intuu nafka dhawrka ahaa waxaa Cisbitaalka Martini nagu soo booqday Yassin Nur Hassan Bide, Alle haw naxariistee, oo markaa ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia iyo Mudane Abdirizak Haji Hussein, Wasiir-koowaadkii hore ee Somalia. Waxaa la isla soo qaaday in Aabe China loo qaado oo lagu soo daweeyo. Doodaa oo aan weli dhamaan ayaa aabe naftu deysay. Allaw kuu naxariistto!

Intaan Dugsiga Banadir dhiganaayey, waxan dareemay in ay jiraan dhabaatooyin farabadan ee dadweynuhu ka tabanayaan dhanka siyaasada, maamulka, fursadaha shaqo, ganacsi, waxbarasho iyo wixii la mid ah. Waxaa soo koordhayey carroda dadweynuhu u qabo Dawladda waxana aad looga carreysanyahay maamulka doorashooyinka iyo musuqmaasuq la xirrirra. Dadka waxu sii luminayey kalsoonida uu u qabo waxqabadka iyo dhexdhexaadnima dawladda in dadku u simanyahay fursadaha qaranka. Waxaa bilaabatay eex, isdabamarin iyo wax waagaa loo yaqaaney “Recommendazione” oo ah in qofku la yimaado qof weyn oo la wada yaqaan ama awoodleh, wasiir, ama mudane Baarlamaan ah ama sargaal sare ee Dawladeed ah. Recommendazione waxay lug ku yeelatay dhamaan nolashada qof ahaaneed dhinac kasta ee dhadhaqaaqa bulsho. Waxa dhuntay kalsoonida qaran iyo qof ahaaneedba iyadoo abuurrantay cadaawad dadka dhexdiisa ah iyo niyadxumo guud oo dhalisay jawi siyaasadeed ee qalafsan iyo xaalad maamul iyo siyaasadeed oo cakiran qaraxna qarka u saran. Doorashooyinkii 1968 ee Dawladdii Maxammed Ibraahim Cigaal dalka ka qabanqaabisay ayaad moodaa in baansiin iyo xaabo ku dartay xaaladdii awalba gargareysay. Haddaan miitaal qoof ahaaneed ka bixiyo kalsoonixumadu heerka ay gaartay, markaa Dugsiga Sare dhamaystay waxan coqsi isgumar ah geystay in aan ka qaybgalo tartanka Waxbarashada Dibedda Wadamada Suuqqa Europe, Midowga Soviet, Banka Hurumarinta Somalia, iyo Saraakiisha Xoogga Dalka si aan fursadaha u badsado illeen midna iskuma hube eh anoo heer aqoon ahaaneed kalsooni weyn isku qaba. Waxaa kaloo dhacday in codsigii tartanka kala deeqdii Waxbarashada Europe anoo shaki ka qaba in aan helayo marka haadaan hubo in ardo badani jecelyihiin in ay Europe aadaan marka la eego Midowga Soviet, taas oo aan dareensan ahay in ay tahay fursada ugu weyn ee bilan.

I969 waxa magaalada Laascaano lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyedda Somalia, iyadoo taasii isku badashay inqalaab ama afgambi cidanka Xoogga Dalku ku sameeyey Xukuumaddii Maxamed Ibrahim Egal. Dadweynuhu xoog ayuu usoo dhaweeyey afgamigaa dawladda iyadoo hilimada dadweynuhu tahay isbadel ku yimaada maamulka Xukuumadda dhanka cadaaladda iyo fursado loo simanyahay. Durba waxaa xabsiyo siyaasadeed lagu tuuray madaxda siyaasadda dalka oo ay ku jiraan xataa kuwo aan ka tirsanayn Xukuumadda Egal ama mucaarad iyeda ku ahaa. Waxaa lalaalay Dastuurkii 1960kii ee Somalia sameysatay qaadashada Gobanimada. Dalku wuxu noqday mid lagu maamulo go’aamo iyo qoraallo kasoo baxay Gudi Saraakiil Cidamada oo la magacbaxay Golaha Sare ee Kacaanka. Waxaa bilowday Olalihii La dagaalanka Musuq Maasuqqa, kaasoo oo ahaa olale siyaasadeed oo sumcadda looga dilayo siyaasiinta qaranka si loo gasbado taageera dadweynaha. Waxaa si isdabajoog ah u bilowday olalayaal badan oo aan qabo qaarkood ay waxtar weyn lahaayeen, hase-ahaatee siyaasad dadweyne-mashquulin ah ay ku dheehantahay.

Waxan darajo kore ku dhameeyey Dugsiga sare ee Banadir 1971 oo isla sanadkaaba ku guuleystay deeq Waxbarasho Midawga Sovieti. Muqdisha oo weli ku jirta Olalayaasha “Kacanka” ayaa Aeroflot anaga oo dhawr iyo toban arday ah noola duushay Moscow. Waa dayuurrada ugu horeysay ee aan nolashayda raacco.Safarkaani aad ayuu uga duwanyahay kuwii horey iisoo maray. Kursi intaad ku fariisatid aad kuba gam’aysid illaa cunto laguu toosinayo iyo gabdho kuu shaqaynaya oo aad malaa’ig moodo.  Mid kooxdayada ka mid ah  ayaa yiri, anoo hawada dhexjibaaxayna “Ismaaciillow, waxaba taa ha sii eegin anay ii carbuunantahay, markaan Moscow gaarro. Waxay nala sii dagtay Aden (Konfur Yemen) oo aad dareemeysid in ay kar kareyso ku layl awgiis, dedna Cairo. Waa labo magaalo ee dadka Soomaaliyeed macna ugu fadhiya taariikh ahaan. Qofka Soomaaligu markuu joogo Gobolka wuxu dareema culeyska dhaqan iyo siyaasadeed ee magaalooyinkaa Carbeed ku leeyihiin Somalia. Waxay hawada soo dhexjeexdaba alleelehe aroor hore ayey Aeroflot nagala soo dagtay Moscow. Waa bartamaha Oktoobar 1971, hawaduna aad bay noola qabawdahay aniga iyo asxaabta kale ee igala timi wadan hawo kulul oo weliba Aden soo maray. Markii ugu horeysay ee aan tako dal shisheeye wadama carabtuna ha ku jireene. Dadka jooga gagada ama ka shaqaynaya ama ka dhoofaya-kasoo dagayaa aad bay buurbuuranyihiin dharkay qabaanna noola fow-xunyihiin. Yeelkeede dumar qurux badan ayaa meesha ka muuqda, oo odaraskii u muujinaya muuqaalka dumarka sugaya dalkaan kii doonaya. Markaan dhameysanay hawlaha gagada ee soo gelitaanka dalka ayaa sideeddayadiiba nala qaaday gaari bas yar oo nala geeyey qolol la seexdo ee Jaamacadda Dawladda ee Moscow. Labo labo ayaa qolkiiba labo labo keli oo ardo Soviet ah naloola dajiyey qolka, habkaa oo noqondoona mid rasmi ah ilaa intaan ka dhameynayno Jaamacadda. Dhawrka beri ee aan joogay Moscow wax xusuussa ee weyn uguma reebin marka laga reebo weynanka Moscow, wadooyinka dulka hoostiisa isjiidayaasha dadweynaha qaada marayaan iyo xarumaha fanka iyo sugaanta ee aduunkoo dhan caanka ka ah sida Opera-da, Ballet-ka iyo masxafyada taariikhda iyo xarumaha buugta iyo madbacadaha.

Soviet-ku wuxu ahaa dalka joqoraafi ahaan aad u balaaran, aad qabow wakhtiga diraacda. Waa adagtahay in la isaga goosho dhexdiisa in la isticmaalo tareen ama diyaarad la raaco mooye. Sideedayadiiba waxa tareen naloo ku qaaday magaaladii Leningrad (St Petersburg), halgaa oo Polytechnikada aan ka bilawnay Barashada Afga Ruushka socotay hal sano, deedna naloo kala diray jaamacadaha dalka. Dhawr anaga ah ayaa nasib u helay in loo diro magaalada Minsk ee Gobolka Belarus halgaa oo aqoonta engineeriyadda aan bilawnay Jaamacadda Polytechnika Minsk lix sano iyo bar soo socda.

