ADEEGSIGA AFKA HOOYO MEESHII MID DOOLAALLEED

Ma yaraya in intaan helay canaan iyo codsi wada socda ee ka timi akhriye maqaal aan afka Ingiriiska ku qoray. Mar hadduu daalacday maqaalka akhriyuhu, waxan u qaatay in uu yaqaan afka ay ku qorantahay. Haddaba, waxan hindisayaa in dareenka akhriyahaa ku saleysantaha su’aasha: Ninka maxaa doolaallada afka shisheeye u geeyey?

Waa su’aal isweydiin mudan, markaan la tixgelin dhoor arrimood oo kala ah:

1. Dhalinyaro Soomaaliyeed ee farabadan oo qurbaha ku dhashay, kuna koray ee afkooda Hooyo uusan ahayn Soomaali, Soomaaliyana aad u daneynaya.

2. Soomaali farabadan oo adeegsata afafka shisheeye dhanka ganacsiga, siyaasadda, waxbarashada, Interneetka, isgaarsiinta kale, iwm.

3. Ummadaha aduunka oo in badan daneynaya Somalia, Soomaaliduna haatan “Beesha Lixaad” ku magaccowdo.

Ragga aan ka mid ah, oo aan isu haysan in ay afkooda Hooyo hodan ku yihiin, ka shisheeyana dirqi iyo naf-lacaari wax ku cabirikara, baqdin badan baa kujirta. Waxay ka baqayaan in ay ku sifoobaan gabaygii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan: “Alle Qabey Afkana Waa Yaqaan, Waana Ka Agnaan’e”. Qaarkood, malaha aniga ila mid ahi, waxay ka wahsadaan xulashada, ama ugaarsiga erayada toolmoon ee afka Soomaaliga. Sidaa darted, waxanu door bidnaa, af doolaal, anagoo isku maaweelineynaa in ajnabiga u dhashay afkaa, noo cafiyidoono khaladka badan ee afkiisa Hooyo aan ka galeyno. Qoraalladu, af kastaba ha ahaadee, waxay ku saleysanyihiin qaybaha kala duwan ee wax soosaar aqoonta bulshada, sida suugaanta, waxbarasha, aqoonta dabiiciga aha, hidda iyo dhaqanka, xirfadaha gaarka ah, iwm. Qoraagu ama waa mid guud, ama mid aqoon gaar ah uleh qayb farsamo khaas ah oo bulsho kooban ee ay isku xirfadyihiin ugu talagalay. Waxaa kuli ka dhexeeya in qoraa kastaa leeyahay awood u si fudud u gaarsiinkaro akhiriyaasha ujeedada qoraalkiisa. Waxaa jira qaar, iyagoo si guud wax u qoraya, akhiriyaashooda ku dhiba in qaamuus agyaalo, marar badanna qoraalkooda laga caajiso in akhriga la damaystiro.

Waayahaan dambe, akhriyaasho isha umbay mariyaan qoraallada, cabsidaa awgeed. Haddaan magacca qoraalku, ama erayadiisa ugu horeeya ayen soo jiidan akhriyaha, qoraagaa dadaalkiisu waa hal bacaad lagu lisay, ama gaawe (toobke) hoos ka daloolla.

Waxaa taa raaca, dadweynihii Soomaaliyeed oo si qardo jeexxa ah u adeegsada qoraalka afka Soomaaliga, iyaga oo u aabayeelin shaqalka afka, joogsi iyo hakadna la hayn. Taa waxay keentay in fikirka qoraalkooda la garanwaayo, ama la dhibsadaba qaabka ay wax u qorayaan..

Waxba yaanan deel qaafine, afkeenna Hooyo hawl badan ayuu innooga baahanyahay, si uu noqdo af aqoon-soosaareed (knowledge production), siiba dhanka qoraallada. Jihaadkaa ma sahlana inta laga gaarayo xarumo, hay’ado, goosimo afka (language clubs) iyo cilmi-baaris Dawlad Qaran oo Dawlad-Gobolleedyadeedii ku tiirsan, sida ay Somalia haatan la rabo in ay u socoto.

Ugu dambayn, iyadoo ayen iga ahayn dowdarnimo, jacayl iyo xiiso badanna ii hayn af doolaalleed, ayaan ku mada-daashaaa qoraalka maqaallada Afka Ingiriiska ku soo baxa. Ku qabow, in aanan moogsanayn dareenka baahida loo qabo maqaallo xiisaleh ee Afka Soomaaliga ku soo baxa.

Qore: Ismail H. Warsame

e-mail: ismailwarsame@gmail.com

Twitter/Facebook: @ismailwarsame

Advertisements

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s