MUSUQMAASUQ

November 27, 2016.

“Musuqmaasuq soomaali waa meheradeediiye”- Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

Waagaa Sayidka majirin lacag iyo hanti weyn oo la musuqmaasuqo, waxaysee kutuseysaa in musuqmaasuqu yahay dhaqan soo jireen ah ee Soomaaliyeed.

Soomaalidu ma ogga in musuqmaasuqu ka bilowdo been la sheego ilaa laaluush, eex, hanti laysdabamariyo, dhaqan-xumo, ku xadgudub xuquuqda aadamiga iyo maamul xumo ujeedaleh.

Dhanka siyaasadda, Soomaalidu wey qaayibtay laaluushka. Tartankii siyaasadeed wuxu isu badelay “Keebaa kan kale ka lacag badan” iyo “codka ha la siiyo kii lacag wax ku falisa kara”, xataa haduu yahay ka dadweynaha ugu tuugsan oo diyaar u ah dalkaba in uu suuqgeeyo.

Waayahaan dambe, Xassan Sh. Maxamuud iyo ragga siyaasiyan isaga ku xiran markay ay koobta siyaasadda Soomaaliya soo galeen, talaba faraha ayey ka baxday, iyagoo hantidii dalkoo dhan iyo deeqihii shisheeye u isticmaaleen musuqmaasuq baaxadiisa aan horey loo arag, oo dalka lagu hafajiyey, taa oo keentay quus aan Soomaalidu ka soo kabankarin.

Waali maahee, mirqab ma lagu baayicikaraa kursi Xildhibaan hal malyan iyo bar Doolar? Musuqmaasuqqa heerkaa gaaray iyo dhaawacca uu kalsoonida dadka u geystay ma laga soo kabankaraa? Maxaase laga filankaraa Dawlad Soomaaliyeed ee heerkaa iyo hanaankaa musuqmaasuqqa ku dhisantay?

Su’aasha ugu weyn ee meesha ku jirtaa waxay tahay: Dadka Soomaaliya ma yihiin maanta dad u madax-banaan in ay aayahooda iyo jiritaanka dalkooda ka tashadaan?

Qore: Ismaaciil Warsame

ismailwarsame@gmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s