Haddaan soo kobo sheego dheer ee nolashayda ku saabsan intaan wax ka baranayey Midawga Soviet, waxaa dhacay ama la kulmay dhawr xaaladood oo adag. Tan hore, waxa igu dhacday cudurka loo yaqaan TB-da taa oo iska daweynteeda qaadatay hal sano oo aan jaamacadda dib uga dhacay. Waxaa xusid mudan in Midawga Soviet lahaa daaween iyo barnaamij caafimaad guud oo lacag la’aan ah, haseyeeshee tayadiisu liidato marka la isla barbardhigo kan America iyo Europe-ta Galbeed. Intaan cisbitaal Minsk ku yaal ku jirey, ayaan waxan saaxib noqonay nin bukayaasha ka mid ah oo TB-su isu bedeshay xaaladda loo yaqaan “chronic” ama daawo-beel. Maadaama cudurkiisa aan lagula tacaali karin daawooyinka laga soo saaro Midawga Soviet, waxa bukanahaa loo qoray daawo loo yaqaan “Riffadin” ee dadka noocca ah TB-da looga daweeyo oo dibedda laga keeno. Maadaama Riffadin ay tahay daawo waxtar caafimaad oo deg deg leh, waxan u soo jeediyey Vladamir in aan ka iibsado in dawr ah ee Riffadin ah issagoo helaya in ka badan inta uu baahanyahay. Farsamadani waxay keentay in dawr billood ka dib la iga waayey wax cudurka TB-da. Taa waxay ahayd guul weyn iyo xaalad caafimaad oo adage e aan ka gudbay. Arrinta labaad oo iqabsatay waxay ahayd in Dagaalkii Ogaden 19977 ee Somalia-Ethiopia markuu qarxay madaxweyha Somalia, Maxamed Siyad Barre, soo saaray amar uu dalka uga saarayo dhamaan khubarada Ruushka ee joogay Somalia, issagoo gooyey iskaashiga u dhaxeeya labada dalka. Waxaa ku xigtay in Somalia ku amartay ardada wax ka barata Midawga Soviet in ay dalka dib usoo laabtaan. Tani waxay keentay in boqolaal arday Soomaaliyeed ahi waxbarashadoodii halgaa ku luyeen. Nasiib wanaag anigu waxan goostay in aannan laaban inta aan ka dhamaysanayo waxbarashada. Magaalada Minsk arday Soomaaliyeed waxanu ku joognay 14 oo badankoodu markaa ama sanad ku dhaw shahaadada jaamacadda qaadanayaan. 13 arday ayaa iiga dhoofay oo anoo keli ah ku soo haray Minsk. Xadladii la igu gudoonsinayey Shahaadada qalin jabinta, ayaa Wasiirka Waxbarashada Belaruus wuxu igu yiri: “ Janan dagaalka ku guuleystay iyo nin aroosay innan uu jecelyahay ayaa furka ka jara khamrada loo yaqaan “Champagne-ta”. Waxay ahayd bisha Luulyo 1978 iyadoo markaa lugu baxay Dagaalkii Ogaden markay Cuba iyo Midowga Soviet issu garabsadeen in duulaanka Siyad Barre la jabiyo.

Waxan imi Moscow Bisha Agoosto. Waxa beledka weli jooga ardo fara ku tiris ah oo sidaydoo kale ku haray Moscow say u sii wataan waxbarashada. Khaliif Nuur Cali Qonof ayaa ka mid ahaa arda yar ee halkaa joogay. Maadaama aan ahaa nin ku haray Dalka anoo jabiyey amarkii Dawladda Somalia in ardada Midowga Soviet wax ku barta soo wada laabtaan, waxan soo booqday Safaaradda Somalia si aan hubsado in ay khatari igu imaan karto haddaan dalka Somalia ku laabto. Waxa igu soo dhaweyyey Safaaradda Ku Qaybsanaha Dhaqanka, Yaasiin Maxamuud (Yaasiin Ruush), oo markaa ka hore laga soo badelay Safaaradda Somalia ee Cuba. Yaasiin waxan si barer ah ugu iri “War dalkii ma aadi karaa mise waa tashadaa?” Yaasiin wuxuu igu jawaabay “War adaaba dhaama kuwwii laabtay” “haddaba, Mudane, iskama tagayo balan qaadla’aan eh, warqad u qor dawladda in aan wax siyaasad ku saabsan ugu harin Soviet-ka”. Yaasiin waa ii balan qaaday in warqad u dirayo Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashada Sare.

Waxan kasoo degay Gagada Dayuuradaha Muqdisha koor barqa ah dhamaadkii Agoosto 1978 anoo aad ugu faraxsan in aan waxbashadaydii soo dhameystay iyo in Dalka dib ugu soo laabtay. Durba qaybta Sadcaalada Booliska ayaa igu dhagay oo xafiis gaar ah ila tagey. Haddii yaraha la iwaraystay ayaa waxa la iisheegay in arrintaydu khatar tahay oo la iihaysto in aan jabiyey amarkii Dawladda markii Dalku dagaal ku ku jirey. Waxa Gagada Dayuuradaha la igaga qaaday gaari dharcad Booliska ah. Waxa la igeeyey Xafiis Bartamaha magaaladda ku yaal ee uu haysto Taliyaha Sadcaalka, Nuur Bidaar.  Qol ayaa la ifariisiyey iyadoo ayan weli iga tegin Booliskii dharcad ka ahaa ee ikeenay meesha. Muddo labo saac aan ka yareen haddaan sugayey Nuur Bidaar, ayaan waxan ku iri mid ka mid ah Booliskii igeenay meesha:  “War meesha lagu jabyey maxaa talo ah?” Wuxu iigu jawaabay: “War hoy aan kula taliyee, iska aamus” Nuur Bidaar xafiiskiisii ayaa alleelehe la iiga yeeray. “War bal iska waran?”, ayuu iweydiiyey, Nuur Bidaar. Nuur Bidaar wuxu la yaabay ninkaygaan iska faraxsan oo aan shidaba hayn. “war maxaad u jabisay amar dawladda in Dalka la difaacco”?” ayuu iweydiiyey. “Taliye, maxaa aniga la iidiray, yaase idiray?” ayaan ana weydiiyey.  “Arrintaadu halis bay daaqaysaa, ninyohaw”, ayuu yiri Nuur. ”Taliye arrinteyda waxaa la socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee bal wareyso”, ayaan talo ku siiyey. Nuur Wasaaraddii ayuu la hadlay oo malaha lagu yiri ardaygu waxbarashadii Soviet waa soo dhameystay dhib kalana ma jirto. Nuur bidaar inta issoo eegay ayuu yiri, “War ninyohaw nin aad u nasiib badan ayaa tahay eh, waa fasantahay”.

Waxan lacag ka haystaa toban Doollar ee Mareykan ah, haseyeeshee sicir bararka shillinka awgeed lacag badan ah markaa oo igu filan in aan taksina (Taxi) ku raacco Hudheel igeeyaa dhawr cashana iigu filan cunno iyo jiifba. Markaan ka soo baxay Xarunta Nuur Bidaar ee Basaboorrada ayaan ku leexday Bangiga Dhexe ee Somalia oo aad ugu dhaw, waxana ka sariftay tobankii dollar, deedna isla meesha Taxi ka qabsaday. Waxan ka codsaday Taxilaha in uu geeyo Hotel qiima jaban kaasoo noqday mid ku dhaw daartii Dabka ee jidka Maka Mukarama. Waa koor galab ah waana daalan ahay. Markiiba hurdo ayaan biliq la dhacay. Subaxdii danbe ayaan soo baraarugay mise aniga iyo firaashkuba waa wada qoyanyihiin dhidid iga baxay awgeed hawada kuluul ee Agoosto darteed. Durba waxan xirtay dhargeyga oo quraac makhaayed ii dhaw ka dalbaday. Markaad dalka in badan dibedda uga maqantahay cunadu waa ku dhibeysaa waxadna u baahantahay mudo in aad dib ula qabsato. Subaga iyo dufanka ayaa ku badan cunna Somalia taas oo dhibta dadka mudo ku noolaa qaaradaha Europe iyo Waqooyiga America. Hadday naftu isoo gashay quraac ka dib, waxan ku dhacay Taxi si aan u wargeliyo qoyskaygii iyo qaraabadii in aan dalka ku soo laabtay anoo soo qalinjabiyey sitana shahaadada injineernimo ee loo yaqaan “Masters”. Waxa Hotelkii iigu yimi oo iga raray walaalkay iga weyn, Isxaaq Xaaji Warsame Ahmed, ahna markaa Garsoore Maxkamadda Sare ee Somalia. Walaal Isxaaq waa ninka suurageliyey in aan wax barto illaa dugsiga sare ee Banadir, Muqdisho. Waxaa kale oo qayb weyn ka qaatay waxbarashadaydii inna adeer Qaasim Xaaji Xuseen Axmed, allah haw naxariistee, ahaana Guddoomiyihii hore ee Gobolkii lagu magacaabijirey “ Majeertiinnia” markaanna aah Nugaal iyo Bari ee Puntland. Todobaadka gudihiisii ayaan Wasaaradda Tacliinta Sare ee Somalia. Sargaalkii iqaabilay markuu wax yar idhageystay ayuu si qaylo ku jirto ku yiri Xoghayntisii “ Xaliimow jaamicigaan u dir “Xalane”. Xalane waxay ahayd dugsi ciidan ama “indoctrination centre” mas’uullinta maamulka dalka lagu hanjabiyo deedna qaarkii hanjabiwaaya looga fogeeyo hawlaha dawladda illaa iyo xabsi aan maxkamadda lahayn. Xaliimo warqad ku socota Xalane ayey isiisay. Inta jeeb danbe gashaday warqaddaa ayaan galay shaqo-raadis.

