WARYAA MAQLAAYA

Jiiftan waxaa curiyey Siyaasiga iyo qoraaga Ismaaciil Xaaji warsame. Waa maanso tiiraanyo, calaacal, iyo baroor diiq intaba isuug jirta. Waa baaq u dadkiisa kula hadlayo, haddii ay jiraan dhego maqlaya oo u dhego nugul dhambaalkiisa iyo baaqiisa. Horaa loo yiri “Miidaamo Dhego  ma leh, haddii Malag dhawaaqayo”. Maansadu waxay soo baaxday bishan Dec. 19da, 2016 waxayna leedahay sidan;

Waryaa maqlaaya dhawaaqa
Ka Yeeri dalkoo dhan!
Waryaa maqlaaya baroorta
Dhallaankiyo iyo maxasta!
Waryaa maqlaaya musuqa
Dalkoo dhan maruugey!
Waryaa maqlaaya macaashka
Wakiillo mutaystay!
Waryaa maqlaaya
Mowdka macnaba Beelay!
Waryaa maqlaaya Siyaasi
Maal  Dabajooga!
Waryaa maqlaaya maamul
Meherediisa Aan Aqoon!
Waryaa maqlaaya Soomaali
Maamuuskii ka Hallaabay
Waryaa maqlaaya muusanowga
Ka yeeray dadkoo idil
Waryaa maqlaaya Mowdka
Abaarta miyiga halakeeyey !
Waryaa maqlaaya soodinla’aanta
Saameesay dhulkeenna!
Waryaa Maqlaaya
Digashada Nacabkeenna
Waryaa Maqlaaya Sawaxanka  Soomaali
Saameeyey Aduunka.

Waryaa maqlaaya Soomaali
Silicdoo Saxariirtay!
Waryaa maqlaaya waarey dalkeenna
Iyo muusanowga agoonta!
Waryaa maqlaaya Carruurta
Maxbuuska shisheeye!

Waryaa maqlaaya
Marwooyinka wareeray!
Waryaa Maqlaaya
Soomaalida  meehanawday
War miyaadan arkayn
Maararowga Siyaaso dalkeenna
Waryaa mudannoo maanta loo
Irkadaa Eebbana loo Mahadshaa!

Advertisements

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s