SHAQO DOON

Dhawr beri ka dib ayaan tagey Xafiis lagu magacaabo JSP (Jubba Sugar Project) oo ah mashruuc sonkareed ee warshad laga dhisayo agagaarka tuulada Marerrey ee Jubba Hoose. Xafiisku wuxu ka yaala dabaq sare ee daarta loo yaqaan Jirde Xusseen ee dhaw Caffee Nazionale ama Bar Savoy. Mashruucca waxa dhanka Somalia Mareeye ka ah Dr. Cali Khaliif Galayr. Mashruucca warshadda waxa qandaraas ku haysta shirkado ingriis ah oo horsed ka tahay Shirkadda Bookers Agriculture International. Dhawr boqol khubaraa ingriis ah ayaa wada mashruucca. Dawladaha Imaaraadka iyo Kuweyt ayaa maalgaliyey mashruucca oo Somalia ugu dheeqay.

Gabar ka mid ah Xoghaynta Mashruucca ayaan weydiistay in aan arko Mareeyaha Mashruucca. Nasiib wanaag durba wey ii ogalaatay in aan la kulmo Dr. Cali Khaliif Galayr. Isbarasho ka dib iyo ujeedada aan u imi Xafiiska, Cali wuxu ii shegay in ayan haatan wax shaqa ah banaanayn. Dib ayaan ugu laabtay Xoghayntii oo misana weydiistay in aan arko Madaxa Xafiiska ee dhanka ingriiska, Mike Johnson. Mike si fiican ayuu ii soo dhaweeyey oo yiri “ Beri haddaad diyaartahay diyaarad baan Kismayu kuu saarayaa si “interview” ama imtixaan shaqo lagaaga qaado Mareerrey”. Hotel Waamadii Kismayo ayaan habeynkii dambe sii seexday, barqadiina Mareerrey ayaan tegay shaqadiina ku guuleystay. Labo maalmood ka dib ayaan Xafiiskii Galayr soo galey anoo ka tirsan injineerrada Mashruucca oo la ii soo diray tababar lix bilood ah oo ku saabsan farsamada soosaar sonkorta laga sameeyo qasabka (sugar cane) ee warshadii SNAI ee Jowhar, Shabeellada Dhexe.

Bishii Agoosto 1978 markaan ku laabtay Muqdisho waxa dalka ka jirtay jawi qalafsan oo  ah xisad siyaasadeed iyo mid colaadeed gudaha iyo dibedba. Waxa lagu fashilay Dagaalkii Soomaali Galbed ama dagaalkii Ogaadeeniya 1977-1978, waxa la laayey saraakiil ciidan oo sar-sare dalkana caan ka ahaa oo uu hogaaminayey Kornayl Cirro, isku day afgambi dawladeed ka dib, waxa dalka dibeddiisa ka abuurantay mucaarad hubaysan ee Jabhadda Dimoqoraadiga ee Badbaadinta Soomaaliyeed ( SSDF), waxa heer sare gaaray sicir barar, musuq-maasuq iyo khakhal dhaqaale, kuux diidmo siyaasadeed iyo diimeedba. Waxa dadku dareemayeen quus iyo rajo-bel saameesay qof kasta. Waxaa intaas oo dhan ka daraa in maamulka dawladeed la yimi waxaan horey loogu aqoon bulshada Somalia iyo mid dawladnimo: ciribtir issir iyo ka sifayntooda dhamaan hay’addaha dawladda. Hawlgalkaasu wuxu markaa ku socday dadka u dhashay Majeerteenka, deedna Soomaalidii kale markay ka daqnanweyday iyagana markood helay wixii ku dhacay Majeerteenka.

Radio Kulmis wuxu ahaa codka keli ah oo dadka Soomaaliyeed la haayeen ee ka hadlijirey musuq-maasuqa, qabyaaladda, maamul-xumida, dambiyada siyaasadeed iyo burburka dalku socdo. Dhawr sano ka dib anoo markaa ka tirsan mucaaradka Soomaaliyeed ayaan Addis Ababa kula kulmay tifaftire ingriis ah ee ka socda wargeyska “Africa Confidential” isagoo soo maray Muqdisho soona waraystay Madax badan ee Maamulkii Siyad Barre. Tifaftirehaasu wuxu iisheegay in la oranjirey dadka Soomaalidu waxay aad u dhageystaan Laanta Afka Soomaliga ee BBC-da. “iminka BBC-du lama tartami karto Radio Kulmis xagga dhageysiga 9:00 fiidnimo” ayuu igu yiri qoraagaasu. Waxan qabaa haddii muranka iyo caadifadda qabyaaladeed ama gobalaysiga doodad laga saaro, rajo isbadel dawladeed waxa dadku markaa ka sugayey mucaaradkii hubaysnaa ee SSDF ka hor intaynan saaxadda kusoo biirin Dhaqdhaaqii Wadaniga Soomaaliyeed

 (SNM) iyo USC oo tan dambe ahayd goosan SSDF tan horena isla SSDF maalgelisay dhismaheedii bilowga, qorshuna ahaa in la mideeyo mucaaradka ka soo horjeeda maamulka ciidan ee kalitalisnimo ee Muqdisho. Nasiib darro arrintaa laguma guuleysan dawrka Mengistu Haile-Mariam ee Ethiopia ku layd awgeed. Dib ayaan amuurahaas buukaan dhexdiisa uga waramidoona.

FARXAD WAWAL ISU BEDESHAY

Mudadii aan u shaqaynayey Shirkadda Mashruucca Sonkorta Mareerey, JSP, markaa dhismaheedo socdo dhiqiyaas ahaan aan sugnaa hal sano, waxan marmar dhif ah imaanjire Muqdisho anoo ka imi Jowhar ama Mareerrey martina u ah Mashruucca dhinac hotel jiifka iyo cunna. Badanaaba waxan ku soo dagijirey Hotel Shabeelle. Arrintii ugu horeysay ee argagax siyaasaseed igalisey waxay dhacday markii diwaangeliyaha Hotel-ku iweediyey su’aasha ah: “ Jaalle xagee ku dhalatay?” Inta yaabay, baan weydiiyey diwaangeliyaha: “ Walaal maxaa uga jeedaa su’aasha?” Wuxu iigu jawaabay: Jaalle waxan haysanaa amar in aan weydiino martida meeshey ku dhasheen”. Durba waxan xusuustay waxa ku qoraa Warqaddii Aqoonsiga ee Dawladda Hoose ee Muqdisho samaano ka kor markii dugsiga hoose aan bilaabay, qorniimadaas oo si aan ula kac ahayn lagu magacaabay Gaalkacayo meeshii aan ku dhashay, haseyeeshee runtii ahayd Laascaanood ee haatan ah Magaalo-madaxda Gobolka Sool. “Hadday arrintu saatahay, dee waa Gaalkacayo” ayaan ugu jawaabay. “War Gaalkacayo qorimaayee meel kale sheego” ayuu durba igu yiri. Intaanan u jawaabin, ayuu iiraacshay,”war haw aan kula taliyee meel aan Gaalkacayo ahayn sheego”. “Adeer, meeshaad doonto ku qorro buugga” ayaan ku gabagabeeyey. Dib uma danayn magaca magaaladu ku qortay, waxanse ku kalsoonahay in ayan ahayn Gaalkacayo issagoo aniga ii eexanaya.

JOWHAR-SNAI-PIASA

Hay’adda SNAI-PIASA ee Jowhar, Magaalo-madaxda Shabeellada Dhexe, waxay ahayd tan keli ah dalka ka shaqayneysa soona saarijirtey qayb weyn ee baahida dadka dhinacca sonkorta iyo haraadiga qasabka la shiido oo laga miirijirey  ama laga dhalinjirey waxa loo yaqaan “spirits” ama alcohol nadiif ah oo inta badan loo iibgeeyo dalka Fransiiska. Warshaddu waxay mid da’weyn oo laga qarameeyey shirkaad ganacsi ee maal-geliyaal Talyaani ah. Markaa waxa SNAI-PIASA warshad iyo beero qasabba gabi ahayn maamuula oo si fiican u wada aqoonyahanno Soomaali ah.

Muddadii lixda bilood ahayd ee aan joogay Jowhar anoo ku nool Guryaha Marti ee Warshada, waxaa si caad iigu muuqatay xaaladda dabta ah ee siyaasadeed ee dalka ka taagan, gaar ahaan olalaha isir-soocca ama isir sifaynta ah eek u wajahan beelaha Soomaliyeed ee Waqooyi Bari. Arrinta la yaabka leh ee durba aan Jowhar kala kowsaday waxay ahayd in maamulayaasha ama aqoonyahannada Warshadda iyo beeraheeda ay ahaayeen kuwo sooc ah oo aad arkayso in meesha lagu soo wada ururriyey inta laga keenay waaxyaha kale ee Dawladda, Xamarna laga soo fogeeyey oo markii horeba ay shaqooyin kala duwan ka hayeen. Aqoonyahannadaas waxay asal ahaan ka soojeedeen Gobollada Waqooyi Bari; waxay kala ahaayeen:

  1. Garab Yare- Guddoomiyaha ama Maareeyaha Hay’adda SNAI-PIASA

  2. Enginner Abdi Dhalaweyne- Madax Warshadda

  3. Engineer Mohamed Farah Yare- Madaxa PIASA ee soo saarta “spirits).

  4. Dhaqaale yahan Yassin Nur Hassan

  5. Agronomist Bashir Abdulle Otweyn- Beeraha Qasabka

  6. Electrical Engineer Abdi Yare

Dhinac haddii laga eego, Hay’addu waa naasiib badnayd oo wax heshay aqoonyahanno karti iyo hufnaan ku darsadey. Iyadoo ujeedada Dawladdu ayeen taa ka maqnayn yey haddana qorshaha dabta ah ee raagaan loo soo xulay ahayd in:

  • Muqdisho laga soo fogeeyo sidii dad la musaafuriyey oo kale

  • Ay yihiin dad loo danleeyahay si fududna oo siyaasadda Dawladda waafaqsan lagu soo qabqaban karo si ay ugu biirraan kumayaalka ilma-adeertoda kale ee xabiska siyaasadeed ka buuxxa.

  • Dadaal iyo wax soosaar ay ka badanyihiin dadka kale mar ahayd ogyihiin in iyaga culays iyo xabsi gaar ka saarantahay dhanka Dawladda si sahlanna lagu soo eedayn karo.

Arrintani waxay ahayd mid labaad oo walwal iyo waalac igu abuurtay oo farxaddii aan dalka ugu soo laabtay iyana dhaawacday.

Intaan tababarka u joogay Hay’adda SNAI-PIASA waxan oggaaday dhuumaha qiiqa ka qaada ee gubayaasha shidaalka ee karkariya biyaha  qaacca tamarta isubedala ee wada turbiinnoyinka shiida Qasabka in ayen lahayn awood hawada ay u sii fogeeysa dambaska la socda qiiqa. Dambaskaa ayaa Magaalada Jowhar ku habsanjirey markii aan dabayllu jirin. Dambasku wuxu  daboolijirey ama ku dul habsanjirey sariiraha iyo fadhiyaasha. Waa qarankadhaa hawo dad iyo duunyo neefsanayaan oo dambas wadata ama ku dheehanyahay.

Waxan ka codsaday Injineer Abdi Dhalaweyne, Madaxa Warshada in aan soo hindiso xal wax looga qabto dhibta ka taagan dambaska qaacca ka soo daadanaya. Waxan soo farsameeyey shax cusub oo wax ku kordhineysa awoodda marawaxadaha qiiqa tuura iyo matoorrada wada iyo isbedel lagu sameeyo qalabka hanaankoo dhan. Kharash dhan rubuc malyuun dollar ayey qiyaastii noqotay in la geliyo farsamadaa warshada. Abdi Dhalaweyne intuu soo darsay hindisahayga ayuu goostay in uusan taageerin kharashka ku baxaya awgiis, isagoo igu yiri “Warshaduna iskama bixin karto dawlad diyaar u ahna ma jirto. Si hagaagsan ayuu iigu soo dhamaaday tababarkii SNAI-PIASA. Waxan ku soo laabtay Mareerrey ee Jubbada Hoose halgaa oo dhismaha Warshadii sonkorta iyo abuurka beerihii qasabka si xoogan looga wado. Mudo dhawr bilood ah haddaan joogay Mareerrey, waxa la ii diyaariyey in noqdo Injineerka waxa soo saarka sonkorta marka warshadu hawlgal bilowdo. Warshada oo weli dhismaysa, ayaa aniga iyo Injineer Mohamed “Amxaar” tababar ku saabsan farsamada soo saarka sonkorta, hanaanka iyo qalabka la xirirra naloo ku diray Dalka Ingriiska. Aniga iyo Mohamed waxannu halkaa tagnay tobanneeyo magaalo ee qalabka sonkorta laga soo saaro. Waxa tababarkii noo dhamaaday bisha Disembar 1979.

GO’AANKA KA MID NOQOSHADA MUCAARADKA SOMALIA

Intaan dalka Ingriiska joognay waxa nasoo booqday Dr Ali Khalif Galayr , Maareeyaha Mashruucca JSP. Dr. Galayr markaa ayuu soo noqday Xildhibaan Golaha Shacabka ee Dawladda Jan. Siyad Barre, waxana loo balanqaaday in uu noqondoono Wasirka Warshadaha Somalia. Raggayaagii markaa ahaa sadex Injineer oo Injineer Omar ka mid yahay gadaalna noo ku soo biiray isagoo isna ka tirsan Mashruucca Sonkorta, ayaan qado Hotel ku yaala Magaalada London geynay Dr Ali Khaliif. Anagoo wada qadayneyna, ayaa Dr. Ali xagayga inta soo eegay ayuu igu yiri “waryaa Ismail, maxaad la aamusantahay ma qurmis ayaad ka amineysaa?” isaga oo ujeeda erayga Kulmis oo u caan ubaxay SSDF. Waxan ugu jawaabay durba “ waa laga yaabaa.” War waa kula aftamayey, Ismail”, ayuu igu soo celiyey.

Kaftanka Ali Khalif wuxu dib ii xasuusiyey waxyaabihii walwalka iyo walaacca igu beerray mudadii gaabnayd ee aan joogay Somalia, oo si aan caad ku rognay ii muujisay in dadka aan qoys ahaan ka soo jeedo ay yihiin bartilmaameed cadaawada Dawladda Siyad Barre ku jirta. Micna waa ii samaynweyday ku laabashadayda Somalia markaan England ka dhamaysto tababarka.

Waxaan ku talamay labo:

  1. In aan aduunka kale shaqo u raadsado

  2. Iyo in aan dhadhaqaada ka soo horjeeda Maamulka Milatari ee Siyad Barre ku biirro.

Waanigii dalka ka maqnaa mudo todoba sano ah waagii aan wax ka baranayey dalka Midowga Sovieti. Waa isoo kartay kurba-joognimadu. Waad garan kartaa si aan u faraxsanaa markaa dalkaygii ku soo laabtay, anoo huba in aan horumarkeeda wax ku soo koordhin karo waxna u soo bartay. In ay taasu tahay hami been ah ayaa durba ii soo baxday. Waxa kaloo aan dareemay in humar dalku gaaro iska dhaaffe u buur ku sii socdo mar haddii aqoonyahanada, xirfadlayaasha iyo waxgaradka dalku ayen waxba la ahayn ama uu ka takhalusayo maamulku. Siyaasadaa Taliska Siyad Barre dabtii waxaa la orankaa ka mid bay ahay ayaan-darooyinkii ugu waaweynaa ee Somalia ku habsaday, dhaxalkii musiibadaana haatan la hayo. “ciilow ba ey tala-xumaan cudur ka roon eyne” ayuu yiri Shiikhii Sayid Mohamed Abdulle Hassan.

Mar haddii aan weli niyadda ku hayo in aan joogo dalkayga, haseyeeshee hadda  ayen bilan ku laabashadiisa, waxan goostay in aan Halganka ku biirro, shaqadii JSP halkaa ku dhaafo. Go’aankaa waxan ku gaaray Nairobi, Kenya, markaan u gooyey tababar ii sii socday England-Kenya.

Waxay ahayd bartamihii Janaayo markaan diyaarradda London-Nairobi ku bedelay Gagada dayuuradaha Roma halgaas oo dhib tiketka Somalia laga soo jaray iga qabsatay. Tiketku wuxu ahaa mid aan meele loo weecin Karin, Shirkadda aan Ingriiska martida u ahaa iyo aniguba anaan sii fiican u qorshayn. Intaa waxa daran shaqaalaha Gagada Dayuuradaha Roma oo aan ahayn kuwo u habeysan soo dhaweynta ganacsiga iyo u jajabnaan dhoofayaasha gagada jooga ama ku xayirma. Afar iyo labaatan sac ayaan ku xanibnaa gagada ka hor intaanaan xiriirro badan ee isgaarsiineed sameyn sii aan u bedelo tiketka ama u iibsado mid kale markay safaaradii Somalia ay gacan i siin weyday anoo ah Sargaal Dawladda Somalia. Mas’uuliinta Safaaradu intaa ii yimaadeen oo lahjadayda garden ayey koosteen in ayen waxba ila qaban. Shirkaddii Ingriiska ee London ayaa gacan igu siisay iibka ticket kale tan iyo Nairobi si aan tababar dhawr billood ah ugu qaato Warshadda Sonkorta ee Mumias ee Magaaladda Kisumo, Waqooyi Galbeed Kenya.

Mudadii aan dayuuradda u soo saarnaa Nairobi, waxan la kulmay gardaro iyo aflagaado ka imaaneysa koox Soomaaliyeed oo aan shakhsiyan ii aqoon ina haybsan. Way ii cadayd in kooxdaas ay isku halayn dhanka Dawladda Somalia u sameynayeen daandaansiga dayuuradda dusheeda. Iyagoo igu dhaga-hadlaya waxay kaloo maagayeen shakhsiyaad ka tirsan dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Dawladda. Waxaas oo gardaro ah isuma kalabixin, taasna wa ka sii xanaajisey kooxda cirka ku dhaantayneysa iyadoo dhulkiiba aan weli cagaha la dhigin. Alloow haday garan lahayeen gardara aan geed la isaga soo laaban in ay sii xoojineyso  amigeyga in aan ka goosto Dawladda Somalia ee markaan taagan! Kooxdu waxay ku laabanayeen Muqdisho iyagoo sii maraya Jomo Kenyatta Airport.

Allah-lehe waxan ka soo dagey Jomo Kenyatta Airport maalin sabti ah koor barqo. Waxan wataa Baasaboor shaqaale ee Somalia oo Safaaradda Kenya ee London soo fiiseysaay. Safka soo galitaanka dalka markaan soo istaagay, ayaa askarta Kenyaanku iswada fiirfiiriyeen oo malaha la isyiri Allah-lehe mid Soomaali ah ayaa idiin dagan ee kharashka biirrada sabtida ha laga qaado. Durba mid baa iigu yimi anoo safka bartanka kaga jira. “do you have a Visa?” ayuu si aan xushmad la hayn ii weydiiyey. “ Don’t you think it is too early to ask for that?” Ayaan ugu jawaabey. “what do you mean?” Ayuu igu soo celiyey. “I mean you are not an Officer at an immigration counter, don’t you agree?” Ayaan ku iri. Inta si xanaaq ku jiro ii fiirshay, ayuu ka jaqaafay. Miiskii sargaalka Visa-da markaan soo istagay ayaan waxan u tagay nin u diyaarsan innu manta wax iga dheefo. Durba baasaboorkaygii ayaan miiska u saaray. Inta kala bixiyey baasaboorka isangoon balaha rogin, ayuu yiri, “Eh, Somali Passport, you don’t have Kenyan Entry Visa?”!  “ Sir, you better look at my diplomatic Visa issued by the Kenyan High Commission in London, UK”. Ayan durba jawaabta wajiga ka saara. Intuu uqaadan waayey oo aad moodid innuu argagaxay ayuu fiirfiirriyey dhawrka kale ee agagaarkiisa taagan oo iyana malaha u heelan in ay boobka ku wajahan ninka Soomaaliga ah wax ka wadaagaan. “Sargaalku inta qawaday, buu yiri, anything for me? “like what?” Ayaan weydiiyey. “You know it is Saturday today, I want to be happy”, ayuu igu dayey. “It is not Friday for me; I also would like to be happy, let us hope for the best”, ayaan ugu gabagabeeyey. Inta kor dhugtay isagoo oo quus ah, ayuu baasaboorkayga ku shaabadeeyey mudo sadex bilood ah.

Iridda loo baxo gagada waxan ku soo maray nin haysta oggeysiis farwaaween ku qorantahay: “Mr. Warsame”. Malaha waxaa soo diray Xarunta Nairobi ee Shirkadda Mumias oo aan u socday, si Gagada la iiga soo qaado. Walee waa garab maray ninkii Kenyaankii halgaa igu sugayey. Waxan kaloo wataa warqad Shirkadda Ingriiska ee Bookers Agriculture International ay London iga soo siisey kuna socota Hotel-ka 680, kharashkaygana damaanad qaadeyso. Isagana waa garab-maray anoo saran taxi igeeyey Hotel la yiraahdo Excelsior; halgaas oo durba billiq hurdo la dhacay daal awgiis.

Sabti iyo Axad haddaan nastay, isniintii ayaan taxi uqaatay Safaaradda Ethiopia ee Nairobi si aan ugu wargeliyo in aan doonayo aadis Addis Ababa kuna biro SSDF oo markaa la oranjirey SSF. Waxan Safaaradda kula kulmay Xoghayaha Kowwaad oo lagu magaciisu ahaa Ayale, siduu ii sheektay. Ayale markaan kala dhameysanay sheekada wuxu iweydiiyey in ay dhabtahay in Somalia laga helay Shidaal. Waxan ugu jawaabay in ayen shaki ku jirin in Somalia shidaal iyo macaadiin kalaba ka buuxaan iyo innusan beensan warka shidaalka ee uu maqlay. “hotel-kayga jog cidbaan ku soo direynaaye”, auu igula dardaarmay.

Talaadadii waxa Hotel-ka igu yimi labo oday oo Jabhadda SSDF muhiim ka ahaa. Waa Ali Barre “Cidi-libaax” iyo Abdirahman Ashkir Gurac “Bolonyo” labadaba Allow u naxariiso. Waxay iga rareen Hotel-kii Excellsior iyagoo igeeyey Hotel Embassy oo malaha ka jabnaa kana amaan roonaa. Waxay igu wargeliyeen in aan aadis Addis Ababa isu diyaariyo.

Dhawr beri kadib, koor barqa ah ee dabayaaqada bisha Janaayo ayaan ka soo dagay Gagada Bole International Airport ee Addis Ababa baan ka soo dagay. Waxaa iigu yimi Saraakiil Jabhadda SSF iyo kuwa Nabad-sugidda Ethiopia ka tirsan. Waxa lay keenay Xaruunta Jabhadda oo degaan iyo xafiisba ah. Sargaal Jabhadda ka mid ah kuwii isoo dhaweyyey ayaa si hoose iigu sheegay in Sargaal Mesfin oo la socday raggii uga qaabilay Gagada Bole uu kula taliyey ragga Jabhadda in ay ogaadaan in aan ahay sargaal sare ee Dawladda Somalia ka soo fikaday loona baahanyahay in igu mintidaan oo dad kale oo Jabhadda ka tirsani ayen ii warxumo-tashiilin. Arrintaasu durba dhiillo ayey igalisey oo waxay in yar ii iftimisay in u jiro muran siyaasadeed ee Jabhadda dhexdeeda ah iyo kooxa-kooxaysi. Xogtaa koobani waa warkii ugu horeyey ee aan helo maalintii kowwaad  ee jabhadnimadayda. Waxay kaloo iyana daaqadda iga tustay in Maamulka Mengistu Haile-Mariam fara-gelin ballaaran ku hayo Jabhadda.

Dhawr beri haddaan joogay Xarunta Jabhadda ee Addis Ababa waxay ogaaday in uu jiro isqabqabsi siyaasadeed oo xoogan in Ethiopia ku leedahay dawrweyn iskahor-imaadka hogaanka siyaasadeed ee Ururka. Arrintan dib ayaan buuggan qaybihiisa dambe ugu falanqayndoonaa.

Dhawr todobaad ka dib waxan tareen u raacay Dire Dawa halgaas oo ay taal Xarunta labaad ee Jabhadda. Dire Dawa waxan kula kulmay markii iigu horeysay Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed Yey oo markaa kazoo laabtay kormeer uu ku tegay Ciidamada Jabhadda ee fadhiya aaga hore ee difaacca. Abdullahi Yusuf markaa ma aha Guddoomiyaha rasmiga aha ee Jabhadda. Yeelkeede dabtii wuxu ahaa Hogaamiyaha muuqda ee SSF isagoo rasmiyan ahaa ka mid dhawr Ku-xigeen Guddoomiyaha. Alle haw-naxariistee waxa ahaa Guddoomiyaha rasmiga ah ee Ururka Mustafe Haji Nur, Wariyihii caanka ahaa ee Radio Muqdishu iyo BBC-da Laanteedda Afka Soomaaliga, kuna haysta Bilad Sharaf hawlihii uu kasoo qabtay Warbaahinta Somalia, gaar ahaan dacaayadda dagaaladii dhex-maray Somalia iyo Ethiopia lixdamaadkii.

SSDF IYO ETHIOPIA

“ Nin dhirbaaxo ceebeed dugsaday      dhaqayadeed maalye

dhashaaday dhibtaa                              xaajadaad dhawrataa abide”

Waxaan oggahay in dad badan ee Soomaali ah isweydiinayaan maxaa geeyey Ethiopia ururkii ugu horeeyey uguna xoogweynaa ciidan iyo baaxad taageerayaalba ee ka soo horjeestay Maamulkii Milatari ee Siyad Barre. Qaar kale waxay gaareen go’aan in SSDF ay ku khaldanayd in ay ka hawl-gasho dhulka Ethiopia. Kuwo kale waxay ku doodayaan in Maamulka Siyad Barre isbedel gudaha lagu samayn karey. Doodayaasha qaarkood waxaba indha-tirtay colaadda soo jireenka ah ee Somalia iyo Ethiopia iyo in Ethiopia marnaba hayn dan Soomaliyeed. Kuwo kale waxay ka tirsan yihiin dad aan marna guul u ogalayn SSDF caadufad qoys ama dano siyaasadeed awgeed. Kuwo waa habari daan raacday oo haddaba guuxa beeleed ayey la socdaan. Qaar kaloo faraban waxay rumaysteen dacaayeddii Maamulka Siyad Barre taas oo sanado badan dadweynaha Soomaaliyeed lagu wacyi-gelinjirey in Beesha Majeerteen ay yihiin Xukun-doon, kacaan-diid dib-u-socod ah. Deedna waxaa soo baxay halku-dhegyada loola jeedo Beesha sida Dabadhilif, Haraadi, Qurmis iwm. Dacaayaddaas mudada dheer Maamulkii Siyad Barre si joogta ah u fidinayey waxay ku yeelatay saamayn weyn umadda Soomaaliyeed dhexdeeda, waxayna keentay daawaac aan kasoo kabasha lahayn iyo iska hor-keen dadweynaha. Kuwa ugu xeel-dheer waa SNM iyo USC oo geed walba u fuulay, dhagax kastana u rogay in ay inkiraan, qariyaan, been ka sheegaan ama isku dayaan in ay kaalintii halgan iyo taariikhdeedaba SSDF meesha ka saaraan gabi ahaanba. USC waxay inkirsantahay in ay ahayd qayb ka go’day SSDF markii Mengistu Haile-Mariam iyo Madaxda SSDF iska hor-yimaadeen taasoo isugu biyashubatay in Maamulku xirxiro madaxdii ugu sareysay ee Jabhadda, ururkiina curyaamo. Qaybtaa SSDF ee USC waxaa madax ka noqday Hussein Ali Shido oo ahaa xubin Golaha Dhexe ee SSDF. Isagoo taageerada Mengistu la kaashanaya Jan. Mohamed Farah Aideed ayaa si ayen dimoqoraadinimo ku jirin kala wareegay Guddoonkii USC Hussein Ali Shido. Jan Aidid wuxu markaa ka yimi Italia isagoo kasoo qayb-galay shir beeleed siyaasadeed ee dhacay Roma ka dib markii laga qaaday Safaaraddii Somalia ee New Delhi, India. Ku-xigeenkii Guddoomiyaha SSDF Mohamed Farah Jam’ale ayaa isagoo aan iska casilin Jagadii SSDF Jan Aideed u noqday La Taliyaha Koowaad ee dhanka siyaasadeed USC.

SNM iyo tagaageerayaasheedu waxaba dadweynaha isu tusaan in ay yihiin kuwo cirka ka soo dhacay in dadkooda u badbaadiyaan iyagoo iyana inkiraya in ay ahayd SSDF tii ku martqaaday Gudaha Ethiopia mudo dhawr sana ahna taageereysay hub iyo lacagba ilaa ay ka hana qaaday. SSDF waxay taageero joogta siin jirtey madaxdii ugu horeysay ee SNM sida Tuqsi, Yusuf Shiikh Ali Madar iyo Kornayl Koosaar. SSDF markaa u barertay in ay jabiso Heshiiskii Sadex-geesood ahaa ee Ethiopia-Libya-Koonfur Yemen kaasoo ahaa in Mucaardka Somalia la mideyyo oo kii soo kordhaba lagu daro SSDF si loo xoojiyo cududa iyo maskaxda mucaaradka. Waa sababta SSDF uga koobantay sadex urur oo isu tagey sida SSF, Ururka Shaqaalaha oo hogaaminayey Said Jama iyo Ururka Shuuca ee uu madaxda ka ahaa Abdirahman Aidid, SODAF-na (Somali Democratic Action Front) oo uu madax ka ahaa Osman Nur Ali Qonof, Wasiirkii Cadaaladda ee ugu horey Dawladdii Siyad Barre, deedna isatagay, ururkaa oo u  xuubsiibatay SSF (Somali Salvation Front). Mar kale waa sababta SSDF casumaadda ugu fidisay SNM oo horaantii sideedtamaadka looga dhawaaqay London, dalka Ingriiska. Waxan aad u xasuustaa in Hal-kudhaga siyaasadeed ee SSDF markaa ahaa: “London dal lagama xoraynayee, walaalayaal soo dhawaada madasha halganka”

SNM iyo USC-ba waxay si been-abuur iyo jaha-wareer ah aduun weynaha ugu shaaciyeen in iyagu sabab u ahaayeen dhicitaanka Taliskii Siyad Barre. Dunidu waa ka iibsatay dacaayaddaa la farsameeyeen iyadoo ka eegaysa dagaaladii dhacay billihii ugu dambeeyey ee Taliska, dibna aan u jaleecin kaalinta SSDF ay kasoo qaadatay abuuritaanka iyo kobcinta SNM iyo USC iyadoo awalba qorshaha iyo siyaasadda SSDF ahayd in dadweynaha Soomaaliyeed laga hor-keen Taliska Siyad Barre. Waa cadda ahay in siyaasaddaa SSDF ku guuleysatay nasiib darro wixii dabadeed dhacayba markuu meesha ka baxay Taliskii.

Waxa muuqata in ay badanyihiin oo kala duwanyihiin aragtida dadka Soomaaliyeed iyo kuwa xiiseya arrimaha Somalia ka qabaan Halganka SDF. Weli ma arag qof aan ka tirsanayn Taliskii Siyad Barre oo diidan in laga hor-yimaado ama la badelo Maamuulka. Sidoo kale waa yaryahay ama waa farakutiris dadka magaalo ku noolaa ee beesha Majjeerteen ka soo jeeda aan Taliskii Jan Mohamed Siyad Barre xabsi dhigin maxkamad la’aan inta u dhaxaysa billo iyo sanado farabadan. Dadweynuhu waxay xabsiga Taliska u galaan sida dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare. Dadkaas waxaa loo xirxiray si ujeeddo badan ah. Qaar waxa lagala wareegayey shaqooyinka ay u hayaan Qaranka, kuwo kale waa la baqdin gelinayey, kuwo waa cabsi siyaasadeed oo laga qabo, qaar dhaqaalaha ayaa la curyaaminayey, qaar nugulka iyo dhalaanka ayaa laga wiiqayey, kuwo ciidamada amniga ayaa laga fogeynayey.

Siyaasadda Siyad Barre ee ugu horeen ku wajahnayd Beesha Majeerteen, deedna markay ka dhidhin-waayeen tii ku dhacday Majeerteenka, mid mid u saamaysay Beelaha kale sida: “Duriyadda” Issaq iyo Hawiye, waxa ku saleysnayd in niyad jab iyo cabsi gelin lagu rido dadweynaha sidaan Xukunku ku abaado aragtidiisa. Iskadaa dadweynaha ku nool magaalooyinkee waxa dhib, bubur, dhac, boob hanti iyo kufsi gaarey xoolo dhaqatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwo degan Gobollada Dhexe ee dalka, heer uu gaaray Talisku ceelasha xoolo-dhaqatada sumeeyo barkadaha biyahana buurburiyo, falkaa oo faashistadii Talyaanigu iyo gumeysigii Ingriisku ku samayn Karin dadka Soomaaliyeed. Maamulayaasha talisku waxay xalaaleysteen hantita dadweynaha iyo xataa dumarka la qabo taas oo diin iyo dastuur bani-aadamba ka fog.

Nasiib darro waxa weli madasha siyaasadeed ee Somalia ka dhex-muuqda kuwo Siyad Barre iyo siyaasadda caynkaas ah la soo caana maalay isleh malaha waa la illaawey baalka madow oo ay ku leeyihiin taariikhda Somalia aygoo ku andacoonaya in wixii gadaalkood ka dhacay dalka ay daranyihiin waxay iyagu soo faleen. Maamulkii Siyad Barre marna kuma fakarin in dhawrista xaqqa, hantida, nabadgelyada iyo shaqada qof kasta ee Soomaaliyeed beel kasta haw-dhashee ay tahay waxyaabaha ugu horeeya ee wadanimo, markii taa lagu xad-gudbana arrintu noqonayso jaantaa rogan iyo xeer burcad ama qawleysato mudan illaahi hortii in laga hortago oo la afgambiyo. Qaarkood madax bayba ka noqdeen deegaamadii ay qabsadeen ururrada ku faanayey in ay iyagu rideen Dawladdii Siyad Barre taasu ku tusineysa in ayen ujeeddo fog u halgameen markoodii horeba ama ay ka weecdeen haday la haayeen qorshe ku wajahan danaha Soomaaliyeed.

Mar haddii dadka inta badani isku raacsanyihiin in loo baahnaa in wax la badelo Maamulka iyo hogaanka Dawladda Ciidan ee Somalia, waa in laga jawaabaa sidii loo helilahaa or hanaan lagu fuliyo. Waa la wada ogyahay in la waayey ama lagu guuldareeystay isbadel gudaha dalka ka dhaca mar haddaan talisku ahaba yaraatee ogalayn labo qof oo shekaysata bal xisbiyo mucaarad ah iskaba dhaafe, dadweynihii xabisyada laga buuxiyey maxkamad la’aan, xaafadihii magaalo walba loo samaystay guulwadayaal ilaalo ka haya, nin iyo murwadiiso kala shakiyeen,caadis siyaasadeed iyo amni darro shaqsi oo weli Somalia soo marin dalkii gabi ahaan lagu soo rogay, dastuur jiren iyo wax xeeriya adeegaha Dawladda.

Waxaa socday tan iyo intuu jirey talisku tala-soojeedin Siyad Barre uga imaaneysa odayaasha Beelaha, wax-garad iyo siyaasiin dalka laga yaqaan kuwaas oo qudhigoodu kasoo qalinjabiyey Labaatan Jirow, Laanta Buur iyo xabsiyo siyaasadeed oo kale.

Waxaa oo cadaadis siyaasadeed ah, cadaawad iyo dhaqan xumo iyo isir socca ah markay si aan hakat la hayn u dhacayeen ayaa ugu dambayntii dhaqnashada dadweynuhu gaartay heer kacdoon.  SSDF ayaa noqotay dhuunta keli ah oo ayey ka neefsato ummaddu xataa dadka aan taagersanayn ururka.

Dadkii qabay in kudaha dalka iyo maamulka dhexdiisa isbadel lagu samayn karay, waxay quus soo istaageen dhacdooyinkii siyasaasaded sanadihii 1985-1987 mudadaa oo dawladaha Reer Galbeedku cadaadis ku saareen in Taliska isbadel (Reform) lagu sameeyo. Cadaadiskaa dawladaha shisheeye waxa u guuxay kooxo muhiim ah ee ka tirsan jagooyin sar-sarena ka hayey Xukuumadda, Xisbiga Kacaanka iyo Xoogga dalka. Qaarkood waxay xigto ahaayeen Siyad Barre qudhiisa sida Dr. Mohamed Aden, Wasiirka Caafimaadka, Jan. Omar Haji Masale, Taliyihii Guud Xoogga Dalka. Qaarkood waxay ka tirsanayeen Golihii Sare ee Kacaan ilaa heer Madaxweyne Ku-xigeen sida Ismail Ali Ismail iyo Wasiirkii Arrimaha Debedda Somalia, Omar Arte Qalib iyo kuwo kale. Mas’uuliintaas dadaalkoodii ku saabsanaa isbadel kudaha dalka ka dhasha wuxuu ku dhamaaday xabsi siyaasadeed sida kuwii ka horeeyaba.

Waxaa kaloo taa ka sii daran waxay aayihii kooxdii “Manifesto” dabayaaqadii Taliska, oo qaarkoodba la laayey sida Muse Boqor.

Labaadaa dhacdooyin oo keli ah ayaa kuugu filaan karaa in aaden wakhti isaga dhubin arrinta ku saabsan isbadel taliska ee gudaha dalka laga samayn karay, taasoo iyana ka jawaabeysa su’aasha doodayaasha qaarqood qabaan in aan xoog la isugu dayin isbadelka ka dhaca gudaha. Isla dhacdooyinkaa garta siinay in SSDF ay ka dhisanto Dalka dibeddiisa, Ethiopia ahayd meesha keli ah oo ay dhagangeli kartay, adoon hilmaamin culayska taariikheed ee laba dal u dhexaysa.

Quus iyo rajo-beel ayaa dadkii ku habsaday. Waxa laga maarmi waayey isday afgambi milatari kaas oo lagu fashilay bishii Abriille 1978 Dalgaalkii Somalia-Ethiopia ee 1977-1978 ama loo yaqaan Dagaalka Ogaden. Rajo kasta oo laga qabay in Taliska isbel lagu guha dalka loo sameeyo halgaa ayey ku dhimaatay markii Siyad Barre amray in la tookto saraakishii uu ugu magic dheeraa Kornayl Cirro,isku dayday afgambiga intii yarayd oo dalka ka fikaday mooyaane. Wax mucaarad magac leh markaa waxa jirey SODAF oo ahayd aqoonyahano, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo kooban tiro ahaan, kana kala soo jeeda beelo Soomaaliyeed oo kala duwan. Waxan ka xusi karaa raggaa, Osman Nur Ali Qonof, Yusuf Harun, Dr. Hassan Ali Mire, Col. Gawido.

Saraakiisha ka badbaaday cadaawad iyo toogashada Siyad Barre ka dib isku dayga afgambiga dawladeed waxay ka talaabeen xuduudda Kenya isla ayaamahay ka soo laabteen Dalgaalkii Ogaden. Saraakiisha fakatay waxaa ugu caan sanaa Taliyihii Aaga Koofureed ee Dagaalka, Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed Yey, kaasoo noqondoona si isdaba jog ah Laaji Soomaaliyeed ee Kenya, Guddoomiyaha SSDF, Maxbuus Mengistu Haile-Mariam, Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Somalia iyo Madaxweynaha Jamhuuriyedda Somalia ee Dawladda Federaalka Ku-Meelkaarka (TFG).

Saraakiishaa isku daygii Afgambiga waxa aad u soo dhawenyey Jaaliyedda Soomaaliyeed ee Nairobi, waxana markiiba bilowday wada xaajeysi ku saabsan sida Taliska siyad Barre dalka looga badbaadin lahaa. Arab Moi, Madaxweynihii hore markaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Kenya ayaa isna siiyey saraakiisha magan-gelyo siyaasadeed. Jaaliyedda iyo saraakiishu waxay talo meel dhigeen in loo baahanyahay in la dhiso urur mucaarad hubaysan si deg deg ah lagama maarmaan ay tahay in helo saldhig dalka Somalia dibeddiisa ah.Waxa Kenya laga codsaday saldhigga noocan ah. Kenya waa diiday in ay u fidiso mucaaradka saldhig ka soo horjeeda Dawladda Somalia. Yemen ayaa lagu fakaray taasoo la iska dhaafay badda noo dhexays awgeed. Iyadoo arrimuhu halgaa taaganyihiin, ayaa saraakiishii Nairobi waxaa Addis Ababa kala soo xiray Madaxdii SODAF oo Maamulkii Mengistu Haile-Mariam oggalaansho ka soo helay in saraakiishu ku soo biirran SODAF oo iyadu ku guuldareysatay in hesho taageerada dadweynaha gudaha Somalia ama ciidanka Xoogga Dalka.

Halgaa waxay ku cad in ayen Ethiopia ahayn doorashadii koowaad ee SSDF ama qorshe horey loogu talagalay oo tagitaanka ururku uu noqday ka maarmi waa markii meel kale oo loo irkado la waayey.

Intaanan qoritaanka buuggan bilaabin, nin saaxib ah oo ka mid ah ragga igu dhaliyey in aan waxa ka qoro dhacdooyinkaan usoo joogay, ayaa igu yiri: “Aaditaanka SSDF ee Ethiopia waxa lagu tilmaamikaa karaa “libaax nin aan aqoon baa lax ka rita”. Waa dab cid diidaysana malaha taa ma jirto. Haseyeeshee waa maxay badiilku? Talo keen nidaankii ka taagnaa Somalia wax looga qabto. Nin yiri xoog baan Somalia qabsaday, xoog keli ah ayaana wax laygaga qaadi karaa, ma dacaayad radio la dhaho ama wargeys lagu qoro miyaa ridaya; yaase dhagaysanaya ama akhrinaya haddii umaddii ku noolayd dalka gudihiissa iyo dibeddiisuba wada cabursanyihiin oo qaarkood adeegayaasha iyo sirdoonka Siyad Barre ku laayeen Kenya iyo Djiboutiba, qaar kale oo waxba galabsanna dawladaha ay lagu diray, lagana masaafuriyey ka dib marka shaqooyinkii iyo deganaasha laga qaaday. Xagee bay ku dambeeyeen odayaashii faraha badnaa ee waanwaanta heshiish radiyey. Mala socotaan in Siyad Barre xataa beelaha Soomaaliyeed u magacaabay guurtidii sida uu u kala badelo wasiirradiisa, taas oo dhexda ka jabisey dhaqan ma guuraa ah. Falkaa Talisku wuxu dalka dhaxal siyey in Somalia xal loo waayo buurkii ka dib mar hadduu dhaawan aan kasoo kabasho layn gaaray Xeer Dhaqameedka Belaha Soomaaliyeed.

SSF, ADDIS ABABA, ETHIOPIA

1978-da Saraakiisha uu hogaaminayey Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed waxay durba ku guuleysteen in ay isu yeeraan Shirweyne ay ka soo qaybgaleen wufuud Soomaaliyeed oo ballaaran oo ka kala yimi dacalada aduunka oo dhan. Shirweynuhu SSF ayuu u badelay magacca SODAF, Guddoomiyeheedana waxa loo doortay Mustafe Haji Nur oo ka soo jeeda Beesha Issak ee Habr-Awal si looga si gaashaanto dacaayadda uu fidindoo Taliska Somalia in ururku yahay Beel Majeerteen maadaama Osman Nur Ali Qonof-ka uu haa nin ka jeeda Beesha. Shirweynuhu wuxu dhacay dhisme weyn oo la haanjirey nin reer boqor ahaa ee Ethiopia oo lagu magacaabijirey Ras Gasse, kana dhisan dusha buuraleyda waqooyi ee Addis Ababa. Halgaa waxa lagu doortay sadex Ku-xigeen Guddoomiye: Omar Sterling, Duqqii hore ee Mudisho waagii dawladahii rayid, Beesha Abgaal,

Shandiinle-Beesha Cayr iyo Kornayl Abdullahi Yusuf. Waxa kaloo la doortay Golaha Dhexe ee ururka waxana la gudbiyey ujeedooyinka iyo dastuurka ururka.

Mudo yar gudaheed ayaa ayaa waxaa ku dhismay cudud ciidan SSF markii sadexdii boqol oo wiil dayuurrad BOEING looga soo qaaday Nairobi si loo geeyo Saldhig cusub ee tababar ciidan ee Jensaney, Dire Dawa, Ethiopia, iyo boqollaal kale oo isu jira dhalinyaro, askar iyo saraakiil ka soo fikaday Somalia. Xawliga dhismaha ciidan ee Jabhaddu durba waa ka dheereeyey dhismaha iyo humarka siyaasadeed taas oo ugu dambayntii waxa u dhimidoonta guushii ay higsaneysa SSDF.

SABABA KEENAY DHAQSO U HANAQAADKA SSF

SSF (Jabhadda Badbaadinta Soomaaliyeed) durba si xawli ah ayey u kortay sababaha soo socda awgood:

  1. Saraakiil caan ah ee Ciidanka Xoogga Dalka oo hogaaminayey halganka hubaysan sida Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed, Gaawido, Kornail Ahmed Ilgiir, Dhame Abdirizak Omar Haji, Kornail Mohamed Abshir Weyrah, Dhame Abdullahi Ali Mire (Carays), Kornail Said Mohamud Indhayare ( Maaraktaayey) iyo qaar kale runtii magacyadooda aan halkaan lagu soo koobi karan kuwo allaystay iyo haatan kuwo weli noolba.

  2. Caburinta iyo cadaadiska Taliska Siyad Barre dadweynaha taageersan ururka oo gaaray heer ba’an oo dhawrsi iyo karaamo bani’aadamnimo belay.

  3. SSF oo durba asaaskeeda ka dib duulimaadyo hubaysan qaaday, hawlgalana ka fulisey degaanno ay fadhiyaan ciidamada Taliska Somalia sida Hawlgalka caanka ah ee loo yaqaan “Awrayaal” 1978 ee dhacay Mudugh, Bartamaha Somalia. Hawlgalkii Awrayaal waxuu soo jiitay dhalinyaro Gobollada ee Somalia oo faraban oo Xeryaha Tababarka Jabhadda soo buuxdhaafshay.

  4. Xoola dhaqatada Mudugh Sare degan oo naf iyo xoolaba u huray Ciidanka Jabhadda.

  5. Anshaxa iyo deqanka Ciidanka Jabhadda oo wanaagsanaa, kuwaas oo nabadgelijirey dadweynaha ku nool degaamada ay hawlgalaan ama ka fuliyaan hawlgalo ciidan. Ma dhicin weli xitaa gabar Soomaaliyeed oo la fara xumeeyey. Ciidanka Jabhaddu wuxuu taageerijirey oo xataa xoolaha u shubijirey Xoolo dhaqatada taasoo iyana soo jiidatay dadweynaha. ( Sheekado weli wey socotaa).

Advertisements

4 thoughts on “Safarkii dheeraa ee wiilka reer miyiga

  1. Ismail warsame, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aad qortey sheekada ah:”Safarkii dheeraa ee wiilka reer miyiga ah”…In aad dhameeysid sheekadaa waa kugu dhiiri galinaayaa, waa taariikh dadka iyo dalka Soomaaliya waqtigaan soo koraayey soo martey oo dadka aniga oo kale ah aad iyo aad u xiiseeyo, sidaas daraadeed waxaan ku raacsanahay dadka fikradaa kuu soo jeediye ee ah in aad buug qortid yeey si fiican kuu yaqaaneen in waqti dhacdo muhiim ah aad u soo joogtey loona baahanyahay qeybta aad shaksiyan u soo taagneeyd sida wax u dhacayeen iyo sida aad u aragtid noo gudbisid sidoo kale midda ugu weyn ee ah from miyi to magaalo iyo from peace corps school student to Minisk,Belarussio…

    Waxaan kuu helay anigoo su`aal is-ka raadinaayey aan googleeyey ayaa qeyb ka aheeyd, waaba kala baxay waxaan rabay ee sheekadaan aad qortey ee biography-igada ah daba raacay ilaa maanta….Thx again Ismailwarsame.